Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland oo Shaciyay xilligga la tooganaayo raggii dilay Caa’isho...

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland oo Shaciyay xilligga la tooganaayo raggii dilay Caa’isho Ilyaas.

80
0
SHARE

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa  shaaciyay waqtiga la fulin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha maamulkaasi ay ku rideen saddexdii nin ee ku eedaysna kufsigii  iyo dilka loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Xeer-ilaaliyaha guud oo u waramayey warbaahinta ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sanadkaan,gaar ahaan saacadda  marka ay tahay 8:00 subaxnimo,iyadoo  goobta lagu fulin doonano ay noqon doonto magaalada Bosaaso.

Raggan Saddexda ah oo lagu kala Magacaabo C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019-kii  Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku riddey xukun dil ah,iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.