IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 4-aad)

IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 4-aad)

863
0
SHARE

Qeybta 4-aad

Intuu qoslay saaxibkey ayuu “intaasi oo dhan waan ka fekerayay qorshe Ayaan u dejiyay, damaca muragada marna haa iiga baqin waayo nin weyn Ayaan ahay oo waxaan isleeyahay waad isxukumi kartaa, dareenkaadana waa celin kartaa, dhinaca qarashkana ilaa dhowr boqol oo dollar Ayaan heystaa, sidaas darteed waan dhaqaaqi karnaa, adiga lee ha niyad jibin saaxiibow, maadaama Joornaaliiste aad tahay oo aad iga hadal badan tahayna ogow wixii waraaq la qorayo ama taleefoon lagu hadlayo waa adiga ma kugu faragelinaayo, keliya wixii fikrad ah Ayaan ku siinayaa”.

Waxaan la soo booday “adiga ma waalatay? Aniga maxaad xilkaa ii saaree, ma waxaad dooneysaa in aad anigana gabbaad iga dhigato wajihidda gabadhaas?”

Isagoo qoslaya saaxibkey ayuu yiri sidii aad doontid u qaado xilkaas adigaan ku saaray, haddii ay gabadha hadal dartii iyo qancis la’aan iiga baxsatana adigaan kuu heystaa, haddii ay qanacdana oo aan faraha ku dhigo qorshaheygana ii fulo waxaan ku siin doonaa abaal-marin aad u qiimo leh oo saaxiibtinimadeenna sii xoojin- doonta haddii Eebbe idmo.

Intii aan canjalooyinka fiirsanayay waxaan billaabay in aan ka fikiro sidii aan ka yeeli lahaa arrinta saaxiibkey mar haddii uu ku madax adeegayo la xiriiridda gabdhaha, anigana waxaan goostay in aan garab ku siiyo wax kasta oo uu doonayo saaxibkey si uusan ii eedin haddii ay lacalla wax u suurto geli waayaan, haddii uu lacag heysto oo uu iska bixinayo wixii kharash ah si kasta oo uu u baahnaado uuna raalli ku yahay, maxay aniga iga dhibee haddii aan hadal uun u diyaarinayo wixii talo ahna aan siinayo.

Illaa saacado Ayaan ku jirnay ka hadalka arrimaha gabadhaas iyo qorsho u sameyn sidii aan ula xiriirin lahaa iyo wixii fikrad ah oo aan siin lahayn haddii nalala xiriiriyo.

Subaxdii xigtay saaxibkey wuu igu soo dheelmaday waxaana isu soo raacnay xarun isgaarsiineed oo aan sidaas uga fogeyn halka aan degganeyn, markii aan tagnayna waxaan horay ka diyaarinnay waraaq aan ku hagaajinay mid ka mid ah asxaabteyda oo aan si aad ah isugu dheereyn oo ku noolaa Toronto kana mid ahaa dhallinyarada xafaladda arooska ku jirtay oo kaalin fiiican ka qaadatay, anigoo la socodsiinayay arrinta aan ka rabno iyo kaalinta aan doonayay in uu ka qaato fakiskana sidaan ayuu u qornaa.

Canjalladihii Ayaan mar kale dib u daawada si aan ugu kuur galo, waxaa ii soo baxday in gabadhan habka ay u dhisan tahay uu aad uga duwan yahay hab-dhismeedka gabdhaha intooda kale, halka ay gabdhaha kale oo goobta ka muuqday ay u badnaayeen kuwo buurbuuran oo jir ah, iyadu waxay ahayd mid qaabkeedu isu dheellitiran yahay oo aan lahayn xubin xubin kale ciriirineysa.

Waxaad garaneysay in ay ciyaarto jimicsiga waayo way dhex yareyd, lugaheedu way muuqdeen goonnada gaaban oo ay haysatay awgeed.

