Barbarkeey ka baxdo waa Bakayle Qaleen

Barbarkeey ka baxdo waa Bakayle Qaleen

216
0
SHARE

Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo har iyo habeen u taagan in Soomaaliya noqoto wadan sharaf leh, dadkeedu nabad iyo baraare ku naaloodaan, waxaa taa dhinac yaal kuwo kale oo markasta ku howlan danaysi, xatooyo xoolo dadwayne, qabyaalad iyo in ay wax kasta oo xun u adeegsadaan inay ku awr kacsadaan

Xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya maanta wuxuu joogaa halkii ugu fursadda wanaagsanayd ku dhowaad soddon sano, markaan akhristow sidaan ku leeyahay waxaa daliil u ah sida dadka Soomaaliyeed ugu bislaadeen inay midoobaan, inay danta guud u jeestaan, ka shaqeeyaan wixii wadankooda wax u taraya, waxaa taas cadayn u ah maanta magaalo kastoo Soomaaliyeed in dadkii deganaa ay raadinayaan qaranimo,waxaa abuurmay  kooxo dhalinyaro u badan oo si mutadawacnimo leh uga shaqaynaya adeegyadii bulsho ee maqnaa, tanoo ah mid ka bedelan figradihii ku dhisnaa kala qoqobka  ee sanadaha badan ee laga soo gudbay.

Waxaa jirtay wakhti lala yaabayey qofkii qorsho qarannimo ka hadla, haddii arrintaasi ay ka soo horjeedo danta qabiilkiisa, maantase waxaa shacbigu u riyaaqayaan, haybadna leh qofkii danta guud ku dhiirran, waana tusaale wanaagsan oo la tilmaami karo.

Dawladda Soomaaliya iyo fursadahay abuurtay?  Heerka iyo wacyiga bulsho haddii isbedel ku yimaaddo ma ahan wax iska yimid, waa wax ku dhashay dadaal iyo is xilqaan badan. Taariikhda haddaadan wax ka baran iyadaa iskaa barta oo markasta kugu soo noqota, markaad waayo arag Soomaaliyeed la sheekaysato wuxuu kuu sheegayaa in fursadaha dadka Soomaaliyeed nabad iyo xasilooni ku heli lahaayeen ay koobnayd wakhtigii burburka, qaar waxay soo qaadanayaan intii aan burburku dhicin in Maxamed Siyaad lagu qancin kari lahaa inuu xilka baneeyo, qaar kale markii Jabhaduhu jireen ay fursadi jirtay, in badan oo kale ayaa aaminsan in xilligii maxkamadaha iyo dawladdii madaxweynaha uu ka ahaa AHU Cabdilaahi Yuusuf ay arrinta dhoweyd oo wax ka qabasho lahayd, intabase waxaa jiray gacmo shisheeye oo Soomaalida arimaheeda uma madax banaanayn.

Maanta fursadda taal ee iftiimaysa waa in dadka Soomaaliyeed dareemayaan lahaansho wadan, dawladda waxay samaysay naf hurnimo ay ku dadaashay inay gobolladii kala maqnaa ee wadanka ay ugu yaraan taladeeda gaarsiiso, kii isbedel u baahan, kii gacan qabasho kale u bahaan iyo kii isbadel u baahan, talaabadaas oo ay adkayd in horay loo qaado, fursadda kale ee dahabiga ah waa fara gelintii ka imaan jirtay dibadda oo hadda u muuqata mid yaraatay, waana guul iyo fursad qaali ah oo qaranimada Soomaaliya xoojinaysa, una baahan in aan ka faa’iidaysanno.

Maxay tahay waxaan rabno inaan dhisno?   Marka nidaam dawli ah burburo wuxuu waxyeelaynayaa hab dhaqan dhaqaalahaqaab fekerka iyo higsiga ay dadku leeyihiin, in maanka qofka la dhiso waan kan ugu muhiimsan, talaabo kastoo la qaadayo, taasina waa mid u baahan naf hurnimo iyo samir badan.doorka wakhtigaan muhiimka ah waxaa ciyaari kara dadka bulshada dhexdeeda qiimaha ku leh, sida culimada, isimida, aqoonyahanka iyo ganacsatada iyo hal abuurka hadday cod dheer bulshada ugu istaagaan oo ku tusiyaan in danta umadeed ku jirto midnimo iyo wax wada qabsi dadku waa is raacayaan, waana kaalinta u baahan in la buuxiyo, waxaana lagu tilmaami karaa door weli maqan.

Dhanka kale haddii aan milicsanno Fursadaha cusub oo ka soo baxday shirkii Garoowe dhowaan ka dhacay,Cabdirisaaq Nuur Cabdule oo ku magac dheer Faluuja wuxuu bartay cilmiga siyaasadda, sidoo kale waa falanqeeye arrimaha Siyaasadda, wuxuu ku sugan yahay Garoowe, waxaan wax ka waydiiyey miraha ka dhashay shirkaas?.wuxuuna yiri. “Labadii sano ee la soo dhaafay rajada shacabku way wanaagsanayd, shirkaanina wuxuu sii kordhiyey iftiin kale, waxaa naruuro cusub ah in ay isku soo dhawaadeen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadii khilaafku kala dhexeeyey”

Wuxuu intaas ku daray isu soo dhowaanshaha abuurmay wuxuu keenay durba in kala taagnaantii ay meesha ka baxdo, Jubba Land ay ku dhawaqdo in doorashada wakhtiga loogu tala galay ay qabsoonto iyadoo dhamaan murashaxiintu ka wada qayb gelayaan. Wuxuuse talo ku bixiyey in  gogosha danbe ee bisha Maarso loo balamay ay tahay qayb kale oo muhiim ah oo horay loogu sii qaadayo wada hadalka Soomaalida dhexdeeda ah“markastoo Soomaalidu gaar u wada hadashana waxaa soo bidhaamaya Yididiiloo rajo xambaarsan”

Akhriste haddii aad is waydiiso naftaada waydiio, maxay tahay waxa kuugu daran ee aad dawlad uga bahan tahay, waxaan hubaa inaad sheegaysid liis dheer oo midba mid kale kaaga muhiimsan yahay,.waxaan xerada qaxootiga ee Xagardheer  kala xiriiray Cabdiladif Axmed Nuur waa wiil 28 jir ah, Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ku dhashay, waxna ku bartay, sanadkii 2017 ayuu u tahriibay Liibiya, sanad iyo bilo ayuu Liibiya ma gafe ugu xirnaa, tacadiyo badan kadib dantii waxay ku soo celisay xeradii uu ka baqoolay, isagoo ka mid noqday boqolaal qof oo dawladda Soomaaliya dalka dib ugu soo celisay sanadkii tagey, waxaan waydiiyey maxaad u tahriibtay: “Dhibka iigu daran ee aan u tahriibay waa inaan helo baasaboor aan dunida ku mari karo, waxaa ma gafe iga qaatay 10 kun oo doolar oo madax furasho ah, waalidkay oo qaxooti joogaa ii ururiyey, iyagii ayaanan dib ugu soo noqday” ayuu yiri Cabdladiif. wuxuuna baahida dawlad uu u qabo kow ka dhigay inuu helo xoriyad iyo nabad uu dalka meeshuu doono ku mari karo, kuna degi karo, iyadoon qabiil iyo arimo kale toona loo waxyeelaynaynin”.

Waxaa jira hal hays waayadan danbe bulshada dhexdeeda caan ka noqday “Dalkaaga hadaadan waxba ku kordhinayn horumarkiisa, fadlan wax ha u dhimin” waa erey qiimo badan, wuxuuna ka turjumayaa baraarugga bulsho ee jira, qofkastaa doorkiisii uu wadankiisa wax ugu qaban lahaa wuu banana yahay ee ma ka faa’iidaysanaa, mise markay ina dhaafto ayaan sidii kuwii hore u calaacali doonaa? Barbarkay ka baxdo waa bakayle Qaleen.

W/Q: Maxamed Xasan Cirro.                                                                                      Waxaana dib u habeeyay Abubakar Gobdoon