Duqeyn ka bilaabatay Kashmiir, kadib Duuliye Hindi ah oo la sii daayey

Duqeyn ka bilaabatay Kashmiir, kadib Duuliye Hindi ah oo la sii daayey

177
0
SHARE

Ciidamada India iyo Pakistan  ayaa is-weydaarsaday nuucyada hubka,gaar ahaa madaafiicda goobta,waaana halkaasi waxyeello ka soo gaart afar ruux oo rayid ah,halka uu dhaawac ka soo gaaray afar kale sida ay ku warameen saraakiisha.

Labadaasi ciidamada  midba kan kale ku bartilmaameedsaday saldhigyada iyo xaafadaha teetsan aagga Gobolka Lagu muransan yahay ee kashmiir

Duqeynta oo bilaabay xalay ayaa socotay illaa saaka waabarigii kaas oo galaaftay nolosha laba walaalo ah iyo Hooyadood oo ku sugnaa qeybta Kashmiir ee Hindiya maamusho,halka aabihii loola caray cisbitaal.

Barasaabka qeybta Kashmiir ee Pakistaan Umar Azam ayaa sheegay in ciidamada Hindiya oo si aad ah u hubeysan ay soo dhoobteen aagga xadka labada dhinac isla markaana ay  wadaan xasuuq.