Ciidanka Danab oo la wareegay deegaanno hor leh

Ciidanka Danab oo la wareegay deegaanno hor leh

204
0
SHARE

Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa saakay argaggixisada Alshabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo hoostaga Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab ayaa hadda Howlgallo Baaritaanno ah kawada Gudaha Deegaanka Ceel-saliin oo ay saakay la wareegeen, kaas oo dhanka Waqooye 20-KM kaga beegan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxamed Xasan Cali oo ah Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee dhanka  Howlgalada ayaa soo sheegaya inay ciidamadu hadda deegaanka ka wadaan hawlo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoo dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen in laga dulqaado Maleeshiyada Alshabaab oo in muddo ah dhibaato ku haysay bulshadaasi.

Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, halka deegaanadii dhawaan laga saarayna ay ka socdaan hawlo shacabka lagu caawinayo maamulana looga hirgalinayo deegaaanada la xoreeyey.