IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 1-aad)

IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 1-aad)

775
0
SHARE

Waxaan usoo werinayaa sida ay u dhacday sheekadaan mar haddii aan ku dhexnoolaa qeybo ka mid ah dhacdada.

Wiilka ay ku dhacday sheekadaan oo ka mid ah dhallinyarada aan saaxiibada nahay wuxuu igu eedeeyaa in aan sabab u ahaa billaabashadii sheekadaan, sida runta ahna ma jirin dhinaceyga wax ku talagal ah ee la xiriira eedeyntaas.

Dhacdada sheekadaan iyo waxyaabaha la midka ahba, waxaa lagu tilmaami karaa waxyaabaha lama filaanka ah ee uu wajaho qofka qoraaga ah ee qalinka u qaatay in uu akhristeyaashiisa ugudbiyo dareenkiisa iyo waayo-aragnimadiisa nolosha.

Dabayaaqadii xukuumaddii Milliteriga ee Soomaaliya ka jirtay iyo xilligii ay billowdeen dagaalladii sukeeye ilaa haatan maalinba maalinta ka sii dambeysa, waxaa hoos u sii dhacayay tirade saaxiibadeyda oo qaarkoodna dalka ka baxayay, qaarkoodna dhimanaayeen, waxaan waayay kuwii ugu waa weynaa qaarkood qoreyaashii iyo suxufiyiintii aan sida aadka isugu dheereyn.

Ka dib markii ay dagaalladii sukeeye hakadeen oo ilaa xad nabad la dareemay oo ay furmeen xiriirradii soomaaliya la lahayd dunnida inteeda kale ayaa maalin waxaan ka soo qaatay qoys aan isgaraneynay canjalado ay ku duuban yihiin xaflad aroos oo ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Kanada, ka dib markii aan maqlay ammaan badan oo la xiriirta xafladdaas iyo warar sheegayay in dhowr billood la diyaarinayay xafladdaasi.

Sidaas darteed, waxaan jecleystay in aan daawado cajaladahaas si aan bal u arko sida ay yihiin soomaalida dibadda u qaxday iyo sida ay u nool yihiin iyo sida ay usoo qaban qaabiyeen, anigoo markaas quud-daraynaya inaan ka arki doono xafladda qaar ka mid ah suxufiyiinta asxaabtayda ah ee Toronto joogtay.

Ilaa lix saac kudhawaad ayaan daawanaayay labadii cajal anigoo aad u faraxsan oo si aad iyo aad ah ula dhacsan sida wanaagsan ee loo qabanqaabiyay xafladda iyo sida loo soosaaray dhacdooyinkeed.

Waxaa kasoo qeyb galay xafladdaas sida muuqatay soomaali badan oo isaga timid waqooyiga Ameerika iyo qaarado kale kuwaasoo si qurux badan usoo labistay, dhallinyarada ka qeyb galaysay xafladdaas waxay iyaguna ahaayeen kuwo si hubsiimo ah loo soo xulay oo u carbisan gudashada waajibaadka xafladda arooskaasi.

Waxaa ka muuqday dhamaan ka qeybgalayaasha  xafladdaas in ay dhan kastaba uga dhawrsanaayeen dhibaatooyinka dagaallada sokeeye ee innaga Moqadisho nagu haayay oo aan weysanayn si aan uga badbaadno.

La soco toddobaadka dambe.