Messi ayaa sheegay in Neymar uu doonayo in Barca uu ku soo...

Messi ayaa sheegay in Neymar uu doonayo in Barca uu ku soo laabato, waxaana uu sidoo kale amaanay weeraryahanka kooxda Inter ee Martinez

183
0
SHARE

Kabtanka Blaugrana ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu arko saaxiibkiisii hore ee kooxda uuna ku soo laabto Camp Nou, waxaana uu amaan u diray nin u ciyaaro Nerazzurri ee Lautaro Martinez .

Lionel Messi ayaa muujiyay sida uu u aaminsan yahay in Neymar uu doonayo inuu ku laabto Barcelon.

Neymar ayaa ka tagay Barca kuna biiray Paris Saint-Germain heshiis rikoorka ah oo gaarayay 222 milyan oo euro una dhiganta (£ 186m / $ 240m) sanadkii 2017, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ku laaban doono Camp Nou.

Weeraryahanka kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dayay ku laabashada Barca bilowgii xilli ciyaareedkaan, laakiin ma aysan dhicin in ay la soo wareegto Barca, inkastoo dadaalkii ugu fiicnaa kooxda ay sameysay.

Messi, oo aan wax qarsoodi ah ka muujinin damaciisa ah inuu la midoobo Neymar, ayaa u sheegay Mundo Deportivo: “Waxaan dhahay marar badan, waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka, waana jeclaan lahaa inuu soo laabto.

“Wuxuu runtii rajeynayaa inuu soo laabto, marwalbana wuxuu u muuqdaa inuu ka xumahay bixitaankiisa, Wax badan ayuu qabtay si uu u soo laabto taasina waa tilaabada ugu horeysa ee la isku dayo in uu halkaan yimaado”.

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)