Werner ayaa sheegay in ay tahay wax lagu faaano in lagula xiriiryo...

Werner ayaa sheegay in ay tahay wax lagu faaano in lagula xiriiryo Liverpool xiddigga Leipzig ayaa uu hadafkiisu yahay in uu ka ciyaaro Anfield

208
0
SHARE

Weeraryahanka reer Jarmal ayaa lagu soo waramayaa in uu diirada u saaran yahay Reds waxaana uu ku faraxsan yahay in ay xiiseeyayaan.

Xiddiga RB Leipzig Timo Werner ayaa ku faanaya in lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqi karo kooxda hogaanka u heysa Premier League ee Liverpool laakiin wuxuu aaminsan yahay  in ay tahay in uu horumariyo qaab ciyaareedkiisa si uu u helo xaquuq uu kaga garab ciyaaro weeraryahanada haatan Anfield ku sugan.

23-sano jirkan ayaa dhaliyay goolka muhiimka ah kulankii Leipzig ay 1-0 kaga badiyeen Tottenham lugta hore ee wareega 16aad Champions League habeenka Arbacada isagoo sii wata xilli ciyaareedkaan gooldhalintiisa xoogan.

Werner ayaa dhaliyay afar gool Champions League xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 20 gool oo Bundesliga ah 22 kulan oo uu saftay.

Weeraryahanka Jarmalka ayaa dhaliyay laba jibbaar afartii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ka dib markii uu u soo dhaqaaqay Leipzig sanadkii 2016-kii kana soo guuray Stuttgart.

Werner ayaa si weeyn loola xiriiriyay inuu u wareegayo qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub, waxaana si gaar ah loola xiriirinayay kooxda Reds.

Werner ayaa u sheegay Viasport ciyaarta ka dib: “Liverpool waa kooxda ugu fiican, waqti xaadirkan,sharaf weyn ayeey ii tahay in leeyla xiriiriyo waana ku faanayaa”.

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)