Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo bogaadiyay kobaca dhaqaale ee Dalka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo bogaadiyay kobaca dhaqaale ee Dalka

60
0
SHARE

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) Ra’iiusl wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaraadda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa si weyn uga hadlay ahmiyadda Wasaraddaasi ay u leedahay horumarka ilaha dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Wasaradda Ganacsiga ay kamid tahay kaabayaasha dhaqaale ee dalka,loona bahan yahay in sare loo qaado wax soo saarkeeda dhinaca Ganacsiga iyo Warshadaha,iyadoo laga faa’ideysanayo hay’adaha caalamiga ah Ururrada ganacsi iyo dowladaha daneeya Soomaaliya,kuwaasi oo intood badan horey heshiisyo loola galay.

Wuxuu kula dardaarmay Wasiirka cusub in uu halkeeda ka sii ambaqaado shaqada culus ee hortaala,isagoo Wasiir Maareeye ku ammaanay Waxqabadkiisa muddadii xafiiskaasi uu joogaya.

“Wasaaradda Ganacsigu waxaa ay kamid tahay ilaha dhaqaale ee dalka,kuwoodi ugu waa weyn,marka mudane Wasiir waxaan kugula dardaarmayaa in howshaasi aad dardargelin doonto,maareeyana waxaana leeyahay waad ku mahadsan tahay howshii adkeyd ee aad soo qabatay muddadii Wasaaradda aad joogtay,haddana laftigeedu waxaad joogtaa Wasaraada lafdhabar u ah Dalka”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Munaasabadda uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaraadda Ganacsiga Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka,Wasiirro ka tirsan xukuumadda xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyn waxaa shahaado sharaf ku aadan shaqo wanaagiisa la guddoonsiiyay mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay u garteen maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga intii uu xafiiskaasi joogay.