Warbixin: ku saabsan Golaha la Magac baxay Maskax-Shiil

Warbixin: ku saabsan Golaha la Magac baxay Maskax-Shiil

468
0
SHARE

                  Warbixin ku saabsan Golaha la Magac baxay Maskax Shiil.

Wargeyska Dalka oo ah Wargeys keliya ee ku hadla Codka dowladda ayaa wuxuu Wareysi gaaban la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Bahda qorayaasha qalinleyda ah ee Maskax-Shiil.

Su’aashii ugu horreysay ee la weydiiyay Guddoomiyaha Golaha Maskax shiil , Mudane, Suldaan Xaaji Aadan ayaa ahayd guddoomiye warbixin naga sii golaha siduu u shaqeeyo iyo xilligii la asaasay?

Guddoomiyaha ayaa wuxuu ku jawaabay mahadcelin ka dib, Golaha Maskax-shiil waa gole ay ku bahoobeen soomaali wax qorta oo gareedyo kala duwan leh, waxaana ku soo biira  oo member ka ah qof ugu yaraan hal buug faafiyay,  Golahan waxaa la asaasay taariikhdu markay ahayd 06/Jun/2017, iminka 2sano iyo bar ayuu sii ordayaa, memberiskiisuna waxuu gaarayaa ilaa 31 qofood, marka laga reebo kuwa cusub ee sannadkan 2019ka ku soo biiray.

Ujeedada kowaad ee aan hiigsaneyno waa in Bahda wax qorta la mideeyo leysu keeno, si kor loogu qaado, tayada qoraalka iyo wax soo saarka, si aqriska

Mujtamacayaga oo bulsho hadal ah loogu beddeli lahaa bulsho wax aqris badan, laguna dadaalo, si aan uga qeyb qaadanno horumarka dalka una sameyno taariikhda dalka iyo macluumaadka dalka, inaan u rogno hab qoraal ah si aysan wax nooga kala dhumin sidii waayadii hore oo kale.

Sidoo kale, ayaa lagu yiri maxaad u sheegi lahayd dadka soomaaliyeed ee aan waxba qorin waxna aqrin ee hadalka keliya ku mashquulsan?

Guddoomiyaha ayaa yiri, horta innagu Waxaanu sameynay cilmli baaris aad udheer ayaanu sameynay intaanan howshaan bilaabin waxaanu ku sameynay 124qof shaqaalaha dowladda rayidka ah,  kow dadka ganacsiga ka shaqeysta  iyo  dadka waxbartay, waa sadaxda qolo oo laga yaabo in ay waddanka hoggaankiisa qabtaan, sidoo kale, qof waliba gurigiisaan tagnay waxa buug yaalaan fiirinay, waxuuu soo iibsadaan aragnay, waxaa layaab laheyd inaannu  6 qofood aan ku aragnay guryahooda wax buug ah, oo min saddax buug aan dhameyn, waxaa kaloo aan ogaannay 6daas qof hal qof baa aqriya waxa buug ah ee guriga u yaalla, marka taasi macnaheedu waa Ziro weeye, marka waxaan go’aan ku gaarnay inaan isbeddel sameyno, runtii Iskuulaadka, Jaamacadaha, xarumaha aqoonta ayaan la sameynay xiriirro fara badan, bandhigyada magaalada Muqdisho lagu qabto hadda waagii hore 2015kii, waxaan weynay wax bandhigga ka soo qeyb galaba, 2019kiina, waxaa yimid shan kun (5000) oo qof baa timid, marka isbeddelbaa jira.

Dhinaca kale, waxaa Guddoomiyaha la weydiiyay, Inta uu ka kooban yahay Golahan lagu magacaabo Masakax-Shiil?

Guddoomiyaha ayaa yiri, Golaha Maskax-Shiil dadka hadda ka diiwaan gashan waa 31qof weeye ee hadda xamar ka diiwaan gashan, ilaa 20 labaataameeyo kalena way ku soo biirayaan oo isdiiwaan gelintooda ayaa socota, iyo isbeddel xagga maamulka.

Sidoo kale, waxaa la weydiiyay Guddoomiyaha Golaha imisaa rag ka ah imisaase haween ka ah?

Guddoomiyaha wuxuu ku jawaabay haweenka golaha ku jira waa 7 qof, haweenku aad bay noogu liitaan, laakiin sannadkan ee 2019ka aad bay u soo kaceen, waxaana rajeynaynaa inay ku soo biiri doonaan ilaa 7 haween ah oo kale haddii Ilaahey yiraahdo.

Sidoo kale, ayaa lagu yiri mar haddii wargeyska dalka uu maanta idinla joogo ma jeclaan lahayd, in waxqabadkiina lagu soo bandhigo laguna baafiyo?

Guddoomiyahu wuxuu ku jawaabay, waxaa ii farxad ah in aan maanta isla joogno wargeyska dalka, runtiina muddo dheer ayaanu raadinaynay in aan la kulanno, waana fursad cajiib ah inaan wargeyska dalka siinno Wareysi iyo Warbixinno, Inshaa Allaahuna waxaan rajeynaynaa inaan tillaabo weyn  u qaadno sidii aan xiriir ula yeelan lahayn Wargeyska Dalka si qoreyaasheennu bog ay wax ku qoraan ugu yeeshaan, waana soo dhaweyneynaa horumarka uu Wargeysku gaaray.

Sidoo kale, waxaa la weydiiyay wixii caqabado ahaa ee ka hor yimid muddadii uu howshani  ku guda jiray?

Guddoomiyaha ayaa yiri, caqabaduhu way fara badan yihiin lamana tirin karo, waanse soo jiirnay inta badan, waxaana ka mid ah dhinaca dhaqaalaha, waayo qofka marka uu ku soo biirayo qoraalka wuxuu u baahan yahay gacan qabad fara badan, xagga qoraalka laga caawiyo, xagga daabacaadda laga caawiyo suuq geyn buu u baahan yahay, marka xaggaasi waa dhaqaalaha.

Midda kalena waxaa weeye, taakuleynta xagga qalabka, waayo qalabka ayaa nagu yar markaa innaga uun baa wax isku aruurinna, xagga qalabkana waxaan la xiriirnaa qolooyin kale, laakiin waan rajeynaynaa sannadkan 2020ka inaan qalab iyo madbacadba helno oo innagu wax ku daabacanno iyo qof kastoo nagu soo biira ama memberka ah aanu u sameyno una daabacno si free ah asagana uu qeyb qaato suuqgeyntiisa.

Waxaan rajeynaynaa shanta sano ee soo socota qofkii Buug qoraa in uusan ka fekerin daabacaad iyo buugga iib kiisa, markii uu daabacaba uu xoogaa lacag ah uu helo isla markiiba.

Golaha Qoreyaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil

Magaca Goluhu waa: Golaha Qoraayaasha Soomaaliyeed ee MASKAXSHIIL.  Waa Gole ay isku bahaysteen qoraayaal Soomaaliyeed oo isugu jira, qoraayaal rug-caddaa ah, kuwa dhexe iyo kuwa cusubba, si ay isaga kaashadaan curinta, qorista iyo baahinta kutubta, waxaana la aasaasay 6-da bishii Luulyo 2017-ka.

Shaqooyinka Golaha

Shaqooyinka Golaha waxaa ka mid ah:

  1. Isku keenidda qoraayaasha Soomaaliyeed si ay iskaga kaashadaan qorista, daabacaadda iyo baahinta qoraallada, gaar ahaan kutubta iyo maqaallada.
  2. In qoraaga lagu dhiirri-geliyo sii wadista iyo joogtaynta wax qorista.
  3. In kor loo qaado tayada qoraalka, lana soo saaro qoraayaal xirfad tayeysan leh.
  4. In la abaabulo munaasabado lagu soo bandhigayo hadba buugaagta soo baxda.

Kh. In bulshada Soomaaliyeed lagu tir-tirsiiyo iibsashada iyo akhriska kutubta Af Soomaliga ku qoran.

  1. In la ilaaliyo danaha Qoraayaasha Soomaaliyeed.
  2. In la dhowro xuquuqaha kutubta iyo guud ahaan daabacadda.
  3. Kor-u-qaadidda xoriyadda fekerka.

Is-xilqaanka Golaha

  1. Goluhu waxa uu mas’uul ka yahay hormarinta qoraaga, qoraalka iyo akhrika, hormarinta afka, ilaalinta qoraha iyo dhowrista hal-abuurka.
  2. Goluhu waxa uu si tabarruc ah ula shaqeynayaa xarumaha bulshada isaga oo xariir la samaynaya naadiyaasha iyo ururrada kale ee ka shaqeeya qoraalka iyo akhriska.
  3. Goluhu waxa uu si dhow ula shaqeynaa bulshada qeybaheeda kala duwan isaga oo isla markaasina dhowraya qaanuunka dalka.