Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee Bakistaan oo ka qaybgalay Xuska Maalinta Africa

Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee Bakistaan oo ka qaybgalay Xuska Maalinta Africa

99
0
SHARE

Xuska Maalinta Africa oo xalay lagu qabtay magaalada Islaamabad ee caasimada Wadanka Bakistaan ayaa waxaa ka qayb galay masuu’liyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Bakistaan oo ay kamid yihiin ku- xigeenka u qeybsamaha Ganacsiga Safaaradda Cabdifataax Cabduqaadir Cismaan,Xog-hayaha Koowaad ee safaaraddda Cabdi Xareed Ibraahim iyo Uqeybsamaha Waxbarashada iyo dhaqanka Cismaan Cabdullaahi Ducaale ,waxaana sidoo kale goobta xuska joogay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ee ku nool Bakistaan.

Qaar kamid ah Bulshada Soomaaliyeed ee Xuskan ka qaybgalayay ayaa halkaasi kusoo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida si lamid ah bulshooyinka kale Afrikaanka ah,waxaana ay si gaar ah u muujinayeen ciyaaraha iyo sugaanta ay caanka ku yihiin dadka Soomaaliyeed.

Mas’uliyiinta ka socday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Bakistaan  ee ka qayb galay Xuskaan ayaa waxa ay kamid ahaayeen diblamaasiyiin ka kala socday ilaa 12-safaaradood oo African ah,islamarkaana ka howlgala Bakistaan.

Xuska Maalinta Africa oo sanad walba laga xuso Wadanka Bakistaan taariikhdu marka ay tahay 25-ka May ayaa sanadkan waxaa dib loogu dhigay markii ay kusoo aaday intii lagu guda jiray bisha Barakeysan ee Ramadaan waxaana sanad walba lagusoo bandhigaa dhaqanka bulshada Afrikaanka ah, iyadoo sidoo kalana la dhiiragaliyo in sare loo qaado wax wada qabsiga iyo isla jaan qaadida Afrikaanka iyo Bulshooyinka ay la nool yihiin oo ay ugu horeeyaan Bakistaaniyiinta.