Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo kulan la qaatay Ambassador Francisco Madeira

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo kulan la qaatay Ambassador Francisco Madeira

46
0
SHARE

Ambassador Francisco Madeira, the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, poses a photo with Ibrahim Aden Ali, the Governor of Lower Shabelle region of Somalia, accompanied by his team and other senior officials from AMISOM during a meeting at the AMISOM Mission Headquarters in Mogadishu, Somalia, on 18 May 2019. AMISOM Photo / Omar Abdisalan

Muqdosho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax iyo ku-xigeenkiisa dhanka Maaliyadda ayaa magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Ambassador Francisco Madeira, wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka Goddoomiye Ibaarim Najax iyo Ambassador Francisco Madeira ayaa looga hadlay xoojinta Howlgallada ka dhanka Argaggixisada Al-shabaab ee kasocda Gobolka shabeellaha Hoos.

“Balantu waa ciidamada xooga dalka,kuuwa AMISOM iyo maamulka gobolka inay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya si iftiinka dowliga loo gaarsiiyo meel walba oo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose”ayuu yiri Guddoomiye Najax

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax ayaa sheegay in sanadkaan 2019-ka  Kooxda Alshabaab laga xoreynayo qeybaha ay kaga harsanyihiin  Gobolka shabeelaha hoose.