GOORMEEY COLLOOBEEN BISADDA IYO JIIRKA (SHEEKADII 4-AAD)+Sawirro.

GOORMEEY COLLOOBEEN BISADDA IYO JIIRKA (SHEEKADII 4-AAD)+Sawirro.

887
0
SHARE

Waxaa la yiraahdaa, Berigii hore Bisidda iyo Jiirku, waxay ahaayeen heshiis, sida Xayawaannada kale.

Bisadda iyo Jiirku, waxay Colaaddoodu soo billaabataybaa la sheegay Waqti aad u fog, taasina waxay ahayd ayaa la sheegay Xilligii Duufaanta ee uu noolaa Nebi Nuux ee uu waxkasta oo dhulka ku nool ka qaaday Jinsi walba Lab iyo Dhiddig.

Markii ay noolahii oo dhan doonta soo raaceen ee ay Mowjadihii Biyaha ahaa sii dhex socdaan, ayaa waxaa la arkay Jiir cunaya xargahii, Shiraacii iyo Alwaaxii doonta ka sameysneyd.

Si kasta haddii la yeelay oo laga celin waayay ayaa lagu diray Bisadda inay la Dagaallanto Jiirka, halkaas, ayey ka soo billaabatay ayaa la yiraahdaa.

Colaadda iyo Jiirku ilaa maantana marka is-naceyb la soo qaadayo, waxaa la yiraahdaa waxaasi waxay isku yihiin Bisid iyo jiir.

Arrintaa darteed, Diiniyan jiirku wuxuu ku jiraa nooleyaasha Dilkooda ay bannaan yihiin sida: Tukaha, Dafada iyo Eeyga Dad cunka ah iyo dhammaan wixii nolosha Aadanaha khatar gelin kara.