NABAD BAA NOLOL IYO NAGAADI LEH.

NABAD BAA NOLOL IYO NAGAADI LEH.

183
0
SHARE

Waxaa Laysla meel dhigay adduunkoo dhan nabaddu inay tahay sal iyo kursi ama gambarka uu ku fadhiistaan bini’aadaamka, inay tahay salliga uu ku seexato noolaha, iyadoo aan loo kala soocin, mid darajo xambaarsan oo hawada ku duulaya, iyo mid maskiin ah oo xabadka ku xamaarta iyo dhammaan xayawaannada duurjoogta ahba.

Dhammaan Naflayda adduunyada ku nool waxay isku raacsan yihiin ama isku waafaqsan yihiin inay ku noolaadaan nabad, waayo waxay ogyihiin inay nabaddu tahay gogosha ay ku xasisho naftooda, tahayna  bilacda iyo quruxdaba ay daawadaan.

Nabaddu waxaa laga helaa nolol deegan iyo raaxeysi iyo waliba is jaceyl, waxaana ka abuurma kalsooni jawi deggan iyo isjaceyl, halkaasna waxaa ka abuurma xiriir dhan kasta ah oo daafaha caalamka layskaaga goosho, saaxiibadana ay isbooqdaan, kala warqab salaamo iyo tahniyado, halkaasna waxaa ka dhasha cilmi iyo aqoon, waxbarasho iyo horumar dhaqaale, liibaan adduunyo oo lagu qanaacsan yahay, kalsooni la isku kalsoon yahay waliba diintiisa iyo wixii ugu yimaada Allaah Swt keligii maamulka iska leh oo aysan qof kale aan kala talin.

Haddaba, Intaas waxii kasoo hara waa  bin’aadamkoo Ilaahay u dhiibay maamulka adduunyada,  siiyeyna isku filnaasho iyo maamul dhexdooda ah inay sameystaan Dowlad hoggaamisa dhaqankooda iyo diintooda loogana dambeeyo wax alle wixii talo ah hareerahana ay ka qabtaan toosinteeda iyo maamulkeeda,  si ay u helaan horumar iyo nabad Umadduna ay u noqoto kuwo sharaf adduunyada ku leh, waayo way soo arkeen fowdo iyo dagaallo, qabyaalad iyo burbur dhibaatadooda, waana in ay ka fogaadaan waxkastoo keeni kara iska horimaad dadka Soomaaliyeed layku diro.

Naflayda adduunka ku nool kuma dhqmi karaan hoggaan la’aan waliba dadka Soomaaliyeed waa dad diin, dhqan iyo luqadba wadaaga oo aan sinnaba ukala tegi Karin una kalamaarmin.

Waxaa wax laga xishooda ah in gobollada Soomaaliya dad wax magarata ahi ay ka abuuraan qabyaalad iyo heyb sooc, in lagu dhibaateeyo shacab Soomaaliyeed oo xamaalata ah, in lagu waxyeelleeyo qabyaalad iyo wax aan jirin, laguna banneysto dhiigooda kuna sheegaan waxyaabo aan shaqo kuleyn.

Qofka wuu geli karaa dembi oo ma ahan malaa’ig, laakiin waa in lakeenaa Maxkamad iyadoo lagu caddeenayo dembiga ay galeen, si ay cid waliba ugu qanaco, iyadoo loo marinayo qaab maamul oo aan lagu magacaabeynin Gobol iyo beel gaar ah midna, si uu u noqdo mid dambi ka galay Shacabka Soomaaliyeed oo idil taa oo abuuri karta kalsooni maamul iyo wax wada qabsi meel kastoo la joogo in gees laga noqdo dambiile ku dhex dhuumaaleysanaya Ummadda Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ahaayeen kuwo wadaaga wax walba marka  daacad loogu adeego, waxaa iman kara wada tashi iyo xiriir dhex mara meel kastoo ay joogto hoggaankeeduna wuxuu noqonaya mid wax waliba ay u fudud yihiin iyadoo loo maraya garsoor caddaalad ah iyo amniga oo isku meel loogu soo wada jeesto, waayo haddi aan amni jirin arrin loo aayo majirayso haddii arrin la waayana caqli majiro noloshuna ciriiri bay gelaysaa, Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa Waddo ayaa dhul lagu maraa waddo waa marin sharci ah haddi tahay mid caalami ah iyo hadday tahay mid gudaha ah la’ aanteeduna lama safri karo dhibaato iyo qardajeex lama mari karo.

Hadaba, wax kastood qabanaysaan talo iyo caqli bay u baahan yihiin, waayo Caaqiliinta iyo xikmad yahanka Soomaaliyeed oo murtida iyo Suugaaantaba Ilaahay ku maneystay waxay horay ugu maah-maahdeen Talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola, caqliga iyo maskaxda marka la kulmiyo lagana shaqeeysiiyo oo si qumman loo rog rogo waxaa kasoo baxaya talo fiyow oo bad qabta laguna jeexi karo waddo ku habboon maritaanka iyo ku dhaqanka intaba.

Hadaba ka ilaali Shacabka muddada soddonka sano ah la daalaa dhacayey xaaladaha bur-burka iyo dagaallada, qabyaaladda iyo kooxeysiga, hakuu tiirsan cadowgaaga intaad ka cararto walaalkaaga Soomaaliyeed ha ushaqeyn Ururro dibadeed ee u shaqee Shacabkaaga Soomaaliyeed.

Colaadda waa abaar iyo gaajo, qabyaaladduna waa kala tag iyo guri maran waxayna ku dhamaataa markii la baaray, aabihii ku dhalay oo labo bahood ah markaas ayaad bah la safataa, maleh sal ay ku fariisato iyo ceel biyo lag cabo midna.

Qabyaaladdu waa baab’a iyo hoog, dummin, qax iyo kala yaac, sidoo kale qabyaaladdu waxay dishaa wax garadka waxay baab’isaa ganaacsiga iyo dhaqaalaha, waxay hubka isugu dhiibtaa ubaxa soo koraya, waxay gubtaa dalgga beeraha iyo wax soo saarka, waxaa dalka ka carara duurjoogta.

Sidoo kale, nabad darrida iyo qabyaaladdu waxay dhallaan, inleys mirto leyskana laayo marasta iyo maatida, xoolaha iyo hantida oo layska bililiqeysto, qabyaaladda iyo nabad la;aantu waxay damiyaan nuurka iyo nalalka ifaya ee magaalada, waxayna Shacabka soo fadhiisidaa mugdi iyo meel cidlo ah, dabadeedna qalfoofta ka hadha dadka waxay geeyaan xabaalaha, qashin iyo tukaafad uraysa  ayey ka dhigayaan dalka iyo dadka oo idil, markaas ayey soo fariistaan laamiyada iyo guryaha burburay iyagoo foolal xun, waxayna shirar been been ah ku qabtaan guryaha dunsan oo qashinka uu hor dhooban yahay,

Gebagebadu waa Tix ku saabsan Tacliinta iyo waxbarashada:

Haddii aan adduunyada

aqoon iyo tacliin jirin

is afgarsho lagu wadin

amaah layska qaatiyo

ma jireen abaaloo

dadka sidii ugaartii

soow Makala ordeenoo

ehel iyo qaraabiyoo

aabbe iyo hooyaba

soow lama iloobeen

Ubadka waxaad u korisaa

anfaca aad u siisaa

hayeesheen awood oo

ha guteen abaalkii

haddaan aabaabin

wacan iyo aan

la barin asluubtiyoo

cilmi lagu adeegtoo

adduunyadu ka siman tahay

aayatiin qurxooniyoo

arrin lagama helayee

ma ogtahay adduunyadu

iftiinkiyoo alif macallin

dhigayoo awal laga bilaaboo

aakhir lagu aflaxay

ardadii wax baratana

amaan inay mutaystaan

soo uruurshe talade

hadal wuxuu ku idil yahay

haddii aan caqligu jirin

cilmim lama arkeen oo

badda lama abraareen

Afriko iyo eeshiyana

arrin lama wadaageen.

W/Qoray: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre