Ka faa’iideyso Waqtigaada

Ka faa’iideyso Waqtigaada

124
0
SHARE

Waqtiga waa waxa ugu qiimaha badan ee qofka bini aadamka ah uu heysto waana kan mudan in si fiican looga faaideysto.

Ku xisaabtanka waqtiga ayaa kaa dhiga mid hagaagsan oo noloshiisa hormariya, waa adagtay qofka bini aadamka ah inuu waqti ku xisaabtamo, marka uuna garaneyn qiimaha waqtigaasi leeyahay.

Dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan lagu yaqaan wax la dhaho “ballan Soomaaliyeed” oo ah in waqtigii la balamo ay saacad ama nusaac kasoo dib dhacaan ama aysan ku imaan waqtigii lagu balansanaa waana dhaqan ay isla garteen bulshada Soomaliyeed, laakiin aan wanaagsaneyn.

Ilaalinta waqtiga waxa ay qeyb ka tahay hormarka noloshada iyo garashada waxa aad tahay.

Waqtiga aad ilaalisaa waxa ay ka dhigantahay in aad tahay qof gartay waxa uu yahay laakiin waxa kuu dhiman inaad ogaato waxaad noqoneyso oo ah in aad jadwal waqtiyeed ku dhaqanto si ay kuugu muuqato waxa soo socda.

Hirgalinta hadafyada iyo hormarinta nolosha ayaa lagu lifaaqaa jadwal waqtiyeedka oo ah in aad waqtigaaga maareeysid.

Waqtigu waa nolosha aad ku nooshahay inaad noloshaada hagaajisaana waa wax qof walbaa uu doonayo laakiin waxa dahsoon oo ay bulshadu ku kala hormartay ayaa ah maareynta waqtiga.

”Waqtigaaga ka faa’iideeyso”

 

W/Q: Xuseen Xasan Rooble Shadoor