SHEEKO-KU CIBROQAADASHO MUDAN.

SHEEKO-KU CIBROQAADASHO MUDAN.

1353
0
SHARE

Waxaa jiray magaalada Xamar Rag Burcad ah, oo habeen walba Guryaha dhici jiray, maalin walbana qeybsan jiray waxay soo dhaceen.

Raggaas Burcadda ah waxay ka koobnaayeen Sideed dhallinyaro ah.

Maalintii dambe, waxay u dhaceen guri weyn, oo dad lacag leh deggenaayeen, waxyna laayeen dadkii guriga weyn deggenaa, waxayna ka heleen Lacag badan iyo qalab aad utiro badan oo qaali ah.

Afar ka mid ah Burcaddii, ayaa loo diray Suuqa, si ay usoo gadaan alaabtii qaar ka mid ah, afartii kalena waxay u howl galeen siday u Karin lahaayeen qadadii ay cuni lahaayeen.

Burcaddii Suuqa loo diray, ayaa waxay go’aan ku gaareen in ay laayaan kuwii guriga ku haray, si ay iyaga keligood u qeybsadaan lacagtaa faraha badan, waxayna go’aansadeen marka ay guriga galaan xabad oodda uga qaadaan.

Dhinaca kale, waxay Afartii Burcad ee guriga ku haray ay kariyeen qadadii, waxayna iyaguna waxay is tuseen oo ku sheekeysteen, waryaara innaga keligeen maan qeybsanno lacagta faraha badan, si taasi ugu suuro-gashana waxay isku waafaqeen in Afarta Suuqa ku maqan in ay qadada Sun ugu daraan, ka diban marka ay dhintaan ay qeybsadaan lacagtaa oo dhan keligood.

Haddaba, markii ay soo noqdeen kuwii Suuqa jiray, waxaa lagu soo dhaweeyay qadadii sumeysneyd, balse inteysan qadada cunin ayay Rasaas oodda kaga qaadeen kuwii guriga ku haray, halkaas ayayna ku dhinteen.

Kuwii Suuqa ka yimid ee Ragga laayay iyagoo faraxsan oo leh waxaanoo lacaga ah hadda keligeen ayaa leh, ayay qadadii u fadhiisteen ka dibna cuneen.

Ka dib maxaa dhacay, isla markiiba waxay noqdeen mid sara joogga ka dhaca iyo mid fadhigiiba ku qurbaxay, halkaas ayeyna kuligoo Naftu kaga baxday, lana waayay qof iyaga ka mid ah oo lacagtii qaata.

Markii ay Burcaddii oo dhan iyagu islaayeen dhexdooda xaqdarradii ay galeen awgeed.

Dadka deriska ah way ogaadeen in burcad ku jirta gurigaas Dadkii lahaa ay laayeen.

Toddobaad ka dib, ayaa waxaa Xaafaddii loo joogi waayay Urta Meydkooda, iyadoona la dareemay in Burcaddii in ay maalmaah guriga ka soo bixin.

Si taxadir leh ayaa gurigii loo soo galay, waxaana la helay meydkoodii Burcadda Afar ka mid ah ay ka muuqdeen xabado, Afarta kalena aysan waxba ku oollin iyo Suntii wixii ka haray oo ku jirta Jikada.

Halkaas ayaa looga reystay Burcaddii Xaafadda dhici jirtay.

Haddaba, Sheekadani waxay xambaarsan tahay, wax lagu waano qaato ciddii waansameysa, oo ah in Ciddii Ummadda Alle dulmisaa ay u dambeyn doonto sida ku dhacday Burcaddaan Dadka leyn jirtay, Xoolaha Masaakiintana dhici jirta