Xalku waa Gudniinka Fircooniga Oo La Joojiyo!!!

Xalku waa Gudniinka Fircooniga Oo La Joojiyo!!!

410
0
SHARE

Haddii Soomaali kasta la weydiin lahaa sababta ay dhibaatada, Colaadaha, Dagaallada, Cudurka, iyo Abaaraha weligood uga jireen oo dalkoodu u dagi waayey, waxaan shaki ku jirin amaba laga yaabaa in uu qof kastaa meel jawaabta la aadi lahaa.

Fiiri, wadaaddada qaar waxay dhihi lahaayeen diintii Alle ayay Soomaalida badankoodu ka fogaadeen  sidaas ayay nabad gelyo la’aanta, faqriga iyo caqli xumidu ugu habsadeen.

Dhanka kale, Su’aashaas waxay ka hor imanaysaa in Soomaalida badankoodu ay tukadaan, Soomaan, oo sakadana ay bixiyaan intooda wax haysata marka laga reebo mid sagsaag ah, oo wax iskuma fale ah ma ahee,

Haddii arrinta iyo miizaanka dhabta ah uu sidaas yahay bal eeg ummadda Jabbaaneeska malaha qof muslim ah oo Alle u hoggaansan oo tukada ama Sooma waxayna haystaan Nabadgalyo iyo dhaqaale fiican.

Haddii diinta islaamka oo laga fogaado colaad, gaajo iyo caaqnimo laga dhaxlayo malahayga wuxuu dalka adduunka ugu faqrisan oo ugu aqoon liita ahaan lahaa dalka Jarmalka, isla markaas la iskuma hayo in ay labada dal oo ugu Liita uguna dhaqaale iyo horumar fiican ay ahaan lahaayeen Afganistaan iyo Soomaaliya, waayo waa labo ummadood oo diinta Alle aad u jecel.

Sidaas darteed, qofkii colaadda iyo rafaadka Soomaaliya iyo Afgaanistaan yaala u nisbeeya, sababna uga dhiga diinta oo laga fogaaday runtii afkiisa ayaa daloola ee maskaxdiisu ma daloosho.

Sidoo kale, Jawaabtaas midda ku xigta waxaa lala shir-imaan lahaa dad badan, oo ku andacoon lahaa sababta dhibtada Soomaaliya baday ay tahay Madaxweynihii ugu danbeeyey Marxuum: Maxame Siyaad Barre.

Jawaabtaani sidii tii hore iska hadal ma aha, waxaase laga yaabaa in aysan run buuxda oo dhamays tiran ahayn, hase yeeshee baaritaan ayay u baahan tahay.

Waxaa suurtagal ah in 50% in ka badan wax ka jiraan jawaabtaan, laakiin waxaa aad u adag in la helo dad bilow ilaa dhammaad si run ah oo aan eexasho lahayn u soo bandhigi kara in uu cudurku ninkaas ka yimid.

Doodaha iman kara amaba taagan waxaa ka mid ah in la yiraahdo Itoobiya ayaa Soomaaliya sidaas u gashay, waxaase laga yaabaa in qofka sidaas u doodayaa uusan Soomaaliya iyo Itoobiya midna maskaxda ku hayn ee uu maqlay Siyaasiga beeshiisa ah baa xariir kala dhaxayn Itoobiya mana laha hadaf sax ah oo uu dooddiisa ku saleeyo kaliya wax uu wax u nacaa sida siyaasiga ay isku beesha yihiin uu wax u naco taasna ma ahan caqli toosan.

Haddaba nacayb shaqsi gaar ah oo lagu ximanayo dal dhan oo aan waxba noo gaysan, cadayna aan loo hayn wax ka soo qaad malahan markii dhibaato taagan si cilmiyaysan looga doodayo.

marka hadalka la soo koobo wax wayn baa ka jira in ay dhibaatada Soomaaliya dalal shisheeye weligood lug ku lahaayeen, waxaanse kala caddayn inta ay la’eg yihiin dhibaatooyinka ay Itoobiya noo gaysatay iyo dibindaabyooyinka uu kuwa khamiisyada cadcad qaata ee laabahooda xiqdiga iyo xaasidnimada nooga buuxdo, iyo kuwa reer galbeedka ah oo sama falkooda ka badan tahay lugooyadooda.

