War Go’i waaye Arrintu sidaas ma aha ee waa sidaan!!!

War Go’i waaye Arrintu sidaas ma aha ee waa sidaan!!!

256
0
SHARE

Mid ka mid ah Abwaan ku sheegyada gadaalka soo baxa ah ayaa sannado ka hor u soo sameeyey xayeysiin shirkad teleefoon ee ka shaqaysa magaalada Muqdisho, agaasinka Idaacad aan ka shaqeeyo ayaa waxa uu igu soo daray 4 ruux oo shaqaalaha idaacadda ka tirsan in ay abwaanka kala shaqeeyaan iidhehda uu soo sameeyey—

waxaan anigu ahaa 4ta ruux ee la soo xulay qofka Afareeya oo ugu da’da wayn, markii aan hawsha guda galnay ayaa waxa ila xumaaday erayada qaar ee xayeysiinta ku jira qaafiyad ahaan, dabadeed sidii ugu dhawaaq la I yiri ma ahee si kale oo ka saxsan ayaan ugu dhawaaqay maadaama ay qalad ahayd sida hore.

Isla markiiba midkii erayada xayeysiinta soo sameeyey oo aan ka filanayey in uu iiga mahadnaqo sixitaanka aan u saxay weertii isaga ka qaldantay, ayaa waxa uu la soo booday isaga oo aan iga da’yarayn, war dadkaan waawayn ma aha in ay goobahaan oo kale ka shaqeeyaan waayo buu yiri maskaxdooda waxaa la tagay cimrigoodii iyo Xukuumadihii haraadiga ahaa ee ay la soo shaqayn jireen—

Runtii waan ka carooday hadalkaas, haddana waxaan ugu dhimriyey jaahilnimadiisa awgeed, sababtoo ah waxaa ila qaraaraatay in aan la sii tirsado midkaas marin habawsan, lunsan ee isu arkayey abwaan wayn oo aan qaldamin—

Haa! aqoondarada waa ceeb waana la isku ceebayn karaa!! Laakiin da’da wayni ceeb ma aha, ee waa sharaf iyo karaamo ilaaheey dad yar uu siiyey—bal fiiri lama yiraahdo ilaahow cimriga noo gaabi marka la ducaysanayo—ee waxaa la yiraahdaa Eebow cumriga noo dheeree-

Galbeedka Soomaaliya macnaha Dhulka Soomaaliyeed ee maamulka itoobiya haatan ka tirsan waagii aan joogay aniga oo ka tagay magaalada Muqdisho dhawr iyo toban sano ka hor ayaa islaan aan daris ahayn oo dhulkaas u dhalatay oo reer Jigjigana ahayd, sheeko na dhex martay-

Islaantu  markii aan in cabaar ah wada sheekaysanaba waxay tiraahdaa war Go’i waaye arintu sidaas ma aha ee waa sidaan, waxaan ka carooday Go’i waayada ay ileedahay oo aan u qaatay nafta Allaha  kugu dhibo wiil yahaw oo aad dhiman waydaa, markii dambe ayaan islaantii ku iri eeddo maxaad ii habaaraysaa oo aad ii leedahay Go’i waaye maad I dhahdid Go’e — qosol ayay la dhacday markaas bay I tiri kuma habaarine waanba kuu duceeyey markaan ku leeyahay go’iwaaye, waana qalad fahamka lahjadaheena afka soomaaliga ku kala jira, haddaan ku habaarayo waxaan ku dhihi lahaa go’e. markaas ayaan ogaaday ismaandhaafka nagu kala dhex jira in uu ka yimid haddaan Soomaali nahay-xagga luqadda iyo sida aan u kala qaadano fasiraddeeda.

Dulqaadka waa shay qiima badan marka ay dadku hawl midaysan kuwada jiraan, iyada oo sidaas jirto ayaan haddana waxaan qirayaa hawl kasta oo sidii loogu tala galay ama la rabay in loo qabto ay qaribto hawshaas laba arimood oo kaliaya.

  • Isku halayn iyo xil iska saarid la’aan daacadnimo huwan oo la waayo–2- Kibir iyo isla wayni gasha hawlwadeenada hawsha loo diray qaarkood ama qof ka mid ah oo is cajabiya isaga oo isu arka hawsha la qabanayo qof kale oo kaga xariifsan in uusan jirin  haddii isaga la waayana hawsha ay fariisanayso islamarkaana isu arka in aan laga maarmin.

laakiin da’wayninka dadka shaqeeynaya iyo da’yaridooda halawga hawsha looma nisbayn karo, sida dadka qaar ay aaminsan yihiin—

Haa!! Mid kalana waa qirayaa aqoondarro xirfadeed hawshu waa halayn kartaa, waxaanse filayaa in aan marka horaba hawsha loo dirayn dad aan xirfadeeda lahayn, hase ahaatee xirfad la’aanta waa laga kabsan karaa, haddii hawl-wadeennada la siiyo tababaro koob-kooban, laakiin Aqoondarrada lagu waynaado waa uun burbur iyo baaba’a aan laga soo waaqsan Karin, waxayna umadda gayeysiisaa in ay xitaa dilaan oo ay nafta ka gooyaan midka iyaga ugu aqoonta badnaa ee ku hawlanaa sidii uu Mugdiga jahliga uga saari lahaa, isla markaana u saari lahaa iftiinka aqoonta.

