Kun Aguero ayaa noqday xiddiga ugu gooldhalinta badan xiddigaha aan u...

Kun Aguero ayaa noqday xiddiga ugu gooldhalinta badan xiddigaha aan u dhalan xulka Egland ee premier league soo maray.

155
0
SHARE

Ciyaaryahanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda kubadda cagta Manchester city Sergio Kun Aguero, ayaa noqday xiddiga ugu gooldhalinta badan ciyaaryahaanada ka ciyaara horyaalka dalka ingiriiska ee aanan u dhalan ingiriiska.

Agüero ayaa kooxda kubadda cagta Manchester city ku soo biiray sanadkii 2011, kaasoo kaga soo dhaqaaqay naadiga Atletico Madrid. Xiddigaan ayaa intii uu ku sugnaa Manchester city waxa uu ciyaaray 360 kulan, halka uu dhaliyay 252 gool. Horyaalka dalka ingiriiska ayuu ciyaaray 256 kulan halka uu ka dhaliyay 179 gool. Waana tirada ugu badan ee uu ka dhaliyay ciyaaryahaan aanan u dhalan horyaalka dalka ingiriiska.

Sergio Kun Agüero ayaa ah xiddiga ugu badan ee dhaliyey goolasha loo yaqaano saddexleyda (Hatrick) ee horyaalka ingiriiska, waxa uuna haysta 12 hatrick. Xiddigaan ayaa noqday kii ugu sameynta badnaa xaga gooldhalinta kooxda kubadda cagta Manchester city.

Ciyaaryahankan ayaa sameyn weyn ku lahaa hanashadii Koobab ay ka mid yihiin Premier league, kaasoo kula guuleystay kooxda Manchester city. Sidoo kale waxa uu xubin muhiim ah ka yahay xulka qaranka Argentina. Asigoona ka garab ciyaara ciyaaryahanka reer Argentina iyo kooxda kubadda cagta Barcelona leonel messi.

31jirkaan reer Argentina ayaa raja ka qaba inuu baaqi ku sii ahaado kooxda Manchester city.

W/Q: Xuseen Xasan Rooble Shadoor