Sheekadii ( Marka Hore Dhaqaaleey!!!) Qeybtii-2aad

Sheekadii ( Marka Hore Dhaqaaleey!!!) Qeybtii-2aad

856
0
SHARE

Qeybtii Labaad

Si fiican ayay ee wajigayga u eegtay markaas bay tiri ruux I yaqaana ayaad tahay oo aan anigu garanaynin ee bal isku kay sheeg—waxaan iri anigu waxaan ahay C/xakiin Cali Xasan wiilkii faslka B ugu yaraa ee aad ku naanaysi jirteen Cadiimow ee ma I garatay? Cabaar ayay maskaxdeeda qaybta xusuusta dib ugu laabatay laba daqiiqo in ku dhaw ka dib ayay tiri Haa Cadiimow walaale ii waran Alla maxaad isbedeshay, oo waabad waynaatay—halkee ku dambaysay? Waxaan ugu sheekeeyey guud ahaan ismoogaynii iyo xaaladahii kala duwanaa ee aan soo maray iyo haatan halka aan ku dambeeyey.

Dabadeed iyaduna waxa ay ii sheegtay in dhibaato kulul ay kala kulantay nolosha intii ka dambaysay ayaamihii waxbarshada ee aan shurraakada ku ahayn—waxay tiri dugsiga sare markii aan dhameeyey aniga waa la I guursaday waxaana iska iloobay guud ahaan noloshii waxbarshada iyo dhallinyaranimada,  Aabahay ayaa ii guuriyey wiil ay aabiis saaxibo ahaayeen intii uusan geeriyoon – laakiin wiilkii la igu daray sidii Aabahay uu sharfay isaga iyo reerkiisaba wax iiguma hambayn waxa uu noqday geerida Aabahay ka dib bahal wax qaad ah oo kale wuxuuna noola dhaqmay sidii aana ahayn ehelkiisa iyo arxankiisa.

Awel intii uu noolaa Aabbe wuu noo maqnaa isga ayuuna nagu tixgalinayey laakiin markii uu Aabahay geeriyooday waxa uu la soo baxay dabeecad aanan ku aqoon wuxuu aniga iyo caruurtaba nagu bilaabay Garaacis uusan u meel dayeynin.

Guriga lagama helayn hal ruux oo uusan ku oolin dhawaac uu isaga u gaystay, markii aan u adakysan waynay ayaan uga dacwoonay dad ay isagu xigto yihiin, oo iyaga qudhooda aysan ka dhaxayn xiriir suuban – waxayna si bareer ah oo aan gabsho lahayn ii yiraahdeen Aabaha god uusan ku ridin kuma jirtide ninkaas iyo shartiisa hanoo gayn, hadaan sidaan uga nabad gelayno ayaan nasiib lahayn.

Wax kasta haatan waa isaga dulqaadan lahayn laakiin wuxuu markaan u soo dhigtay halkii guri oo aan ku asturnayn waxa uuna doonayaa in uu iibsado si uu ugu qayilo, sidii uu ugu qayilay dhawrkii guri ee kale.

Dabadeed si aan uga badbaadayo si aan aniga iyo caruurtaba aan cidlo ugu soo dhicin waxaan go’aansaday walaalkayow in aan u dacwoodo hay’adaha kala celiya dadka is dulminaya sidaas ayaana saaka ku imid CID da oo aanan kala kulmin wax I farxad galiya – macnaha isaga ayayba la duuban yihiin oo ay leeyihiin mas’uliyadiina isaga ayay saaran tahay ee adiga iyo caruurtaba ka dambeeya.

Marka mar hadii uu guriga gacanteena ka baxo ileen waan ognahay in uusan ninkaana kala jeclayn in aan sii noolaano iyo aan malin kaliya noqono  maxay noo taraysaa isaga ayaa idinka mas uul ah?

Ugu dambayntii aniga oo aad uga xumaday dhibka gaaray gabdhaan iyo midkii ay horay u soo martay ayaan iri Iminka halkee baad degan tahay? Waxay tiri gurigii waanalaga saaray beec ayaana la galiyey welise lalama wareegin, waxay kaloo intaas ii raacisay in ay iyada caruurteedaba ku nool yihiin meel coosh ah oo ka mid ah goobaha ay ku soo barakaceen dadka ka soo hayaamay Abaarihii is xigxigay ee dalka isaga kala dambeeyey iyo Alshabaabka qaatiga laga taagan yahay ee goob kasta xaalufiyey.

Waxaan iri Samsameey bal I soo tus adiga oo mahadsan halaka aad ku nooshihiin adiga iyo caruurtaadaba.

Meeshaas ayaan iska raacnay waxaana 30 daqiiqo ka dib gaarnay degaankii ay ii sheegtay in ay ku nool yihiin, maalintii intii ka harsanayad ayaan la joogay aniga oo weliba la qadeeyey, goor maqrib ku dhawaad ah ayaan ka soo tagay aniga oo weliba u sheegay haddii Alle yiraahdo in aan kala shaqayn doono soo dhicinta gurigoodii ay ku asturnaayeen weliba waxaan u balan qaaday in aan meel ka saari doono ninkaas noloshooda duleeyey.

Subaxdii xigtay ayaan u soo jarmaaday cooshkii ay ku noolaayeen Samsam iyo caruurteeda, markii ay quraacdii caruurta diyaarisay oo ay kala agaasintay, ayaan aniga iyo samsam u soo dhaqaaqnay maxkamadda Gobolka banaadir, halkaas oo aan ka furnay gal dacwadeed ku fool leh ninka samsam, laba maalmood gudahood ayaana loogu yeeray si uu u garbaxo.

Intii ay falis sheegtay ayayba garsoorayaashii isaga qanceen ka dib markii uu yimid ninkii macangagga ahaa ee dulaystay masaakiintaan yaryar oo 5 gaaray iyo hooyadood waxaana amar lagu siiyey in uu mar kale gurigaas damac ka gelin, niyadiisana ka saaro iib dambe oo uu la maago, haddii uu fulin waayo amarkaasna uu la kulmi doono cawaaqib xun, muddo ka dib ayaan is aragnay Samsam waxayna ii sheegtay in odaygeedii uu u soo hanuunay kana codsaday in ay u dambi dhaafaan iyada caruurteeda wada jirna ay u wada noolaadaan.

Waxay intaas iigu dartay in hadda ay ka wada shaqaystaan dukaan xaafadeed aad ay u jecel yihiin dadka degaanka, kana helaan qutul duruurigooda, iyo wax barshada caruurtooda iyo weliba caafimaadkooda.

Indhahayga ayaa ilmo ka soo daadatay oo ay weliba dareentay walaashaydii goobta waxbarsho markii aan yaryarayn waxayna ilintii iiga  gooysay Abowe ilaahay hakaa ajarsiiyo caawinadaadii wax galka ahayd ee aad noo gashay aniga iyo caruurtayda.

Sedex maalmood kama soo baxin gurigayga farxad awgeed, maxaa yeelay hawsha dhaxalgalka ah oo aan u qabtay dhanka Aadaminimada ayaa u sabab ahayd Soo bixitaan la’aantayda sidaas oo kalana waan la jeclaaday dadka asaagayga oo kale ah in ay u dhaqmaan wax tarna ay u yeeshaan dadka walaalahooda ah ee isku dhiban.

Maalinti 4aad ayaa barkhadii goor ay tahay ka soo baxay aqlka aan magaaladaan kaga noolahay, waxaan la dhacsanaa goobaha ay indhahaygu qabanayeen oo wada nadiif ah, dadka socsocdana ay ka muuqato deganaan dabiici ah oo ilaahay oo kaliya looga mahad naqo.

Waxaan soo istaagay Ka soo horjeedka daarta loo aqoon jiray Shaqaalaha laakiin haatan ay degan yihiin waaxda Socdaalka.