Dowlad, Shacab iyo Ciidanba waa la wada Ciiday.

Dowlad, Shacab iyo Ciidanba waa la wada Ciiday.

624
0
SHARE

Waxaa lagu jiraa maalimiihii barakeysnaa ee Allaah noo jideeyay in aan si farxad leh u ciidno, waa iyadoo Dadka muslimiinta meel kastooy dunnida ka joogaan ay wada ciidayaan iskuguna hambalyeynayaan Ciid wanaagsan Kullu Caam Wa antum bikheyr iyo wixii la mid ah.

Dadkeenna Soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol muslim ah ayaa sidii lagu yiqiinnay iyo karaameynta maalintaas magaca weyn leh ee Ciidda Carrafo ayaa waxay u soo dhaweeyeen si aan caadi ahayn.

Subaxdii maalinta 10-aad ee Ciidda Carrafo ayaa waxaa la arkayay dadweyne aad u fara badan oo si tiro dhaaf ah u soo buuxiyay masaajiddada ugu waa weyn dalka, waxaana halkaas la akhrinayay khudbado ku saabsan ciidda.

Haddaan tusaale usoo qaato sida dowladda soomaaliyeed iyo shacabkooda isula ciideenna waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tababarka ee Janaraal Goordan.

Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tababarka iyo maamulka dugsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas.

Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda fannaaniinta Horseed.

Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay siihayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid ul-Adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu usoo dhaadhacay gudaha magaalada isagoo indho indheyn kusameynayay sida dadka soomaaliyeed ee waddaniyiinta ah u ciiyadaan gaar ahaan wuxuu cagta ku soo dhuftay isagoo u kuurgelayaa habka ay usocdaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee waddooyinka muhiimka ah sida waddada soddonka iyo wadnaha, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo kormeer ku tegay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa la ciiday qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa tegay goobo ay bulshada ku kulanto oo ku yaalla xaafadaha ku xeeran waddooyinka Soddonka iyo Wadnaha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo xog-wareysi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageystay talooyinkooda, isla markaasna u sharraxay qorsheyaasha dowladda ee dib u soo noolaynta kaabayaasha aasaasiga u ah dowladnimada.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha XFS, ayaa ahaa in uu si dhow ula socdo tabashooyinka shacabka, si loogu saleeyo wax-qabadka hay’adaha dowladda, laguna dabbaqo nidaamka isla xisaabtanka.

Waxaa la arkayay dad aad u fara badan oo isugu soo baxay fagaareyaasha caanka ah sida baarlamaankii hore waxaana halkaas ka dhacayay ciyaaro kala nooc ah iyadoo dhallinyaradu ciyaartaasi tumeysana ay jiibta iyo jaantuba isu la helayeen si aan horay loo arag.

Wajiyada dadka goobahaasi isugu yimid ayaa waxaad ka dheehan kartay farxadda iyo sida ay raalli uga yihiin maalintan weyn ee ciidda carrafo, soo dhaweynta maalintan ayaa ahayd mid aad loo qadderiyay

Iyadoona shaqaalaha dowladda intooda badani la fasaxay, iyadoo inta shaqeysana ay ku howlan yihiin sidii ay shacabkooda ilaalin lahaayeen, siiba ciidammada qeybahooda kala duwan iyo Warbaahinta oo iyaga marnaba aan seexan waayo waa indhiihii iyo afkii bulshada.

Waa maalin kusoo dhamaatay guul iyo farxad aan la soo koobi Karin, waxaana ilaahey ka baryeynaa in sannadkan kiisa kale nagu gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo daa’inta, ummadda soomaaliyeedna guul iyo horumar ku tillaabsadaan Inshaa Allaah.