IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 3-aad)

IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 3-aad)

1402
0
SHARE

 

Saaxibkey intuu fadhiga iiga booday ayuu yiri oday duq ah ayaad tahay waxna uma jeeddid, si fiican u eeg gabdhaha miyaa isku ciyaar ah, war si fiican indhaha u kala fur, gabadha goonnada iyo shaatiga gacma dheerka ah gashan miyaan ka qurxaneyn gabdhaha kale?.

Waxaan Isha la raacay gabadha uu tilmaamayay si gaar ah ayaana u eegayay runtiina gabar qurxoon oo da’yar ayayna ahayd, sida ay u ciyaareysana way wanaagsaneyd, cabaar Ayaan eegayay sida ay muusiga ula raaceyso dhaqdhaqaaqa jirkeeda, ka dibna saaxibkey Ayaan u soo jeestay misna gabadhii daawashadeedii ayuu ku maqan yahay, waan u kaadiyay ilaa uu ka soo noqdo, dabadeedna waxaan ku iri waa runtaa gabadha way ka duwan tahay gabdhaha kale wayna ciyaar wanaagsan tahay, laakiin aniga ma aqaan weligeyna ma arag maxaad ka rabtaa?.

Saaxibkey wuxuu la soo booday gabdhaan shantii maalmood ee aan kaa maqnaa iyada Ayaan ka fikiraayay runtii waan jeclaaday sow ma aha gabar wanaagsan oo la jeclaado?.

Waxaan ku iri anigoo hadalka saaxibkey la yaabban waa la jeclaan karaa gabar, laakiin ma isweydiisay inay weli noo shahay iyo in kale, inay xaas tahay  iyo in aan la qabin, in ay muslim tahay iyo inay gaal tahay, inay xuntahay iyo inay fiican tahay iyo guud ahaan waxa ay tahay?

Saaxibkey wuxuu la soo booday adiga waxba haa i niyad jebin, waxa aan kaa rabo ila fuli oo aan garab kaaga helo, waxaan iri wax kasta oo aan kari karo waad iga heli waadna ogtahay, waxaan weli fahmin waxa aad dooneysid iyo waxa aad aniga sida goonida ah iigu baahan tahay.

Wuxuu yiri anigaa kuu caddeeynaayo marka hore gabadha Ayaan rabaa in aan la xiriiro adigana aad arrintaas wax igala qabato asxaabtaada Toronto joogta aadna wada xiriirisid si ay iiga caawiyaan raadinta gabadhaan, ka dibna ay isla keen xiriiriyaan, marka labaadna haddii ay suuro gasho in aan la xiriiro gabadha, waxaana markaas ku tala jiraa qorsho dheer in aan ka fuliyo gabadhaas kaasoo ku saleysan in aan gabadhaan quruxleyda ah gacanta ku dhigo waa haddii Eebbe idmee.

Indho waa weyn ayaa iga soo haray, madaxa Ayaan xog-xogtay ileen saaxibkey waa nin wax weyn damacsan.

Marka hore sheekadiisa oo dhan waxaan u arkay kuna tirinayay laab lakac iyo nin dhallinyaro ah oo dhowr sano la’aa waxbarasho iyo shaqo hadaaqii, laakiin waxaan dareemay in ay jirin arrimo kale ka dibna waxaan iri, saaxiboow arrinta ciyaar ciyaar baan u maleynayay haddase waan kuu jeedaa qorsho dheer ayaad soo degsatay laakiin waxaan ku weydiinayaa maxaa kugu kalifay qorshahaan dhallanteedka ah adigoo ay xamar kugula nool yihiin boqolaal kun oo gabdho ah oo aad ka soo xulan kartid gabar aad u qurxan oo aan kugu kalifeyn baadigoob iyo wal-wal raga.

Tan kale, mala socotaa haddii uu qorshahaagu kuu suurtogeli waayo in aad murugooneysid, mase isweydiisay inta qarash ee kaaga bixi karto dhanka isgaarsiinta, waayo kanada ma ahan meel lagula xiriiri karo fooneeye iwm, ugu yaraan waa taleefoon iyo Fakis, halkii daqiiqana waad ogtahay waa qarash badan, mise waxaad dooneysaa in aad qoyskaaga ka cunto biilka yar oo ay soo dhiibto gabadha walaashaa ah ee Talyaaniga ka xoogsato.