Qarammada Midoobay oo ku baaqaday in la joojiyo dagaalka ka socda Libya

Qarammada Midoobay oo ku baaqaday in la joojiyo dagaalka ka socda Libya

47
0
SHARE

Tripoli- Xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaadda ka aloosan Magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalka Liibiya.

Tobanaan Qof ayaa ku dhimatay,Kumanaan kalena way ka barakaceen Magaalada Tripoli,  markii ay weerar xooggan ku soo qaadaeen halkaasi ciidamo uu hoggaaminayo, Gen; Khalifa Hafta, oo kasoo horjeeda Dowladda uu Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya.

Janaraal; Khalifa Hafta, ayaa sheegay in ay Ciidamadiisu qabsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Tripoli, wuxuuna ku Gacan sayray baaqyo caalami ah oo kaga yimid Qaramada midoobay iyo dhex dhexaadiyeyaal kale oo Caalami ah.

Isha/ Daily Nation