Guulihii ay gaartay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta XFS sannadkii tagay

Guulihii ay gaartay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta XFS sannadkii tagay

268
0
SHARE

Tan iyo markii uu xilka qabtay Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa waxaa uu ku bixiyay wasaaraddaasi dedaallo iyo juhdi ku aaddan ka miro dhalinta yoolkii wasaaradda loo igmaday ee ahaa horumarinta adeegyada muhiimka u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood aan lahayn tan iyo burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliyeed.

Inkastoo qoraal iyo hadal midna aan lagu soo koobi Karin guulaha ay gaartay Wasaaradda ayaa hadana waxaan si kooban u sharaxaynaa waxyaabihii ugumuhiimsanaa ee Guulaha lataaban karo oo ay gaartay wasaaraddu waxaana kamid ah,dib u soo celinta adeegyo muhiim u ahaa dalka,hirgelinta shuruuc kaladuwan oo dalka muhiim u ahayd, la soo wareegitaankii Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO),Machadkii Isgaarsiinta,ku biiri taanka golayaal caalami ah oo qaarkod weli Soomaaliya kamid ahayn halka qaarn in mudo ah ay ka maqnayd.

Sharciga isgaarsiinta dalka oo kamid ahaa shuruucda ugu muhiimsan oo in muddo ah la soo waday hirgelinteeda marxalado kaladuwana soo maray ayaa wasiirka boosaradda Boostada waxaa ay ku guuleysatay in la meelmariyo si loogu adeego bulshada.

Sharciga Isgaarsiinta Dalka.

Ka hor int aaan dhalan sanadkii 2018 ayaa August(9) 2017 oo gebo gebo marayay,baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu ansixiyay sharciga Isgaarsiinta,kadib markii in muddo ah ay ka munaaqashoodeen,iyagoo eegaya ahmiyadda uu dalk au leeyahay,cod aqlabiyed leh ku meelmariyeen,taasi horseeday in wasaaraddu ay gaartay guulo badan oo saldhig u ah howlihii loo igmaday.

Intaasi kadib ayaa Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashur Xasan waxaa uu bilaabay talaabooyin muhiim ah oo lagu yagleelayay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo lafdhabar u ahayd howlaha wasaaradda.

Dhismihii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Bishii (February) 2018, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loo magacaabay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo ah khabiir dhinaca isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ah.

Tallaabadaasi ayaa aasaas u ahayd dhismaha Guddiga Sare ee Hay’adda Isgaarsiinta oo lagu hawlanaa tan iyo markii uu madaxweynaha dalka uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka 2dii Oktoobar 2017, isla markaana ay ku soo baxday faafinta rasmiga ah 20-kii bishii Nofeembar ee isla sanadkaas.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo soo dhoweeyay ansixintan ayaa uga mahad celiyay Golaha Wasiirrada ansixinta Maareeyaha Hay’addani oo noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu dalku yeesho.

La wareegitaankii Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO).

Isla sanadkii 2018 Bishii (9-Muarch) Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Qeybta hore ee wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo ahy’ad ahaan ay si buuxda ay ula wareegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internetka (dotSO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dawladda, waxayna tallaabo billow ah u tahay in hantidii qaranka ee dhinaca isgaarsiinta iyo internetka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurtogeli lahayd wareejintan.

Machadka Isgaarsiinta Qaranka oo dib loo hawlgeliyay.

(Muqdisho, 5 June 2018) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa dib u hawl-gelisay Machadka Tababarka Isgaarsiinta Qaranka oo hoos tagi jiray Wasaaradda, kaas oo sare u qaadi doonta xirfadaha teknoolojiyada ee dalka.

Machadka oo la aasaasay sanadkii 1976-dii waxaa dhinaca qalabka iyo tababarrada ka caawin jiray Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), hase yeeshee waxay hawlihiisi joogsadeen sanadkii 1991-kii. Hase yeeshee, tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa la isku dayay in dib loo kiciyo Machadka, waxaase caqabad ka haysatay sidii loo heli lahaa qalabkii farsamada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ee lagu tababaran lahaa, taas oo haatan la xalliyay.

Adeegga taakuleynta Internet-ka iyo isku xirka Jaamacaddaha dalka iyo kuwa caalamka.

Bishii July 18, sanadkii,2018) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa daah furay Adeegga taakuleynta Internet-ka iyo isku xirka Jaamacaddaha dalka iyo kuwa caalamka, munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan oo loogu talogalay in kor loogu qaado tayada waxbarashada sare ee dalka ayaa waxa uu bixin doonaa internet bilaash ah oo ay ka faa’iideysan doonaan xarumaha jaamacaddaha dalka iyaga oo ku xirmaya kuwa dibadda ah si ay ugu fududaato is dhaafsiga cilmi baarista.

Shirweynihii Teknolojiyada dalka.

Sanadkii 2018 Bishii (Oktobar) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Teknolojiyada Muqdisho oo looga hadli doono hal-abuurka teknolojiyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Md. Maxamed Aadan (Koofi) oo xafladdii furitaanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay Shirweynaha, iyagoo xusay sida teknolojiyadu saameynta ugu leedahay hawlaha ay qabtaan.

Wasiir Cabdi Cashuur ayaa mar kale ku celiyay sida uu ugu faraxsan yahay wacyiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee dalka oo sare u sii kacayo, iyadoo tani ay tahay dhacdadii 4aad ee labo toddobaad gudahood uu ka qeyb galo oo u gaar ah arrimaha teknolojiyada.

Wasiirka ayaa sheegay in 30kii sano ee uu burburka ka jiray dalkeena ay ahayd 30-kii sano ee horumarkii ugu ballaaran ee dhinaca teknolojiyada uu adduunka ka dhacay, taasina ay u dhiganto inaan 90 sano dib u dhacnay. Hase yeeshee, wuxuu wasiirka sheegay in rajo la dareemayo marka aad aragto dhallinyaradan oo kale iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

Xubinimadii Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah.

Muddo badan kadib oo Soomaaliya ka maqnayd xubinnimadii Midwga Isgaasriinta Caalamiga ah eeITU) Wasiir Cashuur ayaana ka qeyb galay doorashada hoggaanka sare ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) oo maanta ka dhacday magaalada Dubai Bishii Noverber 2018.

Xuquuqda doorashada ee Soomaaliya waxaa hortaagnaa bixinta deymaha qaaraanka xubinnimada oo istaagtay sanadkii 1983-dii. Hase yeeshee, heshiis ay Wasaaraddu la saxiixatay ITU dhammaadka sanadkii hore ayaa sahlay in dalkeenu dib u soo ceshto xuquuqdaas, waxaana lagu guuleystay in labadii sano ee la soo

dhaafay la bixiyo qaaraanka, kuwii horena loo sameeyo qorshe lagu bixinayo oo socon doona dhowr sano.

By:  Cali C/qaadir Cali