Hadal waa Murti iyo ku dhaqan

Hadal waa Murti iyo ku dhaqan

344
0
SHARE

Murtida Soomaalidu siyaabo badan ayey u isticmaasha ama uga dhaqantaa markii layskugu yimaado xaajooyin waxay ka hal abuuraan waaya araggu iyo dhaqan yahnnadu murti lagu dhaqmo loona adeegsado siyaabo badan oo kala duwan, waxaana dhacda sida badan kooxo ka abuura fadqaladooyin iyo mashaakilaad sababi kara iska horimaad iyo dagaallo, kuwaasoo ka dhasha dhibaatooyin Bulshada saameeya oo xitaa u diida ama ka horjoogsada wada noolaanshihii iyo adeegyada ka dhexeeya ummadda, sida Ganacsiga iyo safarrada u kala goosha magaalooyinka iyo Gobollada waddanka uu ka kooban yahay islamarkaas waxaa baaba’a oo hoos u dhac  ku yimaadaa nolosha dadka iyo xoolaha, beerashada iyo deegaameynta, waxbarashada iyo caafimaadka.

Markii ay arimahaas dhacaan waxaa islamarkiiba isxilqaama oo marada kor ka duubta Culimaa’udiinka, Odayaasha dhaqanka, Caaqilinta, Mutacallimiinta iyo Bulshada inteeda kale ee wax fahmaysa.

Iyadoo shacabka intiisa kale gadaal ay ka riixayaan diyaarna u yihiin inay la garab istaagaan hiil iyo hoo sidii ay ugu sal gaari lahaayeen arrimaha amniga iyo nabadeynta.

Bulshada inteeda badan waxay dhiiro-gelisaa dadka inta badan hormuudka u ah nabadeynta iyo sama kataliska ummadda, sababtoo ah, haddii aysan bulshada laga helin dhiirogelin iyo guubaabo ku saabsan arrimaha nabadda waxaa dhacaya dhibaatooyin ka sii daran kuwii markaa taagnaa, waayo Cudurka waxaa ladaaweeyaa intuusan faafin oo bilowga uu yahay.

Waxaa habboon dhibaato kasta oo Dunida ka dhacda in laga hortago waayo marwalba ka hortagga ayaa ka wanaagsan ka daba tegidda, kadaba tegidda dhaawacna way daaweysaa meydkuna way duugtaa laakiin marka horeba waxaa wanaagsan in lagu dadaalo inaysan waxba dhicin.

Haddaba, markay gudo galaan Guddiga ka shaqeynaya isuna xilqaamay ka hortagga dhibaatooyinka iyo nabad la’aanta waxaa ka horyimaadda kooxo wax magarato ah lana hor istaaga aflagaadooyin iyo carqalado, cay iyo aflagaado, kibir iyo awood sheegasho aan loo baahneyn.

Markay sidaasi ay arkaan Odayaashan iyo indheer garadkan aan kasoo sheekeynay ayey waxay adeegsan jireen hadallo sarbeeb ah, murti iyo maah-maahyo sidan oo kale ah oo ay ku leeyihiin war hooy waxaa la yiri: Talo walaalkii diide tagoogaha ayuu ka jabaa, taa uu micnaheedu yahay markuu diido wanaagga horeyna u galo dhibaatooyinkii iyo rabshadihii uu ku talinaayey tagoogaha ayaa xabadi kaga dhacdaa, waxaanna lasoo qaada asigoo taahaya oo tabar daran.

Waxaa kaloo la yiri: Talo walaalkii diide taraanturo ma huro, sababtoo ah marka wax garadka iyo qoykiisa kula taliyaan oo ay dhahaan war reerka si wanaagsan u dhaqo asigana kibir iyo isqaaqaad iyo talo diidnimo ku dhaqmo lagana kari waayo xumaanta ayaa wuxuu arkaa asigoo gaboobay siduu qayilaad iyo tumasho ugu jiray ayaa wuxuu arkaa raggii qeyrkiisa ahaa oo gabdho iyo wiilal jaamacdo uga soo baxeen kuwana ay u shaqeeyaan oo jiifka looga adeego ayuu murugoodaa oo taladii shalay uu tolkiis ka diiday ayuu dib u jalleeca oo shalaayto aan waxba tareynin ku calaacalaa oo uu yiraahdaa haddan qaadan lahaa taladii walaalahey ee wanaagsaneyd maanta tan oo kale iguma dhaceen!.

Haddaba, kaasi wuxuu marti u noqdaa salli wasakhle oo aan barkin laheyn haddii uu helaba ee cid kale marti uga noqday, waxaana uga sheekaynayaa wuxuu soo maray markuu meelaha shaaha ka cabayo oo ugu maah maahaa dadka uu markaa la joogo wuxuuna yiraahda:

Anigaa markii hore iska diiday dhibka haweenka iyo korriinshaha caruurta ay dhalayaan iyo u dulqaadashada qoyskeyga markii aan dhallinyarada ahaa oo meelahaas ayaan isaga dalxiisi jiray oo isaga ciyaari jiray, laakiin maanta talo iyo tabar midna mahayo!.

Nin saaxiibkiis ah ayaa markaa u jawaaboo wuxuuna yiri:

Soo joog ninkii laga waayo soo jiifo ayaa laga helaa, asigoo tusinaya talo diidadiisi hore iyo madax adeeggii uu shalay ku dhaqmaayey ku tusaaleynaya.

Sidaa oo kale qeybo ka mid ah dadka ayaa laga kari  waayaa nabadda iyo xasilooni in lagu wada noolaado waxayna ku gacanseyraan oo katalo diidaan dhammaan Odayaasha iyo Culimada indheer garadka ah ee u caqli celiya kadibna waxay ku dhawaaqaan habar wacsho been ah iyo duulaan ay ku qaadaan deriskooda, abaabul colaadeed iyo fidno.

Markii foodda lays geliyo qoladii ay duulaanka ku ahaayeen  oo labada col foodda isdaraan oo ay yeerto go’ayeey meydkuna tira beelo ayaa waxaa dhabarka jeediya qaarna godadka ay ku dhuuntaan kuwii shalay nabadda diiday dhibkaanna sabab u ahaa.

Markii colka dib usoo jabo geedihii uu shalay ka duulay uu yimaado ayaa waxaa la kulma qaar ka mid ah Culimaa’u diintii iyo waxgaradkii shalay uu talada ka diiday waxayna ugu maah maahaan: dhib hadduu dhaco dhabaqo meel beshay, sidoo kale Balaayo dhago la qabtay leedahaye ee dabo la qabto maleh, xumaan salkeeda lama gaaro, intii nabadi joogtaa ninba labo nin la egyahay, waayo faanka iyo isqaad qaadku waa marka ay nabadi jirto.

Waxaa dib ugu soo maaxda talooyinkii iyo wanaaggii shalay laga taliyey oo nin walbo uu leeyahay way habbooneyde maxaa loo qaadan waayey.

Waxaa kaloo Soomaalida ku maah maahda: intaad fogtahay ayaa la fiirsadaa, Banaankiisa mare maradiisa geed ma qabsado, talo adaa ku noole iyada kuguma noola.

Si kasta haddii aad isu tiraahdo xaaladda way qaraar tahay Alle ayaa ka sarreeya asiga, tasarufka mar walbo Allaa iska leh, amuurtaada Alle ku xiroo asiga uun tala saaro albaabkaad mareysana iska hubi oo isweydi ma banaan yahay mise ma banaana sharciga Alle u bandhig iskana ilaali inaad qabyaalad wax ku dhibaatayso, Naftaada u tali oo ka celi xumaanta iyo dambiga, la tali walaalkaa xaqiisa u qaad kan dadka kalena  ka celi, qaraabada la tali oo wanaa gga u tilmaam, Amuur kastoo kaa hor timaadda ku  maamul sharciga Alle.

Haddaba, akhristayaal naftaada waa safare sahey badan oo fiican u qaad, saaxiibkaaga wanaagsanna raac.

Waxaanna kusoo gabagabeynayaa Gabay ku saabsan qabyaaladda iyo waxyeelladeeda wuxuuna ku bilaabanaya:

Qabyaaladdu waa dhibaato,

qasaaro iyo waa xannuun

Qufac iyo qoon xun weeyoo

marnaba aan la qarin Karin

Qatartii halista weeyoo

jahligu qeyb buu ka ayahay

Noolaha qaarbay dishaa

qarfe iyo waa abaar

Qax iyo kala guurka weeyoo

umadda way qeybisaa

Soomaali waxii qatalay

qoraxda wixii na dhigay

Qaxooti wixii nageeyey

Wixii quursiga nabaday

Qarankii markay bur burisay

Markii qaarba meel tageen

Sidii loo kala qoqobay

Qaranba way diidayoo

qoys qoys bay naga dhigtoo

Qabyaaladda waxay rabtaa

inaanan qaranba noqon

Ma quusbaa taladayadu

Dunida hanaqeybsatee

sidaas miyaan qanac ku nahay

Gunnimo miyaan qaadanaa

qabyaaladdu waa wareer

Miino iyo qaraxeeda weeyoo

qaxii ummaddan qabsaday

waxyeello ma qaadan karo

Qalbiga qoomkay degtaa

qeyrkood kama daba tagaan

Taladu wan qeexayaaye

ha qaadan wixii qurmoon.

Abwaan Gabeyre