U kaca Dhaqashada Digaagga iyo ka faa’iideysiga kheraadka Badda.

U kaca Dhaqashada Digaagga iyo ka faa’iideysiga kheraadka Badda.

302
0
SHARE

Dhamaan waxaynu wadda ognahay sida xaqiiqda ah in wax kasta uu Ilaahay (SWT) uu abuuray ay xikmad iyo faa’iidooyin ku jiraan, Iyadoo la doonayo inaynu si fiican uga faa´iidaysano, Ka dibna aynu Ilaahay (SWT) aynu ugu mahad-naqno nimcooyinka dusheena uu ku manaystay.

Marka guud haan laga hadlayo dhaqasho, waxaa lagu macneyn karaa Duunyada aad adigu leedahay oo si gaar ah xerada kuugu jira xanaaneyntooda iyo kobcintooda, markaas ayaa lagu oran karaa hebel waa Duunyo dhaqato.

Haddaba, duunyada la dhaqdo waxay u kala baxaan dhowr nuuc oo caan ah, balse waxaa maanta isku baraarujineynaa in wax ka sheegno dhaqashada iyo faa’iidada Digaagga iyo weliba kalluunka Baddeenna Ilaah ku manneystay kheyraad aan halkan lagu soo koobi Karin.

Digaagga ayey Soomaalida qaar u yaqaaniin magac aysan jecleysan balse oodda qaad iyo jiidis weysla guri geyne, waxay ujeeddadu tahay in la fahmo faa’iidada ku jirta hilbaha cadcad ee laga helo Digaagga iyo Kalluunka.

Haddaba, Faa’iidada iyo Waxtarka Ku jira Hilibka Digaagga

Digaagga dabiiciga ah wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo ay ugu horayso in laga helo borotiin badan, kaasoo muhiim u ah korriimada murqaha iyo seedaha bini’aadanka.

Waxaa kaloo borotiinka digaagga laga helo ku badan nooca loo yaqaano “Typtophan” oo ah mid waxtar u leh niyadda qofka, waxaa la arkay inuu hoos u dhigo diiqada iyo welwelka maadaama uu borotiinkas sare u qaado dheecaan ay maskaxdu soo dayso oo loo yaqaano “serotonin”, sidaas daraadeed, waxaa la dhahaa: Cab maraq digaag haddii aad welwelsan tahay.

Borotiinka waxaa kaloo ka mid ah nooca loo yaqaano “Homocysteine” oo muhiim u ah caafimaadka wadnaha.

Waxaa kaloo hilibka digaaga laga helaa maadada loo yaqaano “phosphorus” oo faa’iido ugu jirto ilkaha iyo lafaha bini’aadanka iyo shaqada beerka, kilyaha iyo neerfaha.

Waxaa kaloo digaaga laga helaa maadada loo yaqaano “selenium” oo muhiim u ah shaqaynta hormoonada jirka khaasatan kuwa uu soo daayo qanjirka dhuunta ee thyroid-ka loo yaqaano.

Waxaa kaloo hilibka digaagga ka buuxo fitamiinka nooca loo yaqaano “B6” kaasoo muhiim u ah caafimaad xididdada jirka.

Sidoo kale, Digaagga waxaa laga helaa Ukun haddaba waa maxay Faa’iidooyinka Ukunta laga helo, Cunista ukunta waxay kor u qaaddaa caafimaadka qofka.

Haddii aanu qofku jeclayn inuu cuno beedka ama ukunta waxa jira cilmi-baadhiso sababaynaya in ay faa’iido u tahay qofka inuu cuno beedkaas, haddaba dhowrkaan arrimood waxay kuu faa’iidaynaya inaad joogtayso cunista beedka.

  1. Qofka beedka cunaa waxa uu ka badbaadaa faaliga iyo wadne-xannuunka:

Waxa jiray odhaahyo tilmaamaya haddii qofku caadaysto cunista beedka inuu subaga jidhkiisu ku badanayo, balse cilmi-baadhiso cusub oo dhawaan la soo saaray ayaa iftiimiyey in beedku ka hortago xannuunada faaliga iyo wadne-xannuunka.

  1. Waxa uu qofka siiyaa faytamiin:

Beedka ama ukunta waxa laga helaa faytamiino daruuri u ah caafimaadka dadka, isla markaana keena in caafimaadka qofku noqdo mid aad u wanaagsan, waxana ka mid ah faytamiinnadaas;

Vatamin B2 amma faytamiin Riboflavin, kaasoo jidhka qofka ka caawiya inuu burburiyo cuntooyinka.

Vatamin B12 amma Faytamiin Cobalamin oo muhiim u ah in jidhku soo saaro unugyada

Vatamin A amma Faytamiin Retinol, kaasoo kor u qaada araga indhaha.

Vatamin E amma Faytamiin Tocopherol, kaasoo qofka ka caawiya inuu jidhku la dagaalalamo walxaha galaya ee dhaawaca ku keeni kara unugyada, aakhirkana sababa kansar.

