Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

34
0
SHARE

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane; Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muuddeey’’ oo Maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa Dalka Turkiga ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa waxaa Garoonka aya Diyaaradaha ee Magaalada  Muqdisho kusoo dhoweeyay Wasiirro iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahad celiyay wasiirrada iyo Xildhibaannada soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay.