Pakistan oo tijaabisay gantaallada casriga ah ee balaastikada

Pakistan oo tijaabisay gantaallada casriga ah ee balaastikada

117
0
SHARE

 

 

Islamabaad- Ciidamada dalka  Pakistan ayaa manta shaaciyay in ay ku guuleysteen  fulinta tababar la xiriiray ganidda nuuc ka mid ah gantaalada isaga kala goosha dhul aad u fog,xilli ay jiraan xiisado kacan ee ka dhashay gobolka Kashmiir,una dhexeeya dalka Hindiya iyo Pakistan

Pakistan waxay si guul leh u fulisay habenimadii xalay tababar ku saabsan ganidda gantaal lagu magacaabo Ghaznavi oo awood u leh inuu soo gudbiyo macluumaadka  dhul masaafo ahaan u dhaxeeya 290 km (180 mayl). .

Afhayeenka ciidamada qalabka sida, Sareeye Guuto  Asif Ghafoor, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in  gantaalkaasi uu  keeni karo macluumaad la xiriira wajiga dagaalka ee goobo aad u fog,taasoo loola jeedo ogaanshaha haddii guluf dagaal uu ka bilowdo dhulweynaha u dhexeeya Hindiya iyo Pakistaan.

Pakistan waxay si cadho leh uga jawaabtay go’aankii Hindiya ay kala noqotay gobolka Kashmir maqaamkii ismaamulka iyo raadinta xoriyadooda. ,