Faytamin A iyo B2 waxay muhiim u yihiin koritaanka unugyada, sidaa daraadeed waxa qofka u wanaagsan inuu badsado cunista beedka.

  1. Wuxuu nafaqo siiyaa muruqyada:

Beedku oo ka mid ilaha ugu fiican ee cuntooyinka nafaqada laga helo ah, waxa uu muruqyada siiyaa tamar iyo nafaqo, sababtoo ah waxa ku jira Faytamiin B12, kaasoo muruqyada ka caawiya inay si fiican u shaqeeyaan, laakiin waxaad iska jirtaa beedka digaaga lagu muddo daawooyinka si ay u beedkay dhalaan u weynadaan, waxayna leeyihiin dhibaato caafimaad.

  1. Wuxuu difaacaa Kansarka:

Haweenka cuna xaddi badanoo beed ah waxay 24% ka badbaadaan kansarka naasaha ku dhaca sida lagu xaqiijiyey daraasad dhawaan la soo saaray, waxaannu beedku qofka siiyaa maadada amma faytamiin la yidhaa Choline oo jidhka ka difaaca in kansar ku dhaco.

Maadada Choline waxay ku badan tahay qaybta huruudda ah ee beedka, sidaa daraadeed waa inaad beedka dhammaantii quudato, cuntadana aad ku darasada si aad faa’iidadiisa u hesho.

  1. Maskaxda qofka ayuu koriyaa:

Ukunta waxay qofka ka dhigta mid xasuustiisu aad u fiican tahay, waayo wuxuu nafaqo badan siiyaa maskaxda, taasoo qofka ka caawisa in maskaxdiisu kaydiso macluumaad badan, xasuus ahaanna noqoto mid aad u wanaagsan, waxana Ukunta digaagga laga helo ku badan maadada Omega-3 Fattey Acid, taasoo awoodda maskaxda kor u qaadda.

Ukunta digaagga inta badan waxa laga helaa faytamiin E, kaasoo dhakhaatiirtu ama dadka nafaqada cuntada ku xeel-dheer aaminsan yihiin inuu qofka ka difaaco cudurka asaasaqa ee keena inuu qofku caruuroobo ama isku dhex daato maskax ahaan.

Sidoo kale, Kalluunka ayaa ka mid ah waxyaabaha uu jirkeenna u baahan yahay wuxuuna ka tirsan yahay bahda hilibka cad laga helo.

 

Waxaynu isla arki doonnaa faa´iidada uu kalluunku u leeyahay jirkeenna iyo weliba sida ugu wanaagsan ee loo cuni karo.

Inkastoy kaluumada oo dhami ay wada leeyihiin anfacaad badan oo ay ka siman yihiin, Balse maanta waxaynu wax ka sheegeynaa kaluunka loo yaqaan Salmon.

Kalluunka Salmon Wuxuu u fiican yahay dhammaan jirkeenna gaar ahaan

– Maskaxda

– Wadnaha

– Maqaarka

– Difaaca jidhka

– Lafaha.

– Vitamin D

Waxa uu leeyahay kalluunku dufanka loo yaqaano Omega-3. Dufankaas oo ah nooca dufanka jidhka u fiican waxtarkana u leh marka la barbar dhigo sida dufanka xoolaha.

Omega-3 waa subaga ka dhasha marka kalluunka la dubo ama la shiilo. Dufanka ayaa waxaa ku jira walxo aad u caawiya ka hortga:

Waxa ku jira protein aad u sareeya oo ka qayb qaata dhisidda iyo isku dheelitirida unugtada jidhka oo dhan.

Waxa ku jira Marine omega-3 fatty acids, oo ka hortaga wadne xanuunka iyo xanuunada la xidhiidha wadnaha.

Waxa kale oo ku jira maadooyin u fiican kobcinta maskaxda, Taasoo kor u qaada, fahamka, xasuusta iyo weliba aragga indhaha.

Waxa ku jira kalluunka Vitamin D, oo ka qayb qaada isku dheelitirka kaalshiyaamka  jidhka, vitaminkan oo caawiya dhisidda iyo daryeelka lafaha.

Waxa kale oo ku jira Selenium oo ah maado muhiim ah oo ka qayb qaadata inay la dagaalanto jeermiska kana qayb qaadata nadiifinta gudaha jidhka .

Intaa aynu kor ku soo sheegnay oo dhan waxa  dheer inuu dufanka kalluunku ka qayb qaato:

– Dhisidda difaaca jidhka

– Daryeelka timaha

– La dagaalanka in maqaarku ku qalalo

– Ka hortaga la dagaalanka xanuunka Kanasarka

Haddaba cilmi baaristu waxay inoo sheegaysaa inuu kalluunka intaasoo faa´iido leeyahay, waxay ku  talisay inay fiican tahay  in qofku ugu yaraan 3 maalmood toddobaadkii uu cuno kalluun weliba noocayada dufanka badan leh.

W/Diyaariyay: Osman Dhiblaawe