Su’aalo iyo Jawaabo Diini ah (Qeybtii-7aad)

Su’aalo iyo Jawaabo Diini ah (Qeybtii-7aad)

2101
0
SHARE

S1- Sheeg maxay kala yihiin Xajka iyo Cumrada?

Ji- Xajka iyo Cumradu waa laba Faral oo mar uu gudan karo qofkii Muslim ah oo xur ah ee awoodi kara inta uu nool yahay mar keliya.

S2- sheeg waa kuwee bilaha Xajka?

J2- Bilaha Xajka waa, Soonka, Sidataal iyo tobanka (10) ugu horreysa Bisha Carrafo.

S3- Sheeg maxay kala yihiin Tiirarka Xajku?

J3- Tiirarka Xajku waa:-

  • Xirashada Xajka
  • Istaagga Buurta Carrafo
  • Dhawaafka Kacbada
  • Rucleynta Safa iyo Marwa dhexdooda
  • Timaha oo la xiirto ama la gaabsado.

S4- Sheeg maxay yihiin Tiirarka Cumradu?

J4- Tiirarka Cumradu waa:-

  • Xirashada Cumrada
  • Dhawaafka Kacbada
  • Rucleynta Buurta Safa iyo Marwa
  • Timaha oo la xiirto ama la gaabsado.

S5- Sheeg waa imisa wajibaadka Xajka?

J5- waajibaadka Xajku waa:-

  • In laga xirto meelaha meelaha laga xirto ee caanka ah, sida:-
  • Yalam-lam, ee Soomaalidu ka xirato.
  • In loo hoydo Musdalifa
  • Istaagga Buurta Carrafo
  • In loo hoydo Muna
  • Dhawaafka Kacbada
  • Dhagax-tuurashada
  • Timaha oo la xiirto ama la gaabsado.

S6- sheeg waxyaabaha ka reeban qofka muxrimka ah?

J6- qofka muxrimka ah, waxaa ka reeban:-

  • Inuu xirto dhar tolan iyo inuu madaxa qurxiyo
  • Inuu is-udgiyo iyo inuu madaxa iyo garka subko
  • Inuu ciddiyaha jaro iyo inuu timaha jaro ama xiiro
  • Inuu galmoodo iyo inuu mehersado
  • Inuu ugaarsado ugaarta beriga
  • Inuu gooyo dhirta xaramka ku taal.

 S7- sheeg maxaa ku waajibaya qofkii ku xadgudba waxyaabaha laga reebay?

J7-  qofka muxrimka ah hadduu ku xadgudbo waxyaalaha laga reebay, waxaa ku waajibaya madax-furasho u dhiganta wixii uu ku xadgudbay, wixii aan ka ahayn guurka.

S8- sheeg Sunnada Xajka dabadii?

J8- Sunnada Xajka dabadii waa in xaajigu booqdo ama Siyaarto qabriga Nebiga (NNK) ee magaalada Madina Munawara.

S9- sheeg waajibaadka Cumrada?

J9- waajibaadka Cumrada waa:-

  • Xirashada
  • Dhawaafka Kacbada
  • Rucleynta Safa iyo Marwo dhexdooda
  • Timaha oo la xiirto ama la gaabsado.

S10- sheeg farqiga Xajka kaga duwan yahay Cibaadaadka kale ee Diiniga ah?

J10- Xajka wuxuu kaga duwan yahay Cibaadaadka kale ee Diiniga ah.

  • Iyadoo qofku ku waajibo hanoolaado ama ha dhintee laga Xajin karo, iyadoo la isticmaalayo hantidiisa uu leeyahay ama uu kadhintay.

S11- sheeg Rugniga ugu Fadli badan rukumada Xajka?

J11- rugniga ugu faliga badan, arkaanta ama rukumada Xajka waa

  • Waquufka ama Istaagga Banka Buurta Carrafo.

S12- sheeg maxaa ka reeban Haweeneyda Caadada qabta howlaha Xajka?

J12- Haweeneyda qabta Caadada waxaa ka reeban:

  • Inay dhawaafto Kacbada, balse way gudan kartaa howlaha kale ee Xajka.

 S13- sheeg Caruurta Xajka ma ka ansaxayaa haddii ay la Xajiyaan Waalidkood?

J13- Caruurta Xajka waa ka ansaxayaa, haddii Waalidkood Xajisiiyo, balse kii waajibka ku ahaa uma gudayo, oo waa laga rabaa markii ay qaan-gaaraan.

 S14- Sheeg maka ansaxaya Xajka qof aan xor ahayn?

J14- wuu ka ansaxayaa, hase yeeshee waa laga rabaa kii waajibka ahaa marii uu awoodo.

S15- sheeg meelaha laga xarmado waajibaadka Xajka?

J15- meelaha laga xarmado waajibaadka Xajka waa Shan (5):

  • Dul-xuleyfa, 450-Km—-Waqooyi      Maka
  • Daatu-cirw, 94-Km—-W/Bari         Maka
  • Al-Juxfa, 204-Km—-W/Galbeed Maka
  • Qarnul Manaasil, 94-Km—-Bariga Maka
  • Yalam-lam, 94-Km— Koonfur       Maka