XIRIIRKA TAARIIKHEED EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

XIRIIRKA TAARIIKHEED EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

93
0
SHARE

Xiriirka Taariikheed ee Turkiga iyo Soomaaliya waa mid fac-weyn oo ka soo billowday xilligii Dowladdii Cusmaaniyiinta ee xarunteedu ahayd magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Asaaskii Dowladda Cusmaaniyiinta Suldaankii ugu horreeyay wuxuu ahaa, Cusmaan Ibnu Arduqan oo dhashay 1258-kii, Milaadiyah, xilkana loo doortay  1453-kii, markii Aabbihii dhintay, taasina waxaa loo qeybin karaa laba qeybood:-

  • Xilligii horumarka iyo awoodda milliteri, taasoo gaarsiisneyd Sannadkii 1566-kii.
  • Xilli Dowladdaasi soo martay oo ahayd xilliyo adag iyo dhibaato siyaasadeed, taasoo gaarsiisneyd ilaa sannadkii 1683-kii.

1-Xilligii Horumarka iyo Awoodda (1453——-1566-kii)

Dowladdii Cusmaaniyiinta, waxay noqotay Dowlad aad u xoog weyn oo Adduunka ka xukunta dhul baaxad weyn, dhinaca Waqooyi waxay gaartay Magaalada Vienna Caasimadda Waddanka Austria, Barina waxay gaartay xadka Dalka Shiinaha, Koonfurna Soomaaliya ilaa Sansibaar, Galbeedkana Waddamada Masar, Suudaan ilaa Dalka Maroko.

Badda Cad ilaa Badda Dhexe, waxay ahayd goob ay ka taliyaan Ciidammada Badda ee Dowladdii Cusmaaniyiinta.

Awooddaa baaxadda weyn, waxay Dowladdii Cusmaaniyiinta ku dhiiri gelisay inay caddeyso inay dhammaan Muslimiinta ku nool Adduunka in iyadu mas’uul ka tahay, xataa hadday ku hoos nool yihiin xukun aan Islaam ahayn, sida waddanka Ruushka oo ay ku hoos noolaayeen Dad aad u tiro badan sida dhulka Crimea, oo hadda ka tirsan Waddanka Ukraine.

Heshiis ay kala saxiixdeen Boqortooyadii Ruushka iyo Dowladdii Cusmaaniyiinta 1188-kii ee Hijriyada, kuna beegnaa 1774-kii, Taariikhda Milaadiyada, waxaa uu dhigayay inay xaq u leedahay Dowladda Cusmaaniyaddu inay mas’uul ka tahay Dadka Muslimiinta ah eek u dhaqan Dhulka hoos yimaada  Boqortooyada Ruushka, taasoo kuu muujineysa awooddii ay lahayd Dowladda Cusmaaniyiinta iyo sida looga baqi jiray.

Hase yeeshee dhammaadkii Qarnigii 19-aad, ayaa waxaa soo shaac baxay awood darrada ku soo billaabatay Dowladdii Cusmaaniyiinta, iyadoo dhul badan, oo ay ka talin jirtay ee Reer Yurub dib u qabsadeen, gaar ahaan Bartamaha iyo Bariga Qaaradda Yurub.

Sannadkii 1326-kii, Hijriyada kuna beeganaa1908-kii, Milaadiyada, wuxuu ahaa sannadkii reer Yurub ay dhulka ugu baaxadda weyn ay ka qabsadeen dowladdii Cusmaaniyiinta, ka dib markii awooddii ay lahayd Dowladda Dhulka sii gashay.

Sannadkaasi, wuxuu ahaa mid isbeddel weyn uu ku dhacay Dowladdii Cusmaaniyiinta, markii uu Suldaankii la oran jiray Suldaan Cabdi-xamiid uu ku dhawaaqay inay Muslimiinta dunnida midoobaan markuu arkay khatarta ku soo fool leh Dowladdii baaxadda weyneyd oo ay isu soo baheysteen Dowladihii reer Galbeedka, wuxuu ahaa xilligaasi kii ugu dhibaato badnaa ee soo mara dowladdii Cusmaaniyiinta tan iyo markii la asaasay 500 sano ka hor waqtigaa.

Sannadkii 1293 Taariikhda Hijriyada ayuu Suldaan Cabdi-xamiid oo Suldaankii xilligaas, sameeyay Dastuur aad u fur-furan oo lagu dhaqayo dowladda Cusmaaniyiinta, wuxuuna ahaa xilli ay dhaq-dhaqaaqyo xooggani ay ka jireen waddanka Bulgaariya hadda loo yaqaan ay u banneeyeen Dad Kiristaan ah, kuwaasoo ay dabada ka soo riixayeen reer Galbeedka.

Suldaan Cabdi-xamiid, wuxuu xilligaas ku guuleystay inuu Dowladdiisa ku soo daro Waddama Serbiya iyo Montanegro oo ah labo waddan oo ku yaalla b.

bartamaha Qaaradda Yurub.

Arrimahaasi, waxay keeneen inay caroodaan Dowladihii reer Galbeedka iyo Boqortooyadii Ruushka, waxayna Dagaal qaraar ku soo qaadeen Dowladdii Cusmaaniyiinta.

Suldaan Cabdixamiid, si uu xaaladda Cakirn ee soo food saartay ugu hortago, wuxuu dalka ku soo rogay xaalad deg-deg ah, wuxuuna laalay oo joojiyay Dastuurkii waddanka lagu dhaqayay, wuxuuna kala diray Golahii Baarlamaanka awooddii oo dhan, wuxuu isugu keenay gacantiisa.

Isgaashaan buureysiga dowladda reer galbeedka iyo Ruushka dartii waxay ku qasabtay dowladdii cusmaaniyiintu inay Iyana garab ka dhex raadiso dowladdhiii xilligaasi jiray, waxayna xiriri dhow la yiilatay dowladda Jarmalka oo  xilligaa ahayd Boqortooyo xoog leh.

Xilliga waxaa dowladda  ciriiri geliyay goobo badan , ka dib markii Masar Ingriiska qabsaday, faransiiskuna qabsaday Tuniisiya, isla maraana kacdoon ay ka dhaceen dhulalka Armeeniya iyo Jasiiradda Grite oo hoos imaneysay.

Arrimahaas oo dhan waxay keeneen in labada dowladood ee Jarmalka iyo Cusmaaniyiinta ay yeesheen xiriir dhaw, waxaana Jarmalka la siiyay Qandaraasyo ay ka mid ahaayeen sameynta wadda tareen ee isku xirta Baqdaad iyo Istanbuul iyo wadda tareen  ee kale  oo isku xirta Istanbuul iyo Maka.

Suldaan Cabdixamiid, wuxuu kaloo sameyay arrimo badan. Oo horumar ah sidaa Jaamacad isgaasiin casri ah, ciidanka uu dib u habeeyay, hase yeeshee, arrimahaasi oo dhammi shacabka kama jeedin awoodddii uu gacantiisa ku soo uruuriyay iyo golohii shacabka ama muddo gaareysa 40 sano.

Waxyaabaha kele indhaha reer galbeedka aad ugu lsoo jeediyay Cabdixamiid, waxaa ugu weynaa isagoo  dhisay sirdoon aad u awood badan oo fashilin jiray had iyo jeer qorsheyaasha ay damacsan yihiin reer galbeedka.

Dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee soo dedejiyay burburkii Dowladdii Cusmaaniyiinta iyo Xukunkii Suldaan Cabdixamiid, waxaa ugu weynaa, iyadoo mucaaradkii ka soo horjeeday xukunka Suldaan Cabdixamiid aad u burburinayeen guul drrooyin badan oo ay la kulantay,, dowladdii Cismaaniyiinta, wuxuuna kacdoonkii ugu horreeyay bannaanka u soo baxay sannadkii 1326-Hijriyada Islaamka, kuna beegnaa 1908-Taariikhda Milaadiyada.

Ka dib, waxaa abuurmay ururro isbeddel doon ah, oo la soo baxay magac cusub, iyagoo muujinayay qowmiyadda Turkiga, waxaana ka mid ahaa, Ururka Turkida Cusub iyo Urur kale oo la baxay midnimo iyo horumar, dhammaan rag wata afkaar reer galbeed ah.

Sannadkaa waxaa dowladdii Cusmaaniyiinta laga qabsaday dhul baaxad wey oo ay ka talin jirtay.

Dhinaca kale, waxaa iyagoo gadooday dhaq-dhaqaaqyo badan oo taageersanaa Suldaan Cabdixamiid oo ka soo horjeeday ururrada wata aragtida cusub eek a soo jeedda dhinaca reer Galbeedka, oo iyagu u badnaa askar iyo rag kale oo tababar soo qaatay, waxayna had iyo jeer ka faa’iideysan jireen dhibaatooyinkii markaasi jiry ee ciidammada la soo gudboonaanayay sannadkii 1327-Hijriya oo ku began 1909-Miilaadiya, wuxuu ahaa sannadkii wax walba faraha ka baxeen, kadib markii ciidammo uu hoggaaminayay Nin lagu magaaco Jeneraal Maxamed Showkat Baashe, ay soo galeen Magaalada Istanbuul, isaga oo ay garab siinayaan xoogaggii ka soo horjeeday Suldaan Cabdixamiid, Isla xilligaas ayaana la casilay Suldaan Cabdixamiid.

waxaa xukunkii qabtay Walaalkii oo lagu magaacabi jiray Suldaan Maxamedkii Lixaad, wuxuuna ku soo beegmay Suldaanku xilligii ugu xumaa ee soo marta Dowladdii Cusmaaniyiinta

Dagaalkii kowaad ee Adduunka wuxuu dhammaaday 1919, iyadoo ay la soo gudboonaadeen dowladdii Cusmaaniyiinta guul darrooyin waa-weyn oo dhalisay in dhammaan dhulalkii Yurub iyo Bariga dhexeba lagala wareegay oo istanbuul oo Caasimadda Dowladda ahaydna Iyana la qabsaday.

Waxaa kaloo gacantooda ka baxay dhammaan Badihii ay ka talin jirtay, Greece waxay qabsadeen dhul ballaaran oo ay ku jirto magaalada Azmiir, waxaa kale oo reer yurub gacanta ku dhigeen maamulkii waddanka gebi ahaantiisaba.

Dhacdooyinkaas iyo Guuldarooyinkaa ku habsaday Dowladdii Xoogga weyneyd, waxaa ka faa’iideystay xoogaggii mucaaradka ahaa, waxaana aad kor ugu kacay dhaq-dhaqaaqii uu hoggaaminayay Ninka lagu magacaabo Mustafa Kaamil (Ata-Turke), wuxuuna ku guuleystay inuu ka faa’iideysto dhacdooyinkii la soo dersay dowladdii awoodda badneyd ee Adduunka daafahiisa gaartay, ka dib markii ay isu beddeshay dowlad awood daran oo dhulkeedii la qabsaday, ciidammo shisheeyana dhulkeedu ku sugan yihiin.

Mustafa Kaamil, oo xilligaa awood badan lahaa, wuxuu ku guuleystay inuu gebi ahaanba meesha ka saaro Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, xilka ama jagada Suldaanka la baabi’iyo sannadkii 1341-Hijriyada kuna began 1923-Miilaadiyada.

Isla Sannadkii 1923-kii, Miilaadiyada shir lagu qabtay Magaalada Lausanne e waddamada Swetzarland, ay isugu yimaadeen dowladihii ku guuleystay Dagaalkii Kowaad (1914————1919-kii,) iyo Turkiga, waxaa lagu qeexay xudduudaha ay yeelan doonto Dowladda Dhaxashay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, Xuduudahaas oo ah tan maanta ya leedahay dowladda Turiga.

