Wasiir Maareeye oo la kulmay madaxda Warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiir Maareeye oo la kulmay madaxda Warbaahinta gaarka loo leeyahay

85
0
SHARE

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Agaasimayaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee dalka, waxayna ka wada hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin Difaacida danaha Qaranka, Amniga, Midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka

kulanka Wasiirka oo ay Goobjoog ka ahaayee agaasimaha Warbaahinta madaxbannan, Agaasimaha guud ee Wasaaardda warfaafinta iyo Agaaasimayaasha waaxyaha wasaaradda ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin Difaacida danaha Qaranka, Amniga, Midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka iyo in fikir mideeeysan la qaato waxkasta oo dhib u keeni kara qarannimada soomaliya

ugu danbeeyn Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa kula dardaarmay madaxda warbaahinta madaxabanaan in ay ka wadashaqeeyaan hormarka dalka isla markaana ay Iska daayaan wararka wax u dhibi kara wadajirka ummadda Soomaaliyeed

Kulankaan ay maanta isku arkeen madaxda wasaaradda Warfaafinta ayaa ah mid waxbadan ka tari karo wadajirka bulshadda Soomaliyeed hadii ay wax u fulaan sidii lagu ballamay.