Wasiir Beyle oo ka qeyb galay shirka wada tashiga Guddiga maaliyadda Aqalka...

Wasiir Beyle oo ka qeyb galay shirka wada tashiga Guddiga maaliyadda Aqalka sare ee ka socda Garoowe

67
0
SHARE

Garoowe- Shirkii wada tashiga Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Aqalka Sare iyo Dowlad Gobolleedyada  uga socday Magaalada Garoowe oo galay Maalintii 5-aad ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Muhiimadda kulankan ayaa ah in si wadajir ah looga tashto, go’aan mideysanna laga qaato sharciyada maaliyadda Dalka.

Qorshaha maaliyadda Dalka ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo ay Beesha Caalamka iyo hay’adda Lacagta Adduunkuba si weyn u bogaadiyeen habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.