Su’aalo iyo Jawaabo Diini ah (Qeybtii-6aad)

Su’aalo iyo Jawaabo Diini ah (Qeybtii-6aad)

1299
0
SHARE

S1- Sheeg maxay tahay Sekadu Xagga Sharciga?

J1- Sakadu waa qeyb gaar ah oo lagu bixiyo xoolo tilmaaman oo gaar ah, laguna bixiyo siyaalo gaar ah.

 S2- Sheeg waa maxay Noocyada Sekadu ku go’do?

J2- Sekadu, waxay ku waajibtaa Noocyada soo socda:-

  • Nimcooleyda sida, Geela, Lo’da iyo Ariga
  • waxyaabaha dhulka laga soo saaro sida, Dahabka iyo Qalinka.
  • Sidoo kale, Miraha Galleyda, Messegada, Qammadiga, Timirta iyo Sabiibka
  • Hantida Ganacsiga.

S3- Sheeg Sharuudaha ay ku waajibeyso Sekada?

J3- Sharuudaha ay ku waajibeyso sekadu waa:-

  • Islaannimo
  • Xor-ahaansho
  • Lahaanshaha Xoolaha
  • Inay gaareen qaddar tilmaamood oo Seko ku go’do
  • Inay sano ka wareegto
  • Inay yihiin xooluhu kuwo foofa, oo aan guri lagu quudin.

S4- Sheeg sekada Geela inta ay ugu waajibto?

J4- Geela waxay Sekada ugu waajibtaa marka uu gaaro 5 neef, waxaana ku go’da Neef Ari ah, iyadoo markii 5 ku kororto laga bixinayo Neef Ari ah.

S5- Sheeg Lo’da sekada inta ya ugu go’do?

J5- Lo’da waxay Sekada ugu go’daa marka ay gaarto 30 Neef, waxaana ku go’da Weyl gu’jir ah, Lixdankana(60) waxaa ku go’da laba weylood oo min gu’jir ah.

S6- Sheeg inta Arigu Sekada ugu go’do?

J6- Sekadu Arigu waxay ugu go’daa marka uu gaaro Afartan (40) waxaana ku go’da Lax gu’jir ah iyadoo Boqolkiiba laga bixiyo neef ari ah.

S7- Sheeg-Mood muxuu yahay?

J7- Moodku, waa wixii dhhulka laga soo saaro, sida Dahabka iyo Lacagta, Qalinka la tumo ama yaan la tumine.

S8- Sheeg Sharuudaha Sekada Moodka ah?

J8- Sharuudaha Sekada Moodka ah:-

  • Islaannimo
  • Xor-ahaansho
  • Inuu lacagta leeyahay
  • Inay tahay mid Seko ku go’day
  • Inay sanno ka soo wareegatay.

S9- Sheeg goorta Dahabku Sekadu ku go’do ama ku waajibto?

J9- Dahabku, waxay Seko ku go’I karta, marka uu gaaro 20-Kiilo, waxaana ka go’da toban meelood meel rubaceed.

 S10- Sheeg goorta lacagtu Seko ku go’do?

J10- Lacagtu waxay Seko ku waajibtaa, marka ay gaarto 200-Dirham, waxaana ku go’da toban (10)meelood meel rubaceed.

S11- Sheeg muxuu yahay Saracu?

J11- Saracu, wuxuu yahay wax allaale wixii la cuno ee xabbada leh, oo ay ka mid tahay Messegada, Bariiska iyo Qamadiga.

S12- Sheeg Sharuudaha ay Sekadu ugu waajibtoi Saraca?

J12- Sharuudaha ay Sekadu ugu waajibto Saraca waa:-

  • Inuu yahay wax dadku beeray
  • Inuu yahay quud la keydsado
  • Inuu yahay jinsi keliya oo aan isku khaldaneyn sida meseggo iyo bariis.

S13- Sheeg inta Saraca Seko kaga go’do?

J13- Saracu, wwaxay Seko kaga go’daa Shan (5) ratio o Saafi ah, ama 10 Jawaan (100-kg) waxaana laga bixinaya toban meelood meel.

S14- Nin baa leh afar (4) halaad oo Geel ah iyo Rati uu rarto, haddaba imisay Seko ku go’day?

J14- waxba kuma go’n Seko, waayo Ratigu Seko maleh 5-na ma gaarin.

S15- Ninbaa leh Sagaal (9)neef oo Geela, haddaba sheeg inta seko ah eek u waajibtay?

J15- waxaa ku waajibtay 5-neef Sekadooda oo ah Neef Ari ah, ilaa Geelu 10-neef ka gaaro.