Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka shiraya Sharciga doorashooyinka qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka shiraya Sharciga doorashooyinka qaranka

78
0
SHARE

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in markale ay ka doodaan hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka iyo ajandayaal kale.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa kulankii shalay fikradahooda ka dhiibtay akhrinta 2aad ee hIndise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka oo maalmahan ay mudanayaasha si adag uga doodayeen Xildhibaanada.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa Xildhibaannada u sheegay in Golaha uu maalin walba uu shaqayn doono ilaa iyo inta laga ansixinayo sharci doorasho oo uu dalkan yeesho