Tusaalle:    

Qarnigii 8aad umad Noolayd oo aan is jeclayn gudahooda, Noloshana u qaatay in ay tahay Hanti, wax kastana miisaan uga dhiga Maalka oo kaliya, ayaa maalin waxaa u yimid Nin caalim ah,iayda oo Salaadiintoodii meel halkaan oo kale taag-taagan wuu ku soo leexday dabadeed waxa uu ku yiri :- “ILLAAHIINU CAGAHIINA KA HOOS AYUU KU JIRAA ” . Markiiba qoorta ayay ka jareen iyaga oo aan waydiinin Ujeedkiisa.

Sanado kadib waxaa arintii maqlay Caalim kale oo yaqiinay Mukhlisnimada Sheekhii la dilay wuxuu Dadkii dilay ku yiri “maxaad Sheekhiinii u disheen”? .Waxay yiraahdeen” Wuu kufriyay oo kalmado shirki ah ayuu ku hadlay dabadeedna waan Dilnay” ayey yiraahdeen. Wuxuu ku yiri bal I geeya maalintaas meesha aad taagneydeen ee aad ku disheen—halkii ayay geeyeen.

Wuxuu faray in la qodo meesha, markii la qoday waxaa ka soo baxay kunuuz waawayn oo dahab, dheeman  iyo lacag ah oo meesha waxaa horay U daganaan jiray dadyoow Qarniyo hore noolaa.

laakiin nasiib darro waxaa meesha markiiba ka bilawday khilaaf xooggan oo uu abuuray maalkii la helay, oo salaadiintii ka dhex bilawday waana leysu habar wacday, waxaana dhex maray dagaal qaraar oo biraha la isku aslay waxaana meeshaas ku dhintay dad fara badan ilaa Hantidii Cagahooda hoostooda ay ka heleen ay u soo hareen in yar oo dadkii ka mid ah oo la wareegtay.

Sheekhii Dambe ayaa la hadlay haraadigii soo haray wuxuuna ku yiri:-  Alaylehe wuu idiin sheegay sheekhii aad disheen oo ALLE ayaa u kashifay inaad maal jeceshihiin oo aad Rabiga aad caabudaan uu yahay maal aduunyo taasina macna malahan oo waa “Aqoon daradiina waxa Asaagiina Idinka yareeyey.

Si kasta arintu ha ahaatee waa dhab qalad kasta oo dhaca waxaa sabab u ah garasho la’aan iyo aqoon darro Abadi ah, oo Aadamiga guntiga loogu soo xiray markii la abuurayey inta la joogo dunidana wuu jirayaa gafka iyo qaladka lagama kacaanka ah iyo mid laga kaco markii waayo aragnimadu kororto ama uu Insaanku wax barto.

Laakiin qalad kama yimaado da’da ama cumriga waynaada mar haddii dadkiisu aqoon hore lahaayeen, waxaase badanaa gafka lagu arko dadka aqoonta iyo xirfadda leh aan qof ahaan u sababaynayaa buunbuninta ay sameeyaan qaar is xijiya ama duruufta u dhawaysay Mas’uuliyiinta sare si ay u baabai’iyaan hawsha qaran iyo wax qabad ee ay la yimaadaan qaar ka mid ah hawlwadeenada daacadda ah oo had walba u taagan horumarinta dalkooda iyo dadkooda, laakiin nasiibka u diiday in ay waqti u helaan Mas’uuliyiintooda sare si ay ula wadaagaan waxa kasta sida ay yihiin, loogase hormaray—

Waxa weli maskaxdeeyda ka tirmi la’ Hadal uu I yiri mid ka mid ah Mas’uuliyiintii dalka soo martay gaar ahaan kuwii u ololayn jiray in shareecada islaamka lagu dhaqo magaalada Muqdisho, isaga oo dhibsaday sida ay u arkayeen siyaasiyiintii berigaas jiratay iyo sida uu isugu doonayey—wuxuu hadalkaasi ahaa ninka hebel la yiraa labada dheg ee Alle siiyey midood Waa Awdan tahay oo waxba kama maqalyo, tan kalana Reer Hebel oo kaliya ayaa wax ugu sheega—

Taas waxaan ugu gol leeyahay mar haddii Mas’uuliyadda ay tahay waxyaabaha ugu horeeya  maalinta aakhiro  ee wax layska waydiinayo——waxaan ku talin lahaa in aan marka horaba loo dhawaan—haddiise la qabto waxaa wanaagsan in aan dad tirsan oo kaliya wax laga dhagaysan, loona sinaado dadka mas’uulka loo yahay oo dhan oo wax laga wada dhagaysto- si sinaantu u ahaato mid dheeli tiran oo aan dhana u badnayn—

Taana waa badbaada Aduun iyo Aakhiro ruux kasta oo mas’uul ah—waxayna dadka Caqliga leh ay yiraahdaan “ Hogaamiyaha Guulaysta waa kan Alle siiyo La taliye Daacad ah oo Wanaagsan. Taas lidkeeda waxaa ah Hogaamiyaha Guuldaraysta waxuu Alle ku salidaa La taliye Khaybeele ah oo aan dan iyo muraad ka lahayn dadka iyo dalka.

W/Q: C/risaaq Axmed Absuge.