Ahlu Jannaha & Ahlu Naarka

Ahlu Jannaha & Ahlu Naarka

1585
0
SHARE

Sifooyinka Jannada & Naarta.

Waxaa laga wariyay Caa’isha Bintu Abuu Bakar, Alle raalli ha ka noqdee, in Nebiga (Scw) yiri: Haddii Alle doono in uu geliyo Ahlu Jannaha Jannada, wuxuu u diraa Malag isagoo wata Haddiyad iyo Lebiskii Jannada.

Markay doonaan ahlu Jannahii inay galaan Jannada, wuxuu ku leeyahay Malaggii, Aniga waxaan idiin haya Haddiyad ka timid Rabbul Caalamiinka, ka dib Ahlu Jannihii waxay leeyihiin Maxay tahay Haddiyaddaa?

Malaggii wuxuu leeyahay Haddiyaddu waa toban (10) Faraanti oo ay ku qoran yihiin:-

  • Nabad-gelyo Korkiina ha ahaato, waad wanaagsanaateen, gala Jannada idinkoo ku waaraya.
  • Waa la idinka kor yeelay Murug iyo Tiiraanyo
  • Tani waa Jannadii ee la idiin dhaxalsiiyay wixii aad Camal fasheen
  • Labiskiinu waa……………………………………….
  • Waxaan idiin sowjeynay Xuuralceyn, waxaana idinku Abaal-marinay maanta Sabarkiinii, waxaadna tihiin kuwa liibaanay.
  • Kani waa jisahiina, maanta wixii dhaaco ah ee aad fasheen.
  • Waxaad noqoteen dhallinyaro, mana gaboobeysaan abidkiin.
  • Waxaad noqoteen kuwo Aamin ah.
  • Waxaad haleesheen Anbiyada, Siddiiqiintii, Shuhaddadii iyo Saalixiinta.

10-Waxaad ag degteen derisyada Raxmaanka leh Carshiga sharafta.

Dabadeed wuxuu leeyahay Malaggii, gala Jannada idinkoo Nabad galay, aamin ah.

Markaas ayey ahlu Jannaha gelayaan Jannada, waxayna Oranayaan, Allaa Mahad leh, Allahii naga qaaday murugtii, rabigeen waa mid dembi dhaafid iyo Shukri badan ee na dhaxalsiiyay dhulka Jannada, aannu degeyno Jannada,  aanu ka degeyno Jannada meeshii aan doonno, waxaa nicmo lahaaday ajarka caamiliinta.

Sidoo kale, waxaa laga weriyay Caa’isha bintu Bakar Alle ha ka raali noqdo in Nebiga (Scw) yiri, haddii Alle doono inuu geliyo Ahlu Naarka Naarta, wuxuu u soo diraa Malag, isaga sida 10 Faraati, oo ay kula qoran yihiin:

  • Gala Naarta, mana dhimaneysaan weligiin
  • Dhax dabaasha Cadaabta, raaxo idiinma sugnaan
  • Ka quusta raxmaddeyda
  • Gala Naarta, idinkoo murugeysan, tiiraanyeysan weligiin
  • Lebiskiinu waa Naar, Cuntadiinu waa Saquum, Sharaabkiinuna waa biyo kulul, gogoshiina waa Naar, hungurigiina waa naar.
  • Kani waa jisahiina maanta wixii aad fashaan ee macsiiyo ah.
  • Caradeyda korkiina waa naarta dhexdeeda Abadan.
  • Korkiina Nacalad ayaa ah, waxaad u qasadeen ee dunuub ah waa weyn ah, oo ayada ka dowba keenin, kana shallaynin.
  • Hoggaamiyeyaashiinu waa shayaadiin Naarta dhexdeeda Abaddan.

Waxaad raacdeen sheydaan, waxaad doonteen Adduunyo, waadna ka takteen Aakhiro, kanina waa Jisahiina.

 

Sifada Jannada iyo Sifada Naarta.

Sifada Jannadu Waa: Jannadu, waxay ku taallaa Samaawaadka Toddobada ah korkooda, waxaana ka sugnaaday Nebigeenna (Scw) inay tahay Jannadu Samaawaadka korkooda iyo Carshiga hoostiisa, waxaa la yiri, Jannadu waxay leedahay Sideed (8) Albaab, Albaab-kastana waxaa ka gelaya Toddobaadan Kun (70,000) oo rag ah, sifadoodu waa isku mid, waa guryo la isasaaray dhismahooda, waxay leeyihiin qolol waasac ah, oo la iswada arkayo kor iyo hoos oo dahab iyo fiddo ah, Sabarjadu Samrad, Lu’lu’, Murjaan, Kaafuur, iyo Canbar iyo wixii la mid ah ee Jawaahir ah ee lagu raaxeysto, Allahayoow Nagu dar kuwa Ahlu Jannaha ah.

Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Sifada Naarta.

Sifada Naarta, wuxuu yiri Ibnu Rajab (Rc) Naartu inay tahay Toddobada (7) dhul hoostooda, oo ay haddaba jirto.

Nebiga (Scw) wuxuu yiri, Jahannamo waxaa ah Toddobaatan (70) kun waadi.

  • Waadi kasta, wuxuu leeyahay toddobaatan (70,000) kun shucub,
  • Shucubkastana toddobaatan (70,000) kun daarood
  • Daar-kastana, waxay leedahay toddobaatan (70,000) kun Beyda ma guri.
  • Baydkastana, wuxuu leeyahay toddobaatan (70,000) kun Ceel
  • Ceelkastana, wuxuu leeyahay toddobaatan (70,000) kun Abeeso
  • Fuq kasta ee Abeesada ah, wuxuu leeyahay toddobaatan (70,000) kun oo miciyood.

Maka fakanayo, kaafir iyo munaafaq inuu ku dhaco kuwaasi dhammaantood, Alloow naga badbaadi.

Aamiin, Aamiin, Aamiin.