YAXAASKU MUXUU U CARRAB LA’YAHAY?

YAXAASKU MUXUU U CARRAB LA’YAHAY?

694
0
SHARE

Waxaa la yiri, berigii hore, Dawacadu Carrab ma lahayn, sida darteed wixii ay heshaaba way liqi jirtay.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday, in la damcay Dawaco Walaasheed la Arooso.

Dawaco, waxay markaas ka fikirtay in Arooska Walaasheed si wanaagsan u dhigto, ugana qeyb qaadato.

Dawacadii waxay ku fekertay siday u fiicnaan lahayd in arooskaas Ciyaaro lagu dheelo, aadna loogu mashxarado.

Intaa ka dib, Dawaco waxay ku tashatay inay ku filneyn Arooska Walaasheed  Qof keliya oo la soo kireeyay ka Alalaaso.

Sidaa darteed,  ayaa waxay goosatay inay yaxaas oo ay isku fiicnaayeen oo isagu lahaa carrab dheer oo aad u wanaagsan inay u tagto, kana soo ergato carrabkiisa si ay ugu soo mashxaraddo.

Markiiba, waxay aadday yaxaaskii ay saaxiibka ahaayeen waxayna u tagtay isagoo neecawsanaya webiga jiinkiisa, waxay u sheegtay ujeeddadii ay ugu socotay,

Markii hore, yaxaasku arrintaa wuu ka war-wareegtay, laakiin markii dambe, wuu usoo bixiyay oo uu fart aka saaray carrabkiisa dawacadii.

Wuxuuna ka codsaday inay dhaqso ugu soo celiso.

Ayana waxba kuma daalinee, taasi way ka ballan qaaday, wayna ka oggolaatay.

Dawacadii markii ay ka dhammeysatay carrabkii Arooskii Walaasheed, ay habeenkii wacdarro ka muujisay, aadna ay ugu mashxaraday, ayey sidii ballantu ahayd kasoo bixi weyday, oo carrabkii iska jecleysatay inuu afkeeda ugu dhexjiro oo ay aroosyada kaga mashxaraddo oo weliba ku lacag qaadato.

Dabadeed, Yaxaaskii dawacadii dhowr jeer ayuu fariin u soo diray, una soo faray in carrabkiisa u keento, hase yeeshee dheg uma jalaq siin oo duurkeeda ayey iska gashay.

Markii Yaxaaska uu oggaaday in aanay dawacadii carrabkiisa usoo wadin, ayuu caro iyo ciil u baqtiyay, wuxuuna ugu faray habar dugaagtii kale, u sheega dawaco ”haddii aanay ii keenin carrabkeyga il webi kaa shiran oo ma iman karto”.

Markii farriintii loo sheegay ayey intay dhaqaaqday tiri, “Daruur Eebbe ka badan Yaxaasoow waaba haddaan IL-Webi imaado”macnaha igu gaad Webiga”

Laga billaabo xilligaas waxaa la yiraahdaa Yaxaasku Carrab ma laha, oo wixii uu cunayo ma ruugo oo wuu liqaa.