WAA HODAN DALKEENNU

WAA HODAN DALKEENNU

124
0
SHARE

Wadammada Dunida uu Ilaahay balaariyey mid kasta wuxuu hodan ku yahay waxyaabo Ilaahay ku manaystay, laakiin waddanka Soomaalida wuxuu leeyahay waxyaabo dheeraad ah uu Alle siiyey haddii ay tahay dadka ku dul nool oo boqolkiiba % Muslim wada ah, Hawada iyo Carrada cosobka ah oo Caafimaadka laga helo, Qorraxda oo si joogto ah u soo baxdo martana halka aan Dunnida kaga naallo.

inta badan dalka Soomaaliya waxaa ku meegaaran badweynta India iyo Gacanka cadmeed dhererkooduna uu yahay 3333km, waxaana laga helaa kheyraadka noocyada ugu qaalisan ee badaha laga helo, gaar ahaan kalluunka loo yaqaano Yuumbiga, Jeydarka iyo Daambiriga, Noocyada aar-goosatada iyo noocyo kaloo badan oo dhammaantood baddeena ay ku caan tahay.

Si kastab ha noqotee badda Soomaaliya waa badda ugu nacfiga badan daaqa iyo noolaha ku jira aad iyo aad ayay u dhaqaalaysan yihiin.

Badda Soomaaliya  waxay leedahay xeeb aad u dheer waxayna dacalka ku heysaa Waddanka Kenya halka dhinaca kale ay dacalka ku heyso Waddanka Djabuuti.

Haddaba, dalkeena Soomaaliya ma ahan mid badda oo kaliya kheyraadkiisu ku egyahay ee wuxuu leeyahay oo kale Barri aad u ballaadhan iyo Wabiyo dhex mara deegaannadiisa, dhul ku wanaagsan beerashada iyo wax soo saarka, waxaana dhex mara labada wabi ee loo yaqaan Jubba iyo Shabeelle.

Dadka Soomaaliyeed beerashada iyo jallaabashada badaha iyo wabiyada ka sokow waxay dhaqdaan Xoolaha nocyadooda kala duwan yihiin sida: Geela, Lo’da, Ariga, Fardaha, Dameeraha iyo kuwo kale.

Xoolahaas oo ku dhaqankooda uu ukala baxo maalis, qalasho, rarasho oo gaadiid ahaan loo isticmaalo, xoolahaas oo kala duwan waxaa  loo iibgeeya dalka gudihiisa iyo dibadiisa intaba.

Marka dibadda loo iib geeyo xoolahaa aan soo sheegnay waxaa dalka kasoo gala lacago adag iyo hanti kaloo aad fara badan waxaa kaloo si weyn nolosha uga tiirsan tahay oo Ilaahay uu ku manaystay Ummadda Soomaaliyeed nocyada ka baxa Beeraha sida Galleyda, Masagada, Sisinta, Qaraha, Canbaha iyo liinta noocyadeeda kala duwan, canbaha, Muuska oo ah mid si weyn uga baxa beeraha Soomaaliya qudaarta dibadda loo iib geeyana kow ka ah iyo kuwo kaloo tiro badan.

Dalgyada ka baxa dalkeena oo hodanka uu ku yahay waa ay fara badan yihiin lagumana soo koobi karo hal iyo dhowr maqaal oo la qoray ee waa kuwo aad u baaxad weyn oo badan.

Intaa marka aan ka gudubno, waxaa kaloo dalkeennu caan ku yahay bilicda duur joogta kala duwan, sida Deerada iyo Cowsha, Geriga iyo Maroodiga, Dameer farowga Baciidka iyo Goodirka iyo inkaloo badan oo ka mid ah nooca la ugaarsado.

Waxaa kaloo jira noocyada wax u gaarsada oo loo yaqaan Habar dugaag sida Libaaxa, Shabeelka, Haram cadka, Waraabaha, Weerka, Gaduudanaha, Dawacada, Yeyda iyo kuwo kaloo iyagana badan oo aan lasoo koobi Karin.

Waxaan kusoo gabo-gabeynaynaa maqaalkeenna Suugaantan ka hadlaysa wadaniga oo oranaysa (dalkoodi bay naceene Soomaalidu maxaa ku dhacay)

  • Dadkeennii maxaa ku dhacay
  • muxuu dibadda u jaclaaday
  • daadduunka qaxootigiyo
  • maxaa dibadaha u diray
  • maxay isu wada dileen
  • diintoodi miyeysan baran
  • Dalkoodi miyey gateen
  • ummaddu waa kala dambeyne
  • ma xilbay wada doonayaan
  • ma daba dhilif bay noqdeen
  • ma cadowga ayey daacad u yihiin
  • Shacabku wuu daallan yahee
  • ka daaya wixii dillooday
  • u doonna wixii u roon
  • ka daaya dulmiga iyo dhibk
  • iyo deegaanka wixii u daran.

Dardaaran

Maadaama dalkeennu uu hodan ku yahay noocyada kheyraadka dunnida iyo noolaha ugu deeqay Ilaahay subxaanahu watacaala sow ma habboona in aan si wadajir ah ugu dhaqaaqno wax beerashada iyo dhaqashada Xoolaha noocyadoda kala duwan si aan uga maaranno dal shisheeye iyo gacan hoorsi una diyaar garowno inaan difaacno bad barri iyo hawo intaba?. Taasi waxay u baahan tahay istaageerid iyo walaaltinimo, iskaashi iyo gacan isasiin, waxaa markaas ka maarmeyna gacan hoorsiga iyo damaca waddamada shisheeye.

Gacan hoorsigu waa gunnimo meel xun ayuuna u geeyaa, Soomaaliyey heshiiya hanti Ilaahay baa idiin siiyeye  wada shaqeysta waad dhargeysiine, Alle barya waad wada liibaaneysaane, Xarigga Ilaahay qabsada iskana daaya khilaafka iyo is naceybka iyo qabyaaladda qurunkeeda ee aan sal iyo raadna aan kulaheyn ku dhaqankeeda diinteenna qayimka ah cid kastoo qabyaalad ku dhaqantana kama dhaxleyso wax aan ka aheyn qasaaro.

Haddaba, aan iska ilaalino ku dhaqanka qabyaaladda sida Rasuulkeennaba yiri ka taga waa Qurunnee.

W/Q: C/salaan Axmed Gabeere