Isla heshiiskaas, waxaa turkiga ka tanasulaly dhammaan dhulkii laga qabsaday, waxaana laga qaaday cunaqabateyntii iyo maamulkii laga maamulayay reer galbeedka, waxay Iyana ka hareen dooddii ahayd in shacabka kudidu la siiyo xukun hoosaad.

Jeneraal Mustafa Kaamil,  wuxuu u soo jeestay sidii uu u dhisi lahaa Dowlad Cilmaani ah, oo lagu maamulo afkaar ka duwan tii dowladdii Cusmaaniyiinta, wuxuuna qowmiyadda Turkida dhexdooda ka noqday Nin halyeey ah, ayna ugu magic dareen Aabihii Turkiga (Ata-Turke) wuxuuna aad u dhiiri geliyay Turkinimada.

Mustafa Kaamil (Ata-Turke) wuxuu billowgii xukunkiisa la kulmay dhaq-dhaqaaqyo doonaya dimoqoraadiyad iyo Xorriyatul-qowl hase yeeshee, gacan bir ah ayuu ku qabtay dhammaan wixii xukunkiisa ka hor yimaada.

Mustafa Kaamil (Ata-Turke) wuxuu meesha ka saaray oo tir-tiray dhammaan astaamihii lagu yaqaannay Dowladdii Cusmaaniyiintii, wuxuuna Fartii Carbiga ahayd wuxuu ku beddelay mid Laatiin ah, ilaa uu gaarsiiyay Turkigu heer marka ay addimayaan Salaadda Af-Turki lagu Addimo, Dumarkiina Xijaabka laga qaaday.

Turkigu, wuxuu isu beddelay xiriir dhow la leh dowladihii reer galbeedka, waxayna ku biirtay Gaashaan-buurta  NATO, waxayna noqotay dowlad ku kooban qowmiyadda Turkida oo keliya, waxayna jartay dhammaan xiriiradii ay la laheyd dadyowga Muslimiinta ah ee dunnida ku nool.

Hase yeeshee, Dowladda Turkidu muddooyinkii ugu dambeeyay waxay soo celisay, xoojisay, xiririr dhowna la yeelatay Dunnida Muslimka. Waxaana arrintaas suura geliyay xisbiga haatan talada dalka haya oo xilka qabtay 2002-kii, oo ah xisbi xambaarsan Afkaar Islaami ah, isla markaana aad u danaynaya inuu dadka muslimiinta xiriirkooda xoojiyo, waxay hadda aad u daneyneysaa arrimaha  dunnida Muslimiinta sida loo mideyn lahaa, loona xaqiijin lahaa xiriirkooda dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha Bulshada iyo Gaashaandhiggoodaba, waayo taasi waxaa ka soo horjeeda, kana horjeedi jiray reer Galbeedka, oo maskax iyo maaliyad ku bixiya.

Dawladda Turkigu, waxay xiriirkii taariikheed ee ay la lahayd Soomaaliya dib usoo looleysay 2010-kii, waxaana booqasho Taariikhi ah ku yimid Soomaaliya 2011-kii, Madaxweyne Rajab Dhayib Ordugan, oo markaa ahaa Ra’iisul Wasaare, iyadoo markaasi Soomaaliya ka jirtay Abaar iyo Macluul, isagoo sida  gar-gaar ballaaran oo ummadda Soomaaliyeed ku diirsatay.

Turkiga markaa ka dib, wuxuu Soomaaliya ka billaabay Mashaariic horumarineed, oo ay ka mid yihiin:-

  • Dhismaha Isbitaalkii ex Dikfeer.
  • Garoonkii Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho
  • Dayactirka Dekadda Caalamiga ah ee Muqdisho
  • Dhismaha Akadeemiyada weyn ee Tababarrada Ciidammada ee Jasiira
  • Waddada laamiga ah ee isku xirta Garoonka Diyaaradaha ilaa Km-4
  • Waddada Maka-Mukarrama ilaa Baar fiyaad iyo kale.

Qoraa: Maxamed Isaaq Mursal.

 

 

`