Waxaa ka muuqatay shushubnaan iyo murqo dhisan oo aad u adag oo muuqanayay mar marka ay dhaqdhaqaaqeyso, firfircoonida ka sukoow indhaheeda mar marka ay kugu soo aadaan jiidasho qoto dheer ayaa ka muuqaneysay waayo ma ahayn nooca indhaha sida dhaqsida ah u nibirsada, qaab ciyaareedkeedu ma ahayn mid iska doon doon ah, ee waxay u muuqatay ama la moodayayba in ridmooyinka muusikada ku milan yihiin xubnaheeda iyo ruuxeeda, waayo muusikadii ayaaba iyada ka dhex guuxeysay ayaaba la oran karaa.

Inta il biriqsi oo gabadhaas kamerada qabaneysay iyadoo fadhida kuraasta oo ay nasiinada ku jirtay dhaqdhaqaaqeeda xitaa wuu ka duwanaa dhaqdhaqaaqa gabdhaha kale habka ay jees jeeseysay, markii ay wax eegeyso, marka ay la hadleyso dadka kale iyo xitaa marka ay cuneysay toortaha ayna cabeysay cabitaankii loo qeybiyay ka qeybgaleyaasha xafladda, dhammaan intaasi way ka geddisneyd, taasina waxay igu dhalisay qudheyda in aan xiiseeyo sida saaxibkey oo kale la xiriiridda gabadhaas yaabka badan isla markaasna aan ka fikiro eray kasta oo aan qori doono, haddii ay dhacdo inay nala soo xiriirto, waxaan niyadda ku adkeeyay in aysan gabadhaan saaxibkey si fudud uga baxsan.

Maalmihii aan ka sugayay jawaabta saaxiibkay ee Toronto wey nala dheeraadeen, waxaana gaarnay heer quusasha ah oo aan ku fikirno in aan fakis kale u dirno, laakiin mar aan soo marnay xafiiska isgaarsiinta, sidii caadada noo ahyd ayaa waxaa nala siyay fakis uu soo diray saaxiibkeyga Toronto ee sida ba,an aan u sugaynay.

To: Liibaan Naasir iyo Saaxibkey, waan idin salaamay adiga iyo liibaan, wuu isoo gaaray fakiskii aad iisoo dirteen, waana wada fahmay dhammaan wixii ku qornaa.

Runtii, waan idinla yaabanahay saaxiibayaal waxaan idiin heystay inaad tihiin dad akhyaara ah oo reer magaal ah oo nolosha inta la doono fahamsan, laakiin arrinta aad ku soo qoreen dhambaalkan haddii uu dhab idinka yahay waxaan idin oran karaa dad caadi ah ma tihiin, oo waxaad tihiin ee waxaa idin waalay xabadihii dhacayay intii ay socdeen dagaalladii sukeeye iyo dagaalladii kale ee goos gooska ahaa ee weli dhaca.

Markii aan wada akhristay dhambaalkii oo aan ku celceliyay dhowr jeer waxaa ii caddaatay in aadan aheyninna sidii aan idinku ogaa oo isbeddel uu idinku yimid, maxaa yeelay, in kasta oo aan dhowr sano kala maqneyn haddana xisaabtu iiguma jirin inaad sidaan oo kale u dhaqmeysaan, waxaana idinka muuqda inaad sidii ciyaal suuq u dhaqmeysaan canjalad xaflad fiirsateen ayaa leedihiin midkeen ayaa gabar ka jeclaaday xafladdaasi, waxaasi ma wax ay sheegaan baa dad waa weyn oo ikhyaar ah oo weliba midkiin Joornaaliiste yahay, qoraa gaboobayna lagu sheego, maxaa idinku dhacay, aaway caqligiinnii, war miyaadan fikireynina?

Intaasi waa canaan yar oo aan idin soo jeedinayo ee ii dulqaata, waxaan idinkugu cudurdaarayaa in aad ku nooshihiin muqdisho gudaheeda oo dagaallo xun oo waqti dheer ka socdeen, taasi ay sababi karto in dhimirkiinu waxyeello ku soo gaareen madaafiicda culculus iyo rasaasta sida xad dhaafka ah leysu weydaarsanayay ee haddii xaaladdiina caadi ahaa laheyd ciqaab aadan ka soo kabsanina