Faallo:-Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.

Faallo:-Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.

235
0
SHARE

 

Tan iyo intii uu Dalka Soomaaliya galay xaaladda bur-burka sanadkii 1991-kii, waxaa uu Paasaboorku ka mid ahaa waxyaabaha uu bur-burku saameyn ku yeeshay, waayo waa aqonsiga qofka, islamarkaana waxa uu ka mid yahay waxyaabaha lagu aqoonsado Jinsiyadda qofka, uuna ku kala safri karo dunida meesha uu doono, balse muddooyin badan ayaa la waayay waxa ay Soomaalidu ku safarto, iyadoo uu Caalamku diiday aqoonsiga Baasaboorka cusub ee Soomaliya.

Balse nasiib wanaag waayahaan dambe waxaa la waday dadaallo sidii loo aqoonsan lahaa Paasaboorka cusub oo ay Soomaaliya yeelatay, sidaasi awgeed ayay shalay la shaaciyay in Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg ay si rasmi ah u aqoonsadeen baasaboorka Soomaaliga ah gaar ahaan baasaboorada dublamaasiga iyo kan shaqada,.

Aqoonsigan Dowladaha ee baasaboorada dublamaasiga iyo kan shaqada ayaa waxaa si wadajir ah ay uga shaqeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

Arrintan ayaa waxaa shaacisay Safaarada dowladda Belgium ay ku leedahay Dalka Kenya ,iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay tallaabada ay ku aqoonsatay baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aaden Koofi ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa dadaalo la xiriira sidii Baasaboorka Soomaaliga loo horumarin lahaa, isla markaana loo heli lahaa aqoonsi caalami ah, waxaana horay u aqoonsaday dalal Badan.

Laba ka mid ah wadamada Qaarada Yurub aya waxaa ay sirasmi ah ugu dhawaaqeen inay Aqoonsadeen baasaboorka Dalka Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka dalal yar laga qoonsanaa.

Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg,kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya, iyadoo arrintaan sida la sheegay ay siwadajir ah ay uga shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo Socaalka,hasayeeshee tan ay wax walba u fududeyneyso.

Horay ayaa waxaa Baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday Wadamo badan oo uu ka mid yihiin dalalka Norway, Sweden, Finland, Switzerland iyo Denmark., waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dadaal u galeyso sidii wadamada Qaarada Yurub u aqoonsan lahaayeen, islmarkaana ay ku sii fidiso dunida inteeda kale.

W.D.C/laahi Ruush