Gaatin socodka Gaadmada iyo Guuraha habeenkii Geeshkii lagu Gardaadshoow

Gaatin socodka Gaadmada iyo Guuraha habeenkii Geeshkii lagu Gardaadshoow

499
0
SHARE

Ammaanka  Qaranka, waa waajib qofkasta oo Soomaali ah dulsaaran, Gaar ahaan ciidammada qalabka sida, waxaa saaran xilka ugu ballaaran uguna culus oo ah inay dalkan ka difaacaan cadowga damaca gaaban ee doonaya in ay bulshadeenna kala qeybiyaan ka dibna dalka  gumeysi geliyaan.

Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed waa geesiyaasha Afrika iyo birmadka ummadda soomaaliyeed, sidii lagu yaqiinnayba waa ay la dagaallamaan dhegahana ka jafaan cadowga  gudaha meel kastoo uu joogaba, kaasoo u bartay markasta dhuuqista dhiigga shacabka iyo  in uu ku fool dhaqdo kuna faano dilkooda, iyo kuwa kale oo ducufo ah dalkan dibadda ka damaaciya.

guud ahaan waa in laga quusiyaa damacooda gurracan oo waalida ku dhisan iyagoo kaashanaya “Allahooda Raxmaanka ah iyo dowladdoodaba”  iskana kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa qowleysatada isugu timid baabi’nta dalkaan iyo ummadda ku nool.

sida la ogyahay ama taariikhaha lagu hayo Ciidammada qalabka sida waa geesiyaasha aan weligood dhinacooda dhulka la dhigin, lagana gacan sareyn, guusha aan gacantooda laga maroojin, Afrikana  ay si weyn u taqaan.

waxayna leeyihiin halyeeyo u soo halgamay magaca ciidammada qalabka sida una dhintay ciidda iyo calanka, ilaa iyo maantana ciidammadu way u huraan dhiiggooda dalka waxay had iyo jeer taagan yihiin furimaha hore ee dagaalka oo aan ognahay inaysan ahayn meel laysku salaamo.

Guuraha habeenkii gaatin socodkiyo gaadmada Cadow, Geeshkii loo gardaadshoow guba, gaabiya  oo gododkooda ugu gala, kuwa geeddiga noogu yimid  geerida ha dhadhamiyeene.

Ciidammada qalabka sida, magaranayaan roob baa igu da’aya magaranayaan dhaxan baa i heysa, qorraxdana kama gabadaan waayo, way u bareereen sabab difaaca dalka iyo diinta awgeed.

Ciidammadeenna waxay leeyihiin  taariikh guun ah oo tix iyo tiraaba lagu sheegay,ciidammada qalabka sida waa ilaaliyaasha  Qaranka Soomaaliyeed.

Qiimaha iyo qaayaha ciidanka qalabka sida ee soomaaliyeed halkaan laguma soo koobi karo .

Abwaan Cabdi Tahliil Axmed Nuur, wuxuu yiri maraan aan wareysi la yeeshay:-

-Askari daacaddaan ahay

Daljir qaran baan ahoo

Dalkiyo diintiyo dadkaba

Marnaba cadow uma ogoli

In aan daba dhilif noqdoo

Gumeysiga daawo bido

Dareynkeygaa nacoo

Dagaal xeer uga dhigee

Mas’uul darajada sitoo

Misana dhaar ku sii daroow

Danyare weligaa daryeel

Dulmane garabkiisa noqo

Dambiilaha how arxamin

Waxay bulsho nabad degtaa

Samaan ku durduurataa

Kolkey xumo diid tahoo

Sinnaanshaha loo damqado

Dadyahow soomaaliyeed

Kolkaad dadab seexataan

Dagaalka firaashataan

Aniga roob igu da’yo

Dabaylo igu dhacoo

Cadceedii kama damqado

Waxaan duhur iyo habeen

Dagaalka u taagannahay

Inaan dulli xumi imaan.

Muwaadinniinta Soomaaliya, way ogyihiin inaysan kaftamaynin ciidammada qalabka sida, wayna ogyihiin wayna hubaan meeshii ay naga xigaan inaan cadaw ka soo galeynin.

Mar kale, Cabdi wuxuu yiri isagoo ammaanta ciidammada sii wata.

-Burji waxaad wadaagtaan

Ama aad ka badan tahay

Baabulaha libaaxiyo

Baraalaha Shabeelkoo

Buurkiyo tuutaha

Koofiyadda birta ah

Haanbaagga buuxiyo

Badeel waxaad u sidataan

Iyo boobe qorigii

Mar kale, Cabd Tahliil Axmed wuxuu yiri isagoo ammaanta ciidammada sii wata.

Geesiga birta ahoow

Xornimad adaa bilaa

Calankeenna baluuglaa

Looga baaqay daraaddaa

Beermiino taalliyo

Bii’em iyo madfac

Taangiga buuraha jiiriyo

Diyaaradaha bar lagu hagay

Holacii ka soo baxay

Ciidankii u bareeroow

Ballantii aad qaadiyo

Dhaartii kamaad bixin

Dowlad aadan baalgelin

Cudur kama bogsootee

Bannaanka iyo gudahaba

Adigow birmanayee

Xasuus aan ba’ayn abid

Baal dahab wax lagu qoro

Billadaha adaa mudan,

Basanbaas ku gaariyo

Beylahda iyo dhibaatada

Qarankaa badbaadshiyo

Ma’suul baahidaa kaba

Xaquuqdaada bixiyana

Kugu beeg ilaaheey

Aamiin .

Ducadaasi iyo guubabadaasi waxaa diraya Abwaan Cabdi Tahliil Axmed Nuur, oo ka tirsan Hooballada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mar uu Calanka Soomaaliya ka sheekeynayay wuxuu yiri,

-Calankeyga mudanoow

Midnnimada xumaatiyo

Mataanaha colloobaa

Kaa dhigay mariilkee

Maangaab kuma haweysteen,

-Calankeyga mudanoow

Maskaxdiyo qalbiga iyo

Maankeenna kama go’in

Muhashada xornimadii

Inta geesi magac loo

Maal iyo nafba kuu huray

-Calankeyga mudanoow

Soomaali magaceed

Haddii aan mid naga harin

Muunadaada sharafka leh

Maradii madoobeyd

Marna kuguma beddelan doono.

Intaas ayaan ku soo gaba-gabeyneynaa murtidii  wacyigelinta ahayd ee Abwaan  Cabdi Tahliil Axmed oo nagu soo booqday Xarunta Wargeyska Dalka.

W/D – Osman Dhiblaawe