Kooxda Atletico Madrid oo lugta lagashay wareegga sideed dhamaadka ee UCL iyo...

Kooxda Atletico Madrid oo lugta lagashay wareegga sideed dhamaadka ee UCL iyo Borussia Dortmund shaki la gelinaayo.

218
0
SHARE

Waxaa habeenkii talaadada aheeyd furmay tartanka koobka Horyaalada Yurub ee UCL, waxaan alagu bilaabay naadiyada Atlectico Madrid iyo Liverpool, Borussia Dortmund iyo PSG.

Atlectico Madrid iyo Liverpool oo ku ciyaaraya gagida caanka ah ee Wanda Metropolitano ayaa daqiiqaddi 4aad ee ciyaarta ayaa kooxda martida loo ahaa waxa ay heshay gool waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka reer Spain ee Saul Nigue.

Ciyaarta oo aheyd Liverpool oo weerar ah iyo Atletico oo fursad gaad ah ayaa waxa ay ku soo idlaatay 1 iyo 0 ay ku adkaatay A.Madrid.

Dhanka kale ciyaarta ka dhacday gagedi Signal Iduna Park ee u dhaxeeysay Kooxha Dortmund iyo PSG ayaa waxaa goolka ku hormartay kooxda martida loo ahaa ee Dortmund waxaana u dhaliyay laacibka Erling Braut Haaland oo aad u kacsan, basle waxaa bar-bareeyay ciyaaryaha Neymar oo dhawac kooxda kaga maqnaa maalmahan.

Haaland oo sii wato gaal dhalintiisa ayaa ugu daray PSG gool labaa ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 2-1 oo Borussia ku abood roontay waloo gool gurigeeda looga badiyay.


 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar