Wax ka baro Taariikh nololeedka Halgamaa Marxuum Cali Cumar Sheegoow

Wax ka baro Taariikh nololeedka Halgamaa Marxuum Cali Cumar Sheegoow

195
0
SHARE

Marxuum Cali Cumar Sheegow wuxuu dhashay 20 july 1924, wxuuna ku dhashay deegaanka Mareeg Soomaaliya, wuxuuna ku soo barbaaray kuna soo bartay Qur’aanka Kariimka degmada Baraawe.

1941–1949: Qabsahadii Ingiriiska ee Koonfurta Soomaaliya Sheegow wuxuu ka mid noqday Ciidammada Booliiska ee Ingiriiska oo loo yaqaanney Somali Gendarmery  Field Force, isagoo ka gaarey derejada Saddex Xarigle (inspector)  wuxuuna noqday Taliyaha Saldhigga Booliiska ee Orientale Xamar, Beled-weyne iyo Buula Burde.

1950: Waxaa bilowday maamulkii Talyaaniga (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia-UN Trusteeship) oo loo yaqaaney AFIS.                                              1950–1952 Waxa uu ka mid noqday Ardeydii dhiganeysay Machadka Siyaasadda iyo Maareynta (Scuola speciale di preparazione Politico Amministrativo) oo Saddex sanno lagu qaadanayay Somaaliya, halka sano ee kalana waddanka Talyaaniga iyadoo uu ku qaatey shahaaddada darajada koowaad BA- Political Sceince

1955–1956 Waxaa loo magacaabey Duga ama dhiisiiga Bulo Burte (Commisario distrectuale  di Bulo Burte)                                                                                1956–1958 Waxaa loo magacaabey barasaabka gobolka Bari (Governatore Regione della Migiurtinia- Bosaaso)

1958–1960 Waxaa loo magacaabey guddoomiyihii gobolka Banaadir  iyo Guddoomiyaha Olimbikada Soomaaliyeed.                                                                                          1 Luulyo 1960 waxaa lagu dhawaaqey xoriyadda koonfurta Soomaaliya oo ku jirtay gacanta Talyaaniga (AFIS) isla markaana waxaa lagu dhawaaqey in ay isku darsameen labadii gobol Waqooyi iyo Koonfur

1960–1961: Waxaa loo magacaabey agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladdii ugu horeysay Soomaaliya.                                                                        1962–1964 Wuxuu noqday safiirkii Soomaaliya ee ururka dhaqaalaha Yurub (Eurooean Economic Community-(EEC) ee xaruntiisu ahayd Biljimka.

1964 Waxaa loo doortey barlamaankii Saddexaad (3 Asemblea  Legislativa). 1964 waxaa loo magacaabay Wasiirka Garsoorka, 2 bil Kadib Wuxuu noqday Wasiirkii Qorsheynta Qaranka ee markaas uu isagu aas aasay, kadib markii howshaas uu u xilsaaray  Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya ee xiligaas C/risaaq Xaaji Xuseen.

1966 -1967 : Waxaa loo magacaabey Wasiirka Maaliyada iyo lacagta (Finanza)                  Xiligii Dowladii Aadan Cabdulle Cusmaan markii eey dhamaatay waxaa dhacay doorashadii 10 June 1967 Madaxweynenimada waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo noqday Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u ‘magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka.

1967-1968: Waxaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.        1968–1969: Waxaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha iyo daaqa.                              1969 xilligii doorashadii cusbeyd wuxuu noqday xildhibaan matalaya deegaan doorashadiisa oo ahayd Baraawe.

Xilligaasna waxaa dhacay inqilaabkii October 21  1969 Dowladdii Rayidka aheyd halkaaseey ku dhamaatay.                                                                                        Intii intaas ka dambeysay Wuxuu noqday oday Soomaaliyeed oo u taagan Midnimada iyo Horumarka Soomaaliyeed.

Guud ahaan Xilalka Wasiirnimo ee uu soo qabtay ama loo magacaabay Allaha-unaxariistee Marxuum Cali Cumar Sheegoow waxaa ka mid ahaa:

Wasiirka arimaha diinta iyo Garsoorka                                                                            Wasiirka Wasaaradda qorshaynta                                                                                Wasiirka maaliyadda iyo lacagta                                                                                    Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda                                                        wasiirka wasaaradda beeraha iyo daaqa.                                                                      Agisamaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.