Isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay Taliyeyaasha Booliska Galmudug

Isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay Taliyeyaasha Booliska Galmudug

120
0
SHARE

Wareegto Maanata kasoo baxday Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah Saraakiisha Taliska guud ee Galmudug, iyadoo loo Magacaabay Taliyeyaal kale.

Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa loo Magacaabey G/Sare; C/kariin Xussen Macallin , Taliye ku-xigeenka Booliiska Galmudug ayaa isna loo Magacaabey G/sare; Maxamed Nuur Cali, halka Taliyaha Booliiska Degmada Dhuusamareeb loo Magacaabey dhamme; Burhaan Axmad Rooble,

Isbeddalka ayaa sidoo kale lagu sameeyay Talisyada Boliiska ee Degmooyinka  Caabudwaaq ,Hobyo ,Balanballe, Xeraale iyo Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Halkan ka aqriso:-