Wehelka lamaanuhu waa u mihiim

Wehelka lamaanuhu waa u mihiim

120
0
SHARE

Tan iyo intii Allaah Swt, uu abuuray Nebi Aadan Csw “Abul Bashar” ayaa la ogaaday in ruux keliya oo bashar ah uusan awoodin in uu noolaado keligii, oo uu u baahan yahay wheel lamaanehiisa, sida Allaah Swt, ku caddeeyay Quraankiisa kariimka ah,

Allaah Swt, baa nasahane waa kan ka abuuray dhiddig oo idil waxaa ka soo baxay dhulka, nafsaddooda iyo waxaan dadka aqoon.

Sidaasi darteed, waxaa ku nool koonkani ama dunnidani waxa uu leeyahay lammaane, shimbirba shimbirkiisuu la duulaa.

Arkimeysid inay isku qaldamaan bal u fiiro shimbiraha hawada duula waxaa isla duula inta isku ceynka ah oo isla jira goor iyo ayaanba.

Waa xikmo Alle jinsiba inta la jinsiga ah uu jaal la yahay oo uu u hamuun qabo.

Wehelku lamaanuhu waa u mihiim marka aad u fiirsato nolosha macaankeeda iyo degenaashaheed.

Haddaba, guurku waa sunno, waa mid lagu tarmo loogana fogaado xumaha iyo faaxishada.

Waxaa wanaagsan labada is calmata in ay ka fikiraan aayaha ubadkooda oo ay ka fogaadaan wax kasta oo u keeni kara cuqdad, isku dhac qaab darro iyo kala tag.

Waa in labada isguursatay ee caruuri ka dhaxeyso ay muujiyaan kalgaceyl iyo kalsooni.

Ogoow, guurku in uusan ahayn mid daneysi ah balse uu yahay mid aadanahu ku xasilo, kana kasbado mas’uuliyad iyo mustaqbal.

 

Labada ruux ee isku dhaxda waa inay ku noolaadaan nolol wada jir kalgaceyl ku qotonta, ayagoo si wacan u barbaariya ubadka ay isu dhaleen markastana la socda heerka waxbarashooda iyo hiwaayadda caruuraha waa in la tusaa ciyaalka yar yari loona muujiyaa kalgaceyl iyo taageero barbarian wacan leh.

Guurku, waa mid aan laga maarmin mana haboona in aad keli aad u noolaato taasi haddii aad qabantinto aad ku iloobi doonto inaad guursato mustaqbalka.

Waxaa lagu kala duwan yahay habka guurka, qof muslimka ayaa qarashka guurka iyo biilkaba bixiya, balse maraad u fiirsato dhaqaan pakistaan iyo hindiya yaradda iyo qarashka guurka waxaa bixiya reerka gabadha waana mid ka fog habka diinta islaamka.

Sacuudiga ayaa raggu bixiyaa 500,000 riyaal taasoo ah kharaj aad u badan aysan awoodin.

Waxaa habboon guud ahaan dunnida muslimka in aan guurka lagu xirin sharuud adag iyo kharash badan, taasoo ka fog sunnadii Nebiga Csw, oo ahayd in muhiimmadda la saaro meherka gabadha oo keliya.

Soomaalida ayaa haatan garatay habka guurka wacan inkastoo qaarkood weli ay ku daabacan tahay habkii beri samaadka xaflado aan macno lahayn la dhigo iyo rasaas hawada loo rido taasoo dadbadan ay ka naxaan.

Ogoow, ood jiidid iyo qaadis waa isla guri geyn.

Haddaba, waa in sidi xilligii Nabigeenna Maxamed Scw loo soo noqdaa.

Halaga saaro meesha gorgortanka, sharuur, waa in keliya meherka gabadha xilweyn leyska saaro.

Labada iscalmatana garab lagu siiyo guurkooda si uu u noqdo mid lagu nasto laguna negaado.

Aloow nagaran sii.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali {Fanax}