Soomali kasta wuu ogyahay in lacago iyo waxyaalo kale muddo dheer lagu qubayay, Beelo iyo shaqsiyaad gaar ah Itoobiyana waa dalka xudduudda ugu dheer Soomaaliya la leh, oo dano waa wayn bay naga gurubsan kartaa, laakiin in ay beel kastaa dalkii ay lacag iyo hub ka qaadato ma aha in ay noo amaanto ama in aan  dabakadlayno nagu qasabto xoog iyo xeeladba dalkii kale oo ay wax ka waysana gaar u caydaa ma aha dood adag oo loo cuskan karo dhibaatooyinka Soomaaliya.

Arrimahaas aynu sheegnay iyo kuwo kale oo aad u badan ayay ku doodaan dadka badankoodu. Haddaba mowduucyadaan iyo kuwa la midka ah aad ayay u xiiso beeleen, lagumana kala garqaato, laakiin waxaa jira meelo kale oo ay u leexdaan dadka falsafadda aadka u yaqaan. Meelahaasi waa kuwo uusan qofka caadiga ah oo caamiga ah filan karin in loo aaneeyo dhibaatada Soomaaliya, laakiin waa mowduucyo ka xiiso badan kuwa ay dadka qaar isku eedeeyaan ama ay isku caayaan sida Sacuudiga ayaa ka mas’uul ah dhibaatada soomaaliya qaarna ay yiraahdaan masar ayaa dhibka na haysta ka mas’uul ah iyo qaar kaloo yiraahda Kiinya iyo etoobiya dhibka na haysta ugu wacan

Dad badan oo Falsafad yaqaan ah baa waxay aragtiyahooda u dhiibteen si ka macaan, sidaas aan kor ku soo sheegay kana soo jiidasho wayn in lagu daalo Itoobiya iyo Masar, ama uu qabiil kastaa midka kale eed dhabarka u saaro, oo la isku danbaabo.

Waxaa laga yaabaa in uu akhristahaygu la yaabo ama uu argagaxo haddii uu qof fiilasoof ah sheego in ay dhibaatada dalkeenna rafaadisay ka timid gudniinka gabdhaha! ee loo yaqaan Fircooniga waxaa la yiri”Haddii  laabtu meel jirto indhuhu waxba ma arkaan” waa maahmaah loo daliishan karo in ay laabta shacabku dagaal iyo qabyaalad la ciirciirayso oo uusan falsafad boos uga bannaanayn, taasina waxay keeni kartaa in fiilasoofkaas dhibaatada na haysata uu noo sheegayo aynu ka jecel nahay nin af-xaar ah oo idaacad been ka sheegaya. Haddaba arrintaas ah in gudniinka dumarku uu dhibaatooyinka na xanuujiyey ay noo soo jiiday ayuu nin fiilasoof ah ku nuuxnuuxsaday, wuxuuna sheegay in gudniinka gabdhuhu uu qayb-libaax ka qaatay dhibaatada Min BUJ ilaa iyo NUJ ku habsatay.si kale haddii aan u iraahdo Min raaskaanbooni Ilaa raascasayr.

Fiilasoofku, sida wadaaddada diinla’aanta cuskaday iyo beelaha Itoobiya iyo Masar caaya, iskama uu hadlin ee wuxuu miiska soo saaray daliilo caddaynaya in uu gudniinka gabdhuhu sababay in ay heshiin waayaan beelaha Soomaaliya, oo ay dadka hubka ka dhigi waayeen.

Hadalkii fiilasoofka oo kooban ayaan sidiisii u soo guurinayaa, waxaana fiilasoofka magaciisa la yiraahdaa Dr: Cismaan Faarax Caqiil , oo yiri:

“Degganaanshaha bulshada waxaa saldhig wayn u ah dumarka, waxayna gabdhaha soomaaliyeed yaraantooda ka walwalaan in uu gudniin xanuun badani sugayo, oo habeenkii si fiican uma ay seexdaan. Arrintaasi waxay hor istaagtaa in ay koraan qaybo badan oo maskaxda gabdhaha ka mid ah, waxayna hanaqaadaan ayaga oo qalbila’. Markii la gudo waxay waayaan dareenkii dadnimada oo waxay noqdaan sidii lab xaniinyihii laga bixiyey. Weli ma aynu arag rag la dhufaanay, laakiin xoolaha markii la xaniinyo bixiyo waxay waayaan awood badan oo ay lahaayeen markii ay Qoorka ahaayeen. awoodahaas waxaa ka mid ah in uu jirkoodu dhaddig oo kale noqdo. Sidaas darteed dhaddiga laftiisa haddii sida soomaalida loo gudo, oo naagnimada laga jaro, wuxuu jirkoodu u dhawaanayaa jirka labka, oo dhaddignimadii baa ka guuraysa. Xagga muuqaalka iyo xagga dareenkaba dumarka naagnimadii laga gooyey waxaa dhimanaysa naagnimadoodii. Isla markaas waxay u fakarayaan sida raggii oo waa dad sirgaxan, oo markii la guursado aan dabacsanayn oo kakan. Haddii lala hadlo waxay u jawaabayaan sida nin oo kale, haddii la taabtana wax ay dareemayaan lama arko. Maskaxda iyo jirkaba waxay dhibaato wayn kaga dhacday subixii naagnimada laga Xaaqay, oo waa ay dhufaanan yihiin!

Sideedana Raggu waxay u baahan yihiin sheeko dumar, oo dumarnimadii gabdhaha soomaalida waa laga qaaday, oo sheeko xiiso uma ay hayaan! Waxay nimanku u baahan yihiin raaxo oo weligiis qof dumar ah oo dhamaystiran raggeennu lama ay kulmin! Sidaas awgeed ayay labadii soomaali ah oo isguursadaa weligood ku hamiyaan in ay wiilal kaliya dhalaan, maxaa yeelay wax kale kama ay dhexeeyaan. Wiilashii la dhalay oo malaayiinta ahaa markii ay naago u raaxeeya waayeen bay xanaaqeen, waxayna bilaabeen dagaal aan weligiis dhammaanayn. Ilaa ay helaan ama loo wada guuriyo dumar aan gudnayn oo u sheekeeya, una raaxeeya dagaalku waa uu sii xoogoobayaa.

 

 

 

Somalidu waa dad qalbigoda ka buuxdo qabyaalad baah san iyo nin jecleysi waa sababta ay ugu bixi la yihiin dhibatoyink. Cuqubo ka weyn majirto heyb soocida alle na raali kama ahan faquuqa iyo takoorida ilahy karaamo ayuu u wada yeelay adoomihiisa cidna kalama uu fadilkin ilaa adoon la yimid cibaado ka badan kan kale wuxu fashy, ilaahay wuxu yiri war hooy ibni adanow waxan qabaisha idinkugu sameyay wexe tahy si ad isku kala garatan . diintena wa ay xarimtay heybsocida.

Qabyaaladu waa xanuun daran oo ummdana dabar gooyo hormar la taaban karana gari meyno ilaa laga baxo qabyaalad .

Dal umadiisa ayaa dhista hadii somali ay qolo qolo ku jirto goorma aduunka hormary gareyna wa su asha u bahan in la is weydiiyo?

ilaa laga helo somali oo midda dhadhamin meyno macaanka & miraha nabad , xasilooni

iskama qabtan soomalida kooda sunta ah oo nabad diidka  wey usacba tumaan xumaanta waana dad an is leeyahy ma maskax ahaan bey uxanunsan yihiin sababto ah way garan la’yihiin.

W/Q: C/risaaq Axmed Absuge