Weerarrada dhanka Cirka oo dhabarjab ku noqday Argagixisada Al-shabaab.

Weerarrada dhanka Cirka oo dhabarjab ku noqday Argagixisada Al-shabaab.

355
0
SHARE

Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ayaa bilaabay inay ku sugnaan waayaan Saldhigyada ay ku leeyihiin qaar ka mid ah deegaannada ay ku sugan yihiin, taasina waxay ka dambeysay ka dib markii Duqeymo isku xig-xiga lagula beegsaday goobo badan oo ka tirsan Gobollada Dalka iyo waliba weerarro dhulka ah, Wararkii ugu dambeeyay ee kala cararkooda ayaa waxa naga soo gaaraya Deegaanno ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al-shabaab ay isaga carareen goobahaasi, kadib Diyaarado Joog hoose ku socda oo Howgalo ka fulinaya deegaannadaasi.

Dadka Deegaanku waxay sheegayaan in Deegaannada Ceel-garas, Xamur, Ceel-lahelay, Wamooley iyo Ceel-qooxle oo Dhanka Koofur-bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb, Dadka Deegaanka ayaa diyaarado jooga hoose ku socda arkayeen, iyaga oo ay u muuqdaan Ciidamada saaran waxayna Mararka qaar ku soo dhowaanayeen Dhulka, waxaana lagu soo waramayaa in Maleeshiyaadka Al-shabaab oo deeganaadaasi ku dhuumaaleysanayay ay isaga baxeen, iyagoo ka cabsi qaba inay duqeeyaan diyaaradaha ay leeyihiin Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya oo qeybta ka ah Howlgalada lagu dabar jarayo Argagaxisada banneysatay dhiigga Shacabka.

Dadka Rayidka ah ayaa sheegaya in baqdinta Al shabaab ay gaartay inay ku amraan Shacabka in aysan u soo dhawaan Saldhigyada ay kaga sugnaayeen deegaannadaasi, iyagoona hore Bulshada kaga mamnuucay Isticmaalka Taleefoonnada Smartphones-ka ah, arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan Diyaaradaha Dagaalka Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay Duqeymo ku laayeen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab oo ku sugnaa deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug, waxayna billaabeen Nabad diidka inay ka baxaan Tuulooyinka Shacabku ku badan yihiin, kuwaasoo Howdka ku cararaya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa shalay sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay meelo badan oo Dalka ka mid ah ka saareen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab, isagoona xusay in Ciidamo badan Tababarro loo soo gaba-gabeeyay isla markaana la qalabeeyay ayna diyaar u yihiin inay Dalka ka xureeyaan Argagaxisada nooc walba ay leedahay.

Dhinaca kale, Ciidamada la magac baxay Macawiisleyda oo iskood isku abaabulay inay la dagaallamaan Argagaxisada ayaa Weerar ku qaaday Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab oo ku sugnaa deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha dhexe, Muxudiin Nuur oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Ciidamada Macawiisleyda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Maleeshiyada Al shabaab ka dileen 10-Dhagar qabe oo ay ku jiraan Horjoogihii Al shabaab ee Deegaanka Guulane iyo Horjoogihii u qaabilsanaa Boobka iyo Dhaca Shacabka oo ay ugu yeeraan Madaxa Canshuraha.

“Annagoo Soddon ka badneyn ayaan weerar ku qaadnay deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, dagaal culus ayaan la galnay Argagaxisada, Maleshiyaad badan ayay u wacdeen, laakiin waan jabinay waxaan ka dilnay 10 Dhagar qabe oo ay ku jireen Labo Horjooge oo mid ka mid ah uu ahaa Horjoogihii deegaanka halka kan kale uu Canshuurta u qaabilsanaa Maleeshiyada”.ayuu yiri Muxudiin Nuur.

Muxudiin ayaa sheegay in Abaabulka dagaalkan ay sababtay ka dib markii Al shabaab ay dadka Rayidka ah ka barakiciyeen deegaannkaasi isla markaana ay burburiyeen Goobihii lagu baranayay Diinta Islaamka, Dhac iyo Dil ay u geysteen Shacabka Xoolo dhaqatada ah, iyagoo sidoo kale isku dayay inay xoog kaga qaataan caruurtooda oo ay doonayaan inay u adeegsadaan daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa fahmay Dhagarta Aragagaxisada Al shabaab, iyadoo deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe ay dadka deegaanka ka dhiidhiyeen Falalka guracan ee Nabad diidka iyagoona balan qaaday inta qof ka nool yahay inay la dagaallamayaan Dhagar qabayaasha Al shabaab, arrimahaan oo dhan ayaa ku kalifaya Kooxaha argagaixisada ah in ay si wacan u ladi waayaan, islamarkaana uu Rucbi Alle ku riday iyo argagax iyo waliba kala firdhad.