Toogasho ka dhacday bartamaha magaalada Utrecht ee dalka Netharland

Toogasho ka dhacday bartamaha magaalada Utrecht ee dalka Netharland

79
0
SHARE

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyootay dhowr kalena waa ku dhaawacantay toogasho ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netharland, sida uu sheegay afhayeenka Booliska

Qof goobjooge ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in toogashada ay ka dhacday gudaha goob Tareenada la raaco oo la yiraahdo 24-kii Oktoberplein

Goobjooge kale ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay inuu arkay haweeney dhaawac ah oo ka soo carartay goobta toogashada ay ka dhacday,waxayna u muuqatay mid xabada ka haleeshay xabadka,waxaana dhiig kaga yaalay gacmaha iyo dharkii ay wadatay.

“ Waxaan ku qaaday gaarigeyga,waana caawiyay,markii ay booliska yimaadeena,waa ay miyir beeshay,” ayuu yiri qofka goobjoogaha ahaa.

Booliska ayaa sheegay in qofka tuhmane ah uu baxsaday,islamarkaana lagu daba jiro.

Kooxaha gurmadka deg deg ah oo ay ku jiraan Booliska iyo diyaarado Helicopters ah ayaa gaaray durbadiiba goobta ay toogashada ka dhacday.

Ammaanka magaalada Utrecht ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan goobaha dadka ay isugu yimaadeen ee Dukaamada iyo waliba xarumaha kale muhiimka ah ee Dowladda.