Muqdisho wey diiday iney isdhiibto.

Muqdisho wey diiday iney isdhiibto.

341
0
SHARE

Caasimadda Muqdisho oo lagu tilmaamo Magaalada cadawga ugu badan leh, haddana ah Caasimadda ugu dulqaadka badan dunida, marka la eego dagaalladii ay marti gelisay iyo tacaddiyadii lagu haayay burburkii kaddib.

Qof walba ee maqla magaca Muqdisho waxaa durba maankiisa kusoo dhici jiray dhawaqa rasaasta, qaraxa, iyo gurxanka madaafiicda oo astaan u ahaa beri magaalada

dulqaad badan, is dhiibid la’aan iyo maan ku heyn in maalin uun ay dib usoo laaban karto kaddib,

Muqdisho ayaa la arkay ayadoo farxadda guusha ay gaartay la ilmeyneysa.

Muqdisho ayaa hambalyo iyo boggaadin ka heleysa adduunyada oo idil marka laga reebo, cadawgeeda oo niyad jab, Anfariir iyo waxaan la filaneyn ku tilmaamay guushii taariikhiga aheyd ay gaartay

Caasimadda Soomaali weyn ayaa lagu tilmaami karaa magaalo aan marnaba dib u gocan xanuunkii ay soo martay iyo qaladaadkii laga galay, waana magaalo diyaar u ah aqbashayna iney hore u sii socoto.

Waa Caasimad ay tahay maanta kaddib in cadawgeedu oggolaado in ay ka guuleesatay iskana ilaawaan waxii hore u dhacay kana qeyb qaataan hormarkeeda, isla markaana ay cafis weydiistaan.

Muqdisho horumarkeeda ma ceshan karto haddii aysan Shacabkeedu u Horumarin nafsi ahaan , islamarkaasna baran isxakameynta.

Dhismooyinka quruxda badan iyo Tiknolajiga aadka u kordhay tayo yeelan maayaan haddii garaadka bulshadu uusan la kobcin.

Waa in laga koraa ku sarqaamidda danta gaarka ah loona gudbaa u dhafridda danta guud, uma baahnin dhimasho dheeraad ah, dhiiggeennu waa mid qura, aynu ogollaano si wadajir ah inaan gacmaha isku qabsanno si aan mustaqbal fiican u wada gaarno.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waaa in ay muujiyaan dulqaad aan dhammaan iyo u dhabar-adeygidda xaaladaha adag.

Muqdisho Caasimadda Umadda Soomaaliyeed, Waan ognahay meel noo dhaanta Muqdisho ma jirto, waan diidnay in aan tahriibno islamarkaana waxaan doorbidnay in aan Muqdisho ka xamaalano.

Qiima iyo sharaf Qurux Xamaraa leh.

W/Q: Cabdisalaan Sidiiq