R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo ka qeybgalay Munaasabad ay Xilka kul wareegeysay Wasiirka...

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo ka qeybgalay Munaasabad ay Xilka kul wareegeysay Wasiirka Tamarta

84
0
SHARE

Munaasabadda ay xilka kula wareegaysay Wasiirka cusub ee Wasaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka,wasiiro ka tirsan XFS xildhibaanno iyo marti sharaf kale,waxaana mas’uuliyiintii ka hadashey u rajeeyey wasiirka cusub in xilka illahay uu ku guuleeyo.

Xubnaha ka geybgalay waxaa kamid ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iiusl wasaaraha,wasiiru dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha,xildhibaanno,waxaana dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadda ay u hambalyeeyeen wasiirka cusub,islamarkana ay ku booriyeen in ay dardargeliso howlaha horyaalla.

Wasiir ku-xigeenka tamarta ahaana siihayihii wasiirka ayaa faah faahiya waxqabadka wasaaradda mudadii ay jirtay,waxaana uu sheegay in ay jiraan mashaariic farabadan oo wasaaradda u qorsheysan in dalka ay ka hirgeliso iyo kuwo kale oo ay qabatay,isagoona xilka si rasmi ah ugu wareejiya wasiirka cusub,maadaama uu ahaa sii hayihii xilkaasi.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ayaa Marwo Fowsiyo Maxamed Sheeekh ayaa codsatay in lagala shaqeeeyo xilka cusub ee loo magacaabay,waxaana ay balanqaaday in ay ka shaqeynayso horumarinta howlaha wasaaradda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in wasaaraddu ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada Soomaaliyeed.,wuxuuna kula dardaarmay wasiir Fowsiyo in ay halkeedi ka amba qaado howlaha wasaradda