Waa kee xiddiga ka tirsan Liverpool ee doonaya inuu noqdo kabtanka joogtada...

Waa kee xiddiga ka tirsan Liverpool ee doonaya inuu noqdo kabtanka joogtada ah ee kooxda?

133
0
SHARE

Liverpool(DALKA)-Mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan xilligan la joogo kooxda Liverpool, ayaa wuxuu si cad u sheegay in mustaqbalka uu rajeynayo inuu noqdo kabtanka joogtada ah ee Reds.

Daafaca garabka midig ee Liverpool Alexander-Arnold ayaa wuxuu indhaha ku hayaa inuu noqdo kabtanka joogtada ah ee kooxda Reds.

Alexander-Arnold ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “BBC” wuxuu ku sheegay:

“Kama xishoodo inaan sidaas sheego, waxaan doonayaa inaan noqdo kabtanka kooda Liverpool maxaa yeelay taasi waa riyadeyda”.

Image result for Alexander-Arnold

“Haddii ay riyada rumoowdo ama haddii kale, arrintan maahan mid gacmaheyga ku jira, aniga ma ahi qofka dooranaya hogaamiyaha, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan maalin uun ku guuleysto, hoggaaminta Liverpool waa wax aan mar walba ku riyoodo, weyna i dhiirogalineysaa”.

“Waxaan marwalba ahaa ciyaaryahan Liverpool ah, kooxdana waa sida gurigeyga, waligey kuma fikirin inaan meel kale u dhaqaaqo, markii aan weynaadayna mar walba waxay riyadeyda aheyd inaan u ciyaaro Reds, hada waxaan ku noolahay riyada mana arkin  mana arko in arrintaas ay isbadeli doonto” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Alexander-Arnold.