Calankii miyuu Gablamay

Calankii miyuu Gablamay

1211
0
SHARE

Muddo dheer ayuu ku jiray dalkeenu bur-bur, waxaana ka mid ahaa wixii bur-buriyay jabhado ku abtirsada qabiil, salkooduna ku xiran yahay baabi’inta qarannimada Soomaaliya siday u kala tegi lahayd, taasoo ay sababeen jabhadahaasi, in qabiil waliba goosto gobol ama tuulo, dhigtana bir dheer oo kontorool ah ayna leeyihiin lama soo geli karo dalkayaga, taasoo aan ahayn feker xalaal ah oo ka tarjumaya xaqiiqda runta ah.

Waxaa laga yaabaa, gumeystihii dalka soo gumeystay oo muddo dheer ku taamayay siduu mar labaad dib ugu soo laaban lahaa isagoo isticmaalaya qidad  casriya kana awood iyo xeelado badan siduu shalay ahaa.

Gumeystuhu, wuxuu ku yeeshay dalka gudahiisa tabcanayaal fuliya danahiisa, kuwaasoo la siiyo sandareerto aad u yar laguna yiraahdo dalkan idinkaa ayaa mas’uul ka ah, si loo jahawareeriyo ummadda Soomaaliyeed, looguna rido tafaraaruq iyo kala yaac, si Looga faa’iideysto kheyraadka ku jira dalka gudahiisa bad iyo birriba.

Gumeystaha noociisa cusub waxay isku dayayaan inaysan ka hana qaadin dowlad awood badan leh oo ka difaaci karta ribitaankooda, waxayna u kala qeybinayaan dalka gobollo iyo tuulooyin, iyagoo adeegsanaya magaca qabyaaladda Iyo isu habar wacashadii khaldaneyd.

Waxaa dhaca had iyo jeer, wax ku filan Soomaaliyoo mid ah in lagu horjoogsado qabyaalad, halkaasna bulshadii ay ku kala tagto, dibna aysan isugu hiillin, haddii la yiraahdo cadow ayaa soo galay dalka, waxay leeyihiin nooma taallo oo gobolkaas reer Cawaale ayaa iska leh, anagoo reer diiriye ah waxa yagu waa inoo gaar, cidna naguma haysato gobollkayaga, sidaasoo ay tahay kama soo saaran karaan wax nacfi iyo kheyraadka ku jira, sida dhagaxa dahab ah, siday salka ugu hayaan ayuu cadowgu ka qaataa.

U adeegeyaasha gumeystaha oo og waxa ay yihiin ayaa wuxuuna ku yiraahdaa, kuwii idinka horeeyayba  gaajo ayay ugu dul dhinteeni idinkuna wax yar oo lacaga qaata iska baxa, marka dareenka kheyraadka dalkaba war uma hayaan.

Dowladda soomaaliya waa dowlad socod barad ah, halka dhiigmiirteyaashu doonayaan inay dhulka ku dhuftaan, si aan dadka ay dhiigooda cabaan looga celin ayey waxay ku sheegayaan dowladda inay tahay mid liidata, si ay dadka masaakiinta uga dhaadhiciyaan inay dowladdaan tahay mid aan jirin iyagoo weliba cuskanaya magaca qurmoon ee qabyaaladda waana nasiib darro soo wajahday ummadda soomaaliyeed ee ubaahan Nabadda iyo Nolol.

Waxaan ku soo gabagabeyneynaa gabay Jiifto ah, Oo layiraahdo

                            Calankii Miyuu Gablamay?

  • Calankii miyuu gablamay
  • Ma gurigiisabaa bur-buray
  • Gacmihii walaalnimada iyo
  • Garbihiisii miyaa ka tegay
  • Go’doonka miyuu arkoo
  • Dabaylo miyaa gilgilay
  • Ma gurxanka cadowga
  • Ayuu dareemay
  • Markey goballadii naceen
  • Miyuu gurmadkiisi waayay
  • Gumeysi miyuu ka baqay
  • Ma geeshkii difaacayay iyo
  • Guutooyinkii ay wateen
  • Midnimadii miyaa gidaadday
  • Halkii looga guurayoo
  • Gaariga loo raacay la’yahay
  • Soomaalida golon-goshiyo
  • Dadkaa kala goostayoo
  • Nabacka gaaduu arkoo
  • Gabaadkiibuu la’yahay
  • Calanka waxa gubaya
  • Gabalanka ayuu ka ooyay
  • Ma gacalkiiba isnacay
  • Geeliisii haddii la dhacay
  • Gurmadkii soo dhicin lahaa iyo
  • Shacabkii ayaa ka gaabshay
  • Inuu ilmo gobo’ka siiyo
  • Gar weeyaan calankayagu
  • Geedloo gobonnimada iyo
  • Guntiisi bay jareen
  • Gar waa loo wada islaame
  • Xaggee loo guurayaa

Qoraa: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre