Daawo Xuska Sannad-guurada 59aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Daawo Xuska Sannad-guurada 59aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

129
0
SHARE

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12kii April 1960kii oo hadda ka soo wareegatay 59 sano.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa loo yaqiin magaca Cali Boobaaye, ciidankaas oo guud ahaan tiradiisu dhammeyd 2000 Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo markaasi gobollada koonfureed ee Talyaaniga gumeysannayay ka koobnaayeen oo degmo kasta laga soo xulay 50 Askari, waxayna tababarka, ama kuruudku ku galeen Xerada Bootiko, oo haatan loo yaqaan Xalane, ciidankaas oo ka koobnaa 8 horimood, waxaa Taliyeyaal looga dhigay 8 sargaal oo markaasi qaatay darajada Kabtan ama Dhamme.

1) Horinta Kowaad waxaa Taliye u noqday- Maxamed Cali Samatar

2) Horinta Labaadna waxaa Taliye looga dhigay- Salaad Gabeyre Kediye,

3) Horinta Saddexaadna waxaa Taliye ka noqday- Maxamed Faarax Ceydiid

4) Horinta Afaraadna  waxaa hoggaan ka noqday- Cilmi Nuur Tareey

5) Horinta Shanaadna waxaa Taliye ka noqday-     Cabdalle Maxamed Faadil

6) Horinta Lixaadna waxaa kaabe looga dhigay-     Abuukar Gacal

7) Horinta Toddobaadna waxaa taliye ka noqday- Abuukar Xasan Wehliye (Suulaleey)

8) Horinta Siddeedaadna Taliye looga dhigay-       C/dulqaadir Dheel.

Kaddib, markii uu ciidanku dhameystay tababarka waxaa loo kala qeybiyay 4 qeybood.

1-Qeybta Kowaad waxaa loo beddelay magaalada-             Hargeysa

2- Qeybta Labaad waxaa loo beddelay magaalada-             Beled weyne

3- Qeybta Saddexaadna waxaa loo beddelay magaalada-  Baydhabo

4-Qeybta Afaraadna waxaa lagu reebay magaalada-           Muqdisho.

Taariikhda Xoogga Dalka, waxay soo martay heerar iyo marxalado

kala duwan oo mid weliba leh qiimeeynteeda gaarka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, markii la Aasaasay waxaa Taliye Guud looga dhigay Jenneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi (Feynuus) Abaanduuliyena waxaa loo magacaabay Jenneraal Maxamed Siyaad Barre, markii uu geeriyooday Taliyihii Ciidanka xoogga Dalka 1965kii, waxaa jagadaas loo magaabay Jenneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo Taliyaha Ciidanka ahaa tan iyo 1969kii, ka dibna waxaa beddelay Jenneraal Maxamed Cali Samatar.

Taariikh ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed siduu u soo dhismay waxaa loo kala qeybin karaa saddex marxaladood.

Marxaladda Kowaad:- waa intii u dhaxeysay 1960kii ilaa 1969kii, xilligii dowladihii rayidka, xilligaan ciidanka wuxuu ku jiray marxalad soo korid oo aan lahayn tababar sare iyo qalab intaba, inkastoo ciidanka tiro ahaan iyo tayo ahaanba oo aad u dhisnayn, haddana wuxuu guulo taariikhi ah ka soo hooyay dagaalkii 1964kii uu la galay ciidammada Itoobiya oo uu Adduunkii la yaabay sida dowlad 4 sano jir ah uu uga adkaan karto ciidan boqortooyo oo saddex boqol sano soo jirtay kana ciidan iyo saanad badan.

Marxaladda Labaad:- taariikhad dhismaha ciidanka Xoogga Dalaka Soomaaliyeed, waa intii u dhaxeysay 1969kii ilaa 191990kii oo ah xilliga dowladdii militeriga.

Xilligaan dowladda militeriga ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, waa xilligii uu ugu dhismo iyo tababar badnaa waxaana la ballaariyay dhismihii ciidanka, waxaa la dhisay ciidanka lugta iyo qeybaha kale ciidanka sida:-

Ciidanka Difaaca Cirka, oo markii hore ahaa horimo gaar ah, sidoo kale, waxaa la ballaariyay qeybihii gobollada dalka kuwaasoo ay xarumo u ahaayeen magaalooyinka- Baydhabo, Hargeysa, Burco, Dhuuso-mareeb iyo Kismaayo.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii dowladdii militeriga wuxuu gaaray xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sarreeya, wuxuuna ka soo qeyb galay dagaallo iyo howlo nabad ilaalin oo nabadda lagu soo celinayo dalalka Afrika ka tirsan taasoo uu ku kasbaday in loogu yeero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Libaaxyada Afrika).

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuu mar kale dagaal uu la galay 1977kii Ciidanka Itoobiya, kaasoo isna nonqday dagaal kale oo runtii taariikh reebay oo ka yaabiyay dowladihii waaweynaa ee Ruushka iyo Mareykanka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, haddii dagaalkaas dowladda Ruushka soo faragelin lahayn waxaa hubaal ahaa in Itoobiya gacanteeda uu ka bixi lahaa dhulka Soomaali galbeed.

Marxaladda Saddexaad

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, laga soo billaabo laga soo billaabo 1980kii, markii laga soo noqday dagaalkii 77ka waxaana ku billowda nuqsaan kaasoo sii socday ilaa 1989kii, xilligaasoo saraakiil iyo ciidan fara badan ay ku biireen jabhadihii mucaaradka ku ahaa dowladdii militeriga ahayd, taasina waxay dhalisay in ciidankii aad u wiiqmo oo uu burburo, dishabiliinkii, ciidannimana ay tirtiranto ayna sameysay dhaqdhaqaaqyadii Jabhadaha ee ku dhisnaa qabiil qabiilka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu ugu dambeyntii uu burburay 1991kii, markii lagu amray in ay hubkooda ku wareejiyaan jabhadaha taasina waa tan sababtay in hubkii in hubkii uu gacanta u galo shacabka dabadeedna la isku laayo qabiil-qabiil dalkana uu u kala go’go’o gobollo ay qabiillo u taliyaan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, intii uu jiray dagaallada dalka lagu difaacayay waxuu ka soo qeyb qaatay fatahaadihii webiga shabeelle 1961, taasoo uu gacan weyn ka geystay badbaadinta iyo soo bixinta dadka iyo duunyada ama xoolaha ee ku noolaa agagaarka webi shabeelle.

Sidoo kale, waxaa uu ka qeyb qaatay sama talabixinta dadkii ku waxyeeloobay abaartii daba-dheer 1974kii dalkeenna ka dhacday iyo dejintii dadkaasi markii dambe la dejiyay dhul-beereedka iyo xeebaha sida:- Kurtun Waareey, Sablaale, Dujuuma iyo Xeebaha Cadale iyo Braawe, loona bixiyay Dan-wadaagaha.

Sidoo kale, wuxuu ka qeyb qaatay dowr weynna ka ciyaaray ololihii bacaad celinta ee Shalaanbood

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa dib loo abaabulay, kaddib dhismihii Dowladdii KMG ah, iyadoo ujeeddadu tahay in dib loo soo celiyo maqaamkii uu ku lahaa dalka iyo Afrika.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, isagoo weli ku jira dib u dhiskii iyo qalabayntii, haddana wuxuu durba guulo lagu faani karo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijiinta ee AL-Shabaab, isagoo garab ka helaya Ciidammada walaalaha Afrika ee gurmadka noogu yimid, si nabadda dalkeena dib loogu soo celiyo haddii alle idmo.

W/D- Mursal

SANNAD GUURADA 59-AAD EE CIIDANKA XOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Khamiis, Abriil 